Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Xaglatoosiye still claims to be the leader of the ssc rebel group.

Recommended Posts

Saleebaan Xaglatoosiye Oo Weli Ku Adkaysanaya In Uu Yahay Hogaamiyaha Kooxda Falaagada Ah Ee SSC. , Kuna Baaqay Shir Lagu Qabanayo Buhoodle

 

Nairobi( Ramaas) August . 1, 2011- Saleebaan Ciise Axmed ( Xaglatoosiye) oo bishan horaanteeda ay falaagadii u hogaamin jiray ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen ayaa weli adkaysanaya in uu yahay hogaanka rasmiga ah ee kooxdaas, waxaana uu sheegay in deegaamada ay falaagada gacanta ku hayso lagu qaban shir lagaga tashana aayaha dambe ee dhulkaas.

 

Xaglatoosiye oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairibi ee dalka, ayaa sheegay in aanay xubnaha sheegtay in ay xukunka ka tureen aanay awood u lahayn tallaabdaas, ilaa inta la qabanayo shirweyne loo dhan yahay sida uu sheegay, isaga oo ballan qaaday in ay ka go’antahay dardargelinta istatraatijiyada falaagada SSC oo uu ula jeeday dagaalada ay kula jiraan ciidamada milatariga Somaliland.

 

“ Cid xil iga qaaday ma jirto , waxaan aan xilkaas haynaynaa ilaa inta shirka la qabanyo, kaasoo lagu qabanayo deegaamada aanu gacanta ku hayno, waxaana la qabanayo dabayaaqada sannadkan ha noqoto October ama December waa la qabanayaa, kooxda sheegtay in ay xilka iga qaadanay awood umalaha tallaabadaas, SSC waa jiraysaa oo waa ay shaqaynaysaa” ayuu yidhi Xaglatoosiye.

 

Waxa uu qiray in uu jiro khilaaf xoog leh oo ragaadiyay SSC-da oo qarka u saaran in ay meesha ka baxdo , haddii aan la xalin muranka jira oo ku taxaluuqa talada hogaaminta oo ay madaxda sare loolan ugu jireen, iyada oo khilaafka ugu weyne uu u dhexeeyo Saleebaan Xaglatoosiye iyo Col Cabdilaahi Sabaray oo mid walba uu sheeganayo hogaamiyaha kooxda SSC, waxa uu soo jeediyay in is-afgarad lagu dhameeyo xiisada taagan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this