Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Alshabaab oo laga saaray Deeganka Galcad ee Gobolka Galgaduud, Iyo xaalada Mazagawaay oo kacsan

Recommended Posts

Al-Shabaab oo laga saaray Deegaanka Galcad iyo Degmada Masagawaay Al-Shabaabka jooga oo iyana la faray inay hubka dhigaan, haddii kale….

 

Wararka ka imaanaya Deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al-Shabaabkii joogay laga soo saaray Magaaladaasi, kadib markii uu dagaal dhexmaray dadka Deegaanka iyo maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee halkaasi ku sugnaa.

 

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay haatan ku sugan yihiin meel banaanka ka ah Deegaanka Galcad, iyadoo halkaasi isku horfadhiyaan rag hubaysan oo isla deegaankaasi ka soo jeeda.

 

Wararku waxa ay sheegayaan in rasaas xooggan oo shalay ilaa xalay socotay kadib inay suurtagashay in Maleeshiyadii Shabaabka isga baxaan Deegaanka Galcad, iyadoo dadka deegaankaasi ay doonayaan inay hubka ka qaataan kooxdaasi laga saaray Deegaanka Galcad.

 

Sidoo kale wararka iyagana laga helaayo Degmada Masagawaay ayaa sheegaya in Shabaabkii joogay halkaasi saakay lagu hareereysan yahay, islamarkaana la faryo inay hubka wareejiyaan, haddii kale la layn doon.

 

Mid ka mid ah dadka Deegaanka Masagawaay oo la soo xiriiray Saxaafadda ayaa sheegay inay khaarijin doonaan kuwii diida inay hubka iska dhigaan, wuxuuna sheegay in Shabaab ay ka soo saareen deegaanadooda, islamarkaana ay la dagaalamayaan cidii isku dayda inay mar kale deegaankooda dhib ka abuuraan.

 

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay dalka hadda kaga sugan yihiin waxaa ku kacay dadkii deegaanadaasi deganaa ee ay dhibaatada ku hayeen, waxaana maalmahaan dambe la maqlaayay in deegaan kasta dadkii degnaa uu bilaabay inuu la dagaalamo Shabaabka halkaasi ku sugan.

 

Dhinaca kale waxaa xalay la maqlay iyana dadkii deganaa Degmada Ruun Nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe in maleeshiyaadkii Shabaabka ahaa ee halkaasi joogay in Qoryaha uga qaateen Tooreeyo, iyadoo, halkaasi ay ka bilaabatay in la u gaarsado dadkii ka midka ahaa Shabaabka ee lagu arko deegaankaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal culus oo maantay ka dhacay degmada Galcad ayaa ugu danbeyntii looga awood roonaaday kooda Alshabaab. Dagaalkan oo ay si gaadmo ah u soo qaadeen kooxda Alshabaab ayaa waxaa markii hore u suura gashay inay qabsadaan Degmada Galcad.

 

 

 

Hase yeshee beesha degaanka ayaa weerar rogaal celis ah ku soo qaaday kooxdii Alshabaab waxaana ay dib ula wareegeen dhamaan dhulkii ay shabaabku qabsadeen.

 

 

 

Dagaalkii maanta oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa uu geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaac fara badan oo leh labada dhinac.Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay iney dhinteen 6 nin oo deeganka difaacanaye.

 

Magacyada ragii u dhintay difaaca Galcad

1 Cabdullahi Xasan jimcaale

2 Cabdullhi Xasan Dhiblaawe Cariif

3 Cali Cabdullahi Ileey

4 Garba Adag

5 Ina Axamad Shirwac

6 Cadullaahi Geesoole

 

Kooda Alshabaab oo uu hogaaminay Kaba-ku dukade ayaa markii hore waxaa u qorsheysnaa inay qabsadaan Mesagawaay hase yeshee waxaa la hordhigay difaac adag iyagoo markii danbe dagaalka u wareejiyay degmada Galcad.

 

 

 

Cidamadii soo weeraray Galcad ayaa la sheegay inay ka yimaadeen gobalka shabeelada/Dhexe.

 

Sikastaba ha ahaateen waxaan la ogeyn in Alshaab ay soo rogaal celiyaan donaan iyo in ay ku laaban doonaan goobihii ay duulaanka ka soo qaadeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kooxaha Xagjiriinta ah ee Al-shabaab oo 24kii saac ee la soo dhaafay jab weyn uu ka gaaray gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa la soo sheegayaa in dagaal adag oo shalay ilaa maanta ka socday Degmooyinka Masagwaay iyo Galcad ee Gobolka Cowl halkaasi si kacdoon ah looga saaray.

 

Dadka deegaanka Galcad ee gobolka Cowl ayaa la sheegayaa in ay dagaal adag la galeen kooxda Al-shabaab oo halkaasi mudooyinkii ugu dambeeyey ka waday tacadiyo fool xun iyagoona halkaasi ugu dambeyntii saakay isaga huleelay.

 

Duqeyda magaalada Degmada Galcad iyo Masagwaay, ayaa ugu baaqay in ay kooxda AL-shabaab ay hubka dhigaan isuna soo dhiibaan iyagoona balan qaaday in aan waxba la gaarsiin.

 

Degmada Ruun-nirgood ayaa iyaduna la soo sheegayaa in halkaasi ay shaqaaqooyin Kooxaha A-shabaab lagaga soo horjeedo ka dhaceen iyadoo dadka qaar ay mindiyo iyo baangado albaabada la taagan yihiin si ay isaga caabiyaaan Tacadiyada kaga imaan kara Kooxaha A-shabaab oo laga soo raacdeeyey Degmooyinka Galcag iyo Masagawaay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

oba hiloowlow;739374 wrote:
Degmooyinka Masagwaay iyo Galcad ee Gobolka Cowl.

I am pretty sure there is no gobol by the name of Cowl in the 18 gobols of Somalia but where are these degmooyin located at? Shabeelayaasha miyaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this