Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ambassador Mahiga visits Somaliland President Siilaanyo says i don't have time

Recommended Posts

Wafti Uu Hogaaminayo Madaxwayne Siilaanyo Oo Socdaal Ku Tagay Shiinaha

 

Hargeysa, August 7, 2011 (Haatuf) - Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu Hogaaminayo oo shalay socdaal aan hore loo sii shaacin ugu ambabaxay Dalka Shiinaha.

 

Weftigan oo shalay abaaro shantii galabnimo ka duulay Madaarka Hargeysa, ayaa waxa qaaday Diyaarad khaas ah oo loo soo diray, madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa intaanay tagin dalka China waxa ay ku sii hakan doonaan Wadanka Itoobiya, halkaas oo la filayo inay kulamo kula yeeshaa madaxda dalkaas.

 

Bari Isniinta ayaa la filayaa in madaxwayne Siilaanyo uu dalka Ethiopia uga sii gudbo dhinaca Wadanka Shiinaha oo uu Madaxweynuhu marti qaad rasmi ah ka helay Dawladda Wadankaasi.

 

Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa waxa madaarka ku sii sagootiyey Masuuliyiin badan oo uu hor kacayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Shir gudoonka Golaha Wakiilada, Wasiiro iyo dadweyne kale oo tiro badan.

 

Madaxweynaha ayaa intii aanu diyaarada raacin salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka, waxaana la sheegay inuu weftigan ujeedada ugu weyn ee u tagayo Dalka Shiinaha ay tahay sidii uu dalka Shiinuhu uga qayb qaadan lahaa maalgashiga iyo samaynta wadooyinka iyo guryaha, waxaanu inta uu ku sugan yahay dalkaasi Shiinaha kulamo la yeelan doonaa Masuuliyiinta ugu sarsaraysa Dawladda Shiinaha.

 

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada Socdaalka weftiga uu hogaaminayo Madaxweynuhu, waxaanu sheegay inay weftigu ku tagayaan Dalka Shiinaha marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen Dawladda dalkaasi.

 

Afhayeenka oo ka waramaya Ujeedada socdaalka Madaxweynaha, waxa uu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu u ambabaxay Dalka Itoobiya oo uu Maalin sii joogi doono ka dib-na ugu gudbi doono Wadanka Shiinaha, waxaana Weftigu ka kooban yihiin Madaxweynaha, Mareeyaha Dekadda, Afar Wasiir, Shaqaalihiisa iyo Marwadiisa.

 

Ujeedada Socdaalka ee Madaxweynuhu waxay daba socotaa xidhiidh u socday labada dal mudadii sanadka ahayd ee Xukuumaddu jirtay, Shiinuhu-na waxa uu ka mid yahay meelaha uu Madaxweynuhu khudbadiisii sanadlaha ahayd uu ku xusay waa dal weyn oo dihin, waa dal weyn oo ka horumaray dhinacyada Dhaqaalaha iyo Wax soosaarka, waana dal wax badan oo baayaheena wax ka tari kara, Ujeedada maanta ee socdaalka ee Madaxweynuhu waxay tahay wadanka Shiinaha sidii uu inooga caawin lahaa waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin sida looga faa’iidaysanayo Khayraadka, Shidaalka iyo Waxyaabo kale oo badan, waxa kale oo ay weftigu u tagayaan sidii ay maal geshi uga soo heli lahaayeen Shirkadaha waaweyn, waxa kale oo ay u tagayaan Shiinaha waxay ahayd wadankii dhinaca Wadooyinka iyo Biyaha inay doorkoodii mar labaad qaadato, waxyaabaha kale waa wax ka soo bixi kara wada hadalada.

 

Safarkuna waxa laga yabaa inuu muddo yar oo aan badnayn qaato maadaama oo aanu Madaxweynuhu jeclayn safarka dheer.

 

Waxa jiray Deg deg dhinaca Diyaarada ka yimid oo wakhtigii loogu talo galay in la soo qaado ka soo horumartay”.

 

Mar la weydiiyey Aguostinga Mahiga oo dalka yimid shalay isla markaana ay Madaxweynaha isku weydaarteen Madaarka isaga oo Mahiga sheegay inuu kulan la yeelan doono Madaxweynaha sida ay isu waafaqayaan hadalkaa ayaa waxa uu ku jawaabay “Way is waafaqaysaa oo qof weliba waxa uu socda dan gaar ah oo mid weliba Ujeedadiisuu u socday, waxaanu la kulmayaa Madaxweyne ku xigeenka, waxaanu Madaxweynuhu ku baxay Marti qaad rasmi ah oo uu ka helay Dawladda Shiinaha, waxaanu kulamo la soo yeelan doonaa Xukuumadda Shiinaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kagan waligi Jacaylkana baran maxaad tidhi maxaan ka daraya ramadan karim to you Faraha sidee laga sooma war ninku diin yara , Warya zack i still have problems posting man bal adiga IT khabir ah bal give me some secrets ciilad baan ka dhamaan wayey eh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

The Zack;739302 wrote:
He had issues with posting stuff on SOL in the last couple of days, waan ka reysanay intaas.

lol....XX oo cabanaya ayaan akhriyey, markaas baan is iri duqa wixii uu horay meeshaan uga soo buuxiyey xitaa maku filnaan waayeen...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

So avoiding the UN is how these monkeys think they will get their elusive recognition? Do they know that the UN has the decision to sanction the recognition of countries?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this