Nabad_dadaye Posted August 2, 2011 1: soo dajinta Quraanka kariimka bisha ramadaan waa bishii Eebe kusoo dajiyay nabigeena NNKH Quraanka kariim eeyna bilaabatay dacwada. waxey aheyd maalin isniin ah bishana eey tahay 21 ramadan. Alle wuxuu yiri شهر رمضان الذي أنزل فيه القرآن }[ البقرة /185] , xadiithka uu wariyay muslim (1162 ). 2:dhimashadii Abuu dhaalib(nabiga adeerkiisa ). sanadkii tobanaad ,soobixinta nabiga dabadeed .sadaxsano kahor hijrada Nabiga NNKH 3:geerida hooyada mu'miniinta Khadiija binti khuweylid AHRN waana isla sanadkii 10 ee abuu dhalib uu geeriyooday . 4: sanadkii koowaad ee hijrada (tagidii suubanaha uu tagay madiina ) waxa la diray sariyadii ( ciidan soo indha indheeya xaaladaha)uu xamza bin Abuu Dhalib AHRN uu hogaaminayay ee la oran jiray sirriyatu seyful baxri . 5:17 Ram sanadka 2aad ee hijrada waxaa dhacday ,dhacdadii weyneyd ee dagaalkii Badar halkaas ooy ku baqtiyeen 70 madaxyaweyntii gaalada qureysheed ah uuna ku jiray Abu jahal(camar bin hasham),iyo ummayah bin khalaf , caas bin hasham bin muqiira(cumar bin khadhab AHRN) . meysan anficin laata iyo cuza (magacyo sanamo eey Qureysi caabudi jirtay). 6:2H waxaa kaloo geeriyootay Ruqiyah gabadhadhii nabi muxamad NNKH ,xaaskii Sayidunaa cusmaan bin cafaan AHRN. 7: sanadkii 3 aad qaasatan 15 ayaa Faadumo binti muxamad NNKH waxa eey dhashay Xasan bin cali bin abii dhaalib AHRNDH. Erey bixin NNKH :Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha Ahaato. AHRN : Alle haka raali noqdo AHRNDH: Alle haka raali noqdo dhamaantood . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nabad_dadaye Posted August 2, 2011 8: isla sanad ki 3 aad rasuulka wuxuu guursaday Zeynab bint Khuzeymah bint Xaarith oo kumagac dheereed hooyada masaakiinta. 9:sanadkii 5aad waxaa Alle soo dajiyay aayadahii qur'aanka ee ceeb tirayay hooyadeen caaisha AHRN ayada , kadib markii cabdulaahi ibnu ubey ibnu salool uu fidiyay in caaisha zineysatay . sheekadan been abuurka wexey dhacday bishi shacbaan ,marka eey asxaabta iyo rasuulkaba eey kasoo laabteen dagaalkii lala galay reer banii musdhaliqa , arinka wuu socday ilaa bisha ramadaan ,markaas ayuu soo dageen aayadihii beenta daaha ka qaday caaisha bari yeelay. 10:sanadkii 8aad waxaa dhacay furashadii Makkah ,rasuulka waxaa la tilmaamaa inuu Madiina ka soo baxay bisha ramadaan markey ahayd 10 , Makkana wuu gaaray 19 bisha ramadaan . 11:sanadkii 9aad waxaa rasuulka u yimid reer banii thaqiif ayagoo cadeeynaya iney islaameen . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nabad_dadaye Posted August 17, 2011 17 Ramadaan Iyo Dagaalkii Badar Illaahay ayaa mahleh illaaha awooda wayn iska leh ee boqorka ah, illaahay kama qarsoona waxyarna, illaahay aragiisa kama qarsoona ilma qabtina, illaaha u saaxiibka ah waynida, illaaha iska leh xukunka cidkasta oo wax xukunta waana ka ugu xukunka fiican illaahay, waxa aan u mahadnaqayaa illaahay mahadnaq aan la soo koobi karayn, illaahay waxa aan waydiisanayaa in uu igu kaalmeeyo kuwa samirka badan leh, waxa qirayaa illaahay mooyane illaah kale jirin wax cibaadadiisa lala wadaajiyaana ma jirto hore iyo danbeba, waxa aan qirayaa maxamed in uu yahay adoonkiisi iyo rasuulkiisi uu ka dhex doortay umada oo dhan kuna gargaaray maalintii badar malaa’igta illaahay samada kaga soo dejiyay N.N.K.H iyo ehelkiisiba iyo asxaabtiisi iyo cida raacday xaqa ilaa maalinta qiyaamaha Maanta oo bisha ramadaan ay tahay 17 waxay ku beegan tahay maalintii uu dhacay dagaalkii badar, markaa maanta waxanu ku soo qaadan doona dagaalkii badar madama aanu ku jirno bishii ramadaan. Bishan ramadaan ee barakaysan waa bishii illaahay u gargaaray muslimiinta dagaalkii waynaa ee badar oo ay ka guulaysteen cadowgii mishrikiinta ahaa, sidaa darteed waxa maalintan lagu magacaaba (YOOMUL FURQAAN) maalintii kala saarida xaqa iyo baadilka ee loo gargaaray Rasuulka (CSW) iyo muumininta lana halaagay kufaarta iyo mishrikiinta, waxay ay ahayd bil ramadaan Sanadkii 8aad ee hijriyada. Sababta dagaalkan keentayna waxay ahayd, Nabiga (CSW) ayaa ogaaday in Abu sufyaan oo ka yimi shaam oo hogaaminayana safar qurayshi lahayd in uu soo jeedo dhinaca maka Nabigu (CSW) waxa uu u yeedhay asxaabtiisi waxanu uu amray in ay baxaan oo ay qabtaan safarka iyo awrta, sababtoo ah Qureeyshi way la dagaalamaysay Rasuulka (CSW) iyo asxaabtiisiba wax heshiish ihina umuu dhaxayn, Qureeyshi waxay guryahoogi ay ka soo saareen Nabiga (CSW) iyo asxaabtiisi waxayna dhaceen hantidii iyo maalkii islaamka waxayna ka hor yimaadeen dacwadii xaqa ahayd ee ay wadeen, markaa xaq ayay ahayd in Nabiga (CSW) iyo asxaabtiisu ay jidgooyn u galaan safarka iyo hantida quraysheed. Nabiga (CSW) ayaa soo baxay isagoo la socdaan Sadex boqol iyo dhowr iyo toban asxaabi iyo 2 faras iyo 70 awr oo ay wateen muhaajiriintu inta kale waxay ahaaayeen ansaar manay dooneyn in ay dagaalamaan ee waxay doonayeen in ay awrta uun ay kaxaysataan laakiin illaahay ayaa ku kulmiyay iyaga iyo cadowgoogi meel aanay ka filayn wuxuu illaahay xukumaana waa wax dhacaya, Abu sufyaan ayaa ogaaday in jidka ciidan ay ku soo jiraan ciidankaas oo uu wato Rasuulki (CSW) qayla dhaan ayuu u dirtay qureeysh si gurmad loogu soo diro safarka wuuna ka beedhay dariiqi muctaad oo waxa uu raacay xeebta bada cirifkeeda waana uu nabad gelay. Qoladii qureysheed markii uu u yimi qayla doonkii waxa isku soo baxay odayaashi iyo ashraaftoodii waxana la diyaariyay ciidan gaadhaya ilaa 1000 nin oo wata ilaa boqol faras ilaa 700 awr waxa kaloo la socday dumar heesayay waxna tumayay, Abu sufyaan markii uu ogaaday in ay soo baxday qureeyshi wuxuu u diray fariin uu u sheegayo in uu nabad gelay waxana uu u sheegay in ay iska noqdaan laakiin arinkaa way diideen, Abu jahal waxa uu yidhi ma noqonayo ilaa aynu gaadhno badar oo aynu daganaano sadex maalmood oo aanu geela ku qalano waxna ku cuno khamrigana ku cabno oo ay carabina maqasho in aanan cidina anaga wax nayeeli karin. Rasuulkii illaahay (CSW) markii uu ogaaday in ay qureeyshi soo baxday waxa uu u yeedhay asxaabtiisi waana uu la tashaday wuxuuna ku yidhi illaahay waxa uu balan qaaday labada qolaba ama awrta ama ciidanka, waxa kacay Maqdaad binu aswad waxa uu ka mid ahaa muhaajiriin waxa uu ku yidhina Rasuulkii illaahayow ku soco wixii illaahay ku amray illaahaybaan ku dhaartee ku odhan mayno waxa ay Nabi Muuse (CS) ku yidhaadeen reer binu israa’ “Socda adiga iyo rabigaa soo dagaalama anagu halkan ayaan sii fadhiyeynaye” [suuratu-maa’id 24] Laakiin waxa aanu ka dagaalami doona midigtaada iyo bidixdaada iyo hortaada iyo dhabarkaaga, waxa kaloo kacay Sacad Binu macaad oo ahaa odaygii reer aws wuxuna ahaa ansaar waxana uu yidhi rasuulkii illaahayow waxa laga yaaba in aad ka baqayso in ansaari xaq u arkaan in marka ay gurigooga joogan ay ku gargaaraan, waxa aan ansaarta leeyahay halkii Nabigu (CSW) uu inoo diro waa in aanu galnaa Rasuulkii ilaahayow xadhiga cidii aad doonto gaadhsii cidii aad doontana ka goo maal kayaga waxaad doonto ka qaado cidaad doontana sii waxa aad naga qaadato ayaanu ka jecelahay wixii aad nooga tagto amar kasta oo aad doontana na amar, amarkaaga waanu qaadanaynaa waana raacaynaa, illaahaybaan ku dhaartee hadii aad nala socoto ilaa aad gaadhayso Barki iyo Qamdaan waanu kula soconaynaa, hadii aad noo soo bandhigto badaa in aad gasho waan kula manquuranaynaa anaguna ma karaahiyaysanayno in aan beri la kulano cadowga, anagu waanu adkaysanaynaa dagaalka marka cadowga la kulmana si dhab ah ayaanu u dagaalamaynaa waxana laga yaaba in illaahay nagala kulmiyo waxa ay indhahaagu ku qabowsadaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nabad_dadaye Posted August 17, 2011 Nabigu (CSW) waa uu dhaqaaqay markii u maqlay hadalkii Muhaajirinta iyo Asaarta illahaay raali haka ahadee, Nabigu (CSW) waxa uu yidhi SOCDA OO BISHAARAYSTA WAXA AAD MOODA IN AAN ARKAYO KUWII QOOMKA UGU DAGAAL YAHANSANAA, Nabigu (CSW) waa uu soo dhaqaaqay isagoo ay la socdaan ciidamadii illaahay ilaa ay soo degeen meel u dhow biyaha badar, Xabaab binu mudar ayaa yidhi Rasuulkii illaahayow bal ka waran meeshan aad na dejisay ma meel illaahay dega nayidhibaa horana u dhaafi mayno dibna loogama noqon maaye mise waa meel farsamo iyo xeel dagaal loo degay, Nabigu (CSW) waxa uu yidhi waa rayi xeel dagaal ah, Xabaab binu mudar ayaa yidhi Rasuulkii illaahayow meeshu maaha meel la dego meesha inaga kiciya oo aynu degno halka biyaha ugu dhow ka dibna aanu aasno ceelasha kale mid mooyane kaas oo aanu inagu cabayno iyaguna habiya waayane arinkaa Rasuulku wuu ku raacay waana la guuray. Habeenkii markii la gaadhay waxa bilaabmatay naxariistii Illaahay oo waxaa da’ay roob, roob kaas oo dhincii gaalada aad ugu da’ay oo qooyey dhulkiina, kuna riday gaaladii Caajis iyo in ay soo dhaafi kari wayeen halkaa, dhinicii muslimiintana waxa uu ugu da’ay si naxariis ah oo Illaahay ka daahiryay xumaantii iyo wiswiskii sheydanka iyagoo quluubtooduna adkaatay, illaahay (SW) isagoo arinkaa ka hadaya waxa uu yidhi "Markii la idinku soo dejiyay lulo si nabad gelyo ah, samadana roob la idinka soo dejiyay la idinku daahirinayo iyadoo la idinka gaxaynayo xumaanta shaydaanka, quluubtiina oo la isku xidhayo iyo lugihiina oo dhulka lagu sugayo”. Muslimiintu Rasuulka (CSW) waxay ay u dhiseen cariish yar oo aan ka fogayn goobta dagaalka weliba meel taag saaran, Nabiga (CSW) ayaa ka degay taagii casiirsh ku saarna wuxuuna simay safafkii asxaabta waxana uu u dhaqaaqay goobtii dagaalka wuxuuna guda gelay in uu gacantiisa ku tilmaamo dagaalkii galada iyo halkii ay ka dagaalamayeen wuxuuna lahaa kaasi waa dagaal yahankii habel markaas ayuu ku beegayay mid kasta goobtii dagaalka uu ka geli lahaa, Nabigu (CSW) waxa uu eegay asxaabtiisi iyo qureysh waxana uu yidhi Nabigu (CSW) (Illaahayow tani waa qureysh waxay u timi halkan faan iyo istus, istuskooguna waa mid ay ku beenayaan rasuulkaaga oo ay iska hortaagayaan xaqaaga, illaayahow na sii nasarkii aad noo balan qaaday, illaahayow nagu abaali wixii aad noo balan qaaday, illaahayow anigu waan ku kalsoonahay balankaagi, illaahayow hadii aad kooxdaan aad halaagto maanta meesha dib laguuma caabudayo, muslimiintuna waxay gargaar ka dalbadeen rabigooga, illaahayna waa uu ka aqbalay) illaahay waxa uu yidhi “xus nabi maxamadow markuu illaahay u waxyooday malaa’igta, anigu waan idinku lamaanahay, markaas ayuu illaahay sugay kuwii muuminta ahaa, waxana aan ku ridi doona qalbiyadooda kuwii galaaday argagax, qoorta ka gooya, gooya xubin kasto oo jidkooga ka mid ah, maxaa yeelay waxay caasiyeen illaahay iyo rasuulkiisi, qofka caasiya illaahay iyo rasuulkiisa waxa uu iska leeyahay qofkaasi ciqaab daran, dhadhansiiyo kuwa galadu waxay leeyihiin cadaab iyo naar. [suuratu alfaal 12-14] Intaa ka dib markii ay kulmeyn labadii ciidan dagaalkiina aad u kululaaday war muhuna sida roobka noqdeen Nabiga (CSW) uu ku jiray cariishkii waxana la fadhiyay abu bokor, sacad binu macaad iyagoo ilaalinaya Nabigu (CSW) kamuu tagin in uu rabigii u dhowaaqo isagoo waydiisanaya gargaar iyo kalmo, Nabigu (CSW) waxa uu soo baxay isagoo leh “GAASHAN BUURTA WAA LA JABIN DHABARKANA WAY JEEDIN DOONAN” waxana uu ku boorinayay asxaabtiisa dagaalka wuxuuna yidhi Nabigu (CSW) (Waxa aan ku dhaartay ilaahii nafta maxamed gacantiisa ku jirto maanta nin dagaalami maayo isagoo samirsan ayaa la dili oo doonaya ajarkii illaahay, dhabarkana jeedinayn, haduu jiro illaahay janada ayuu geliyaa) Waxa istaagay Cumeer binu xamaam al ansaari gacantiisa oo ay ku jiraan timir uu cunayay wuxuuna yidhi Rasuulkii ilaahayow janada baladhkeedu waa inta ay cirka iyo dhulku isku jiraan Nabigu (CSW) ayaa ku yidhi HAA asxaabigii ayaa hadana yidhi BAKH BAKH aniga iyo janada waxa inoo dhaxeeya intay kuwaasi I dilayaayo sow maaha, alla miyaan noolanayaa inta aan cunayo timirta waa nolo dheer dabadeedna timirtii ayuu tuuray dagaalkiina hore ayuu ka galay, waana uu dagalamay ilaa la dilay illaahay raali ha ka noqdee. Nabigii Illaahay waxa uu qaaday xatoomo ciida ama quruurux ah wuxuuna ku daadiyay cadowgiisa cadowgiisi waxayna ka geleen indhihii muu jirin mid cadowka ka mid ihi ilaa indhihiisa ciidi ka buuxsatay waxayna ku mashquuleen ciidi indhahooga ku jirtay waana ayaad ka mid ah ayada illaahay (SW), dhamaan galadii waa la jabiyay waxayna sii jeediyeen dhabarkoogi muslimiintina way daba geleen iyagoo la dagalamaya soona qafalanaya, Galada waxa laga dilay 70, 70 kalena waa laga qafaashay. Intii la laayay waxa ku jiray 24 madaxdii ah oo uu ka mid ahaa Abu jahal, Washiiba binu rabiica iyo walaakii cutba iyo inankiisi waliiid binu cutba, Saxeexa bukhaari waxa ku sugan C/laahi binu mascuud (RC) waxa laga soo wariyay in uu Nabigii (CSW) uu qaabilay kabcada isga oo habaarayna kufartaa waxana uu yidhi (Illaahay waxa aan markhaati uga dhigayaa in aan arkay iyagoo la laayey oo cadceedu badeshay maalin ay aad u kululeyd). Sidoo kale Abu dalxa waxa uu soo warinayaa in uu Nabigii (CSW) illaahay amray maalintii badar in ay dilaan 24 ah madaxdii qureysh oo ahaa qureyshi kuwii xum xumaa, marka ay wadadii cidi soo marto way joojinayeen mudo sadex habeen ah oo ay ku sugnayeen halkaa, maalintii sadexaadna Nabigu (CSW) waxa uu fuulay Hashiishi waana uu dhaqaaqay asxaabtii kalena way soo raacday, Nabigu (CSW) waxa uu ugu yeedhayay magacyadoodi iyo abayaashood wuxuna lahaa miyaanad ku faraxsanayn in aad adeecdaan rasuulkii illaahay. Dhab ahaantii waxanu helnay wixii illaahay noo yaboohay oo dhab ah idinku ma hesheen wixii illaahay idinku yaboohay oo dhab ah, cumar ayaa waxa uu yidhi Nabi Allow maxaad kala hadlaysaa qolfoof aanu nafi ku jirin? Nabiga (CSW) ayaa ku yidhi Ilaahi nafta Nabi maxamed gacantiisa ku jirta ayaan ku dhaartee idinku kama maqli ogidin iyaga waxa aan ku leeyahay, kuwii dagaalka lagu soo qafaashay Nabigu waxa uu kala tashaday asxaabtiisi, Cumar binu khadaab (RC) waxa uu ku yidhi Nabiga (CSW) waxa suura gel inoo ah in aan madax ka wada jarno qofkii caqli leh oo dhan, hebel waxa uga jeeda mid isaga u dhow qoortiisana an ka jaro kuwaasi waa madaxdii galada iyo madaxwayntoodi, Abu bokor sidiiq (RC) waxa uu yidhi waa ilmaadeeradayo iyo tolkeen waxana aan soo jeedi lahaa in laga qaato fidyada si aanu u helno awood aanu galada iska celino Illaahayna kuwan ku soo hadeeyo islaanimada, Nabigu (CSW) waxa uu qaatay fidyadii lacagta ugu faraha badan uu ka qaadayay waxay ahayd 4000 DH lacagta ugu yarna waxay ahayd 1000 DH, waxa ka mid ahaa mid uu dilay Nabigu (CSW) dhib uu dhibay muslimiinta dartii, waxa ka mid ahaa mid aan laga qaadi fidyo maslaxa darteed, waxa ka mid ahaa mid la iska sii dayay si uu caruurta wax u baro. Kani wax uu ahaa dagaalkii badar waxa guulaystay muslimiinta oo wax yar ahaa waxayna ka guulaysteen mushrikiintii oo aad u faro badnaa illaahay (SW) ayaa yidhi “Kooxi waxay u dagalamaysay dar illaahay kooxda kale kaafiriin ayay ahaayeen waxayna isku arkayeen in ay ku libilaabmayaan xaga aragtida, illaahay waxa uu ku xoojiyaa guushiisa cidii uu doono, taas waxa ku sugan cibro dadka wax garadka ah” [alcumraan-13] waxa guulaysatay intii yareed ee ku taagnay diinta illaahay una dagalamaysay in ay kalmada illaahay sarayso diinta illaahayna difaacaysay, Illaahay ayaa u hiiliyay koreeye. Dadka muslimiiinta ahow u kaca diintiina si aad uga guulaysataan cadowgiina ku sabran dagaalka kuna sabra gaadhka illaahay, illaahayna ka baqa waad liibani doontaane, Illaahayow muslimiinta u gargaar naga yeel kuwa u gargaara diintaada iyo dacwadaada nagusug xaqaaga iyo dacwadaada ilaa inta aanu kula kulmayno, N.N.K.H Nabigeene iyo ehelkiisi iyo asxaabtii oo dhan ha ahaato Quote Share this post Link to post Share on other sites