djibsomali Posted July 31, 2011 Jigjiga(Kilil5)---Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee caasimada deegaanka soogaadhay Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, ugaaska beesha awdal state iyo ethiopia oo kayimid wadanka Kanada. Ugaaska ayaa si heer sare ah loogu soodhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga halkaas oo ay kaga hortageen masuuliyiin uu horkacaayay gudoomiyaha gobolka Jigjiga mudane Mawliid Haayir, Ugaasyo,Fanaaniinta iyo dad wayne boqolaal ah. Soodhawantaa garoonka kadib waxaa ugaaska oo lagu galbinaayo baabuur tirobadan xaflad loogu qabtay aqalka shirarka ee sayid Maxamed halkaas oo hadalo kasoojeediyeen gudoomiyaha gobolka oo ku hadlaayay magaciisa iyo magaca xukuumada deegaanka, ugaasy'o, Salaadiin Garaado, odayaasha iyo ugaaska laftiisa hadaladaas oo badnaa sida ay ugu faraxsanyihiin soodhawaynta ugaaska. Ugaaska ayaa wadanka dibada uga maqnaa mudo 20 sano ah, ugaasnimada loo caleemo saaray 1985 GC kadib markii aabihii ugaas Rooble ugaas Doodi wakhtigii dawladii dhargiga lagu dilay magaalada Jigjiga ee hada noqotay caasimada deegaanka ee sida fiican loogu soodhaweeyay ugaaska. Inkastoo booqashada ugaasku uu deegaankiisa kuyimidi ay qayb katahay barnaamijkii qurbajoogta dib loogu soocelinaayay deegaankooda hadana macada in ugaasku uu xukuumada kala xaajoondoono cabashooyinkii soojiitamay ee beesha awdal state iyo ethiopia ay ka tirsanaayeen xukuumada ee ku aadanaa saami qaybsiga degmooyinkii cusbaa iyo doodii gobolka harawo ee ay beeshu ku taamaysay. Shamso Cumar Jigjiga, Kilil5 Quote Share this post Link to post Share on other sites