Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland security forces capture suspected killers in laascanoood

Recommended Posts

Badhasaabka Sool oo ka hadlay sadex qof oo dilalka ka fulin jiray Laascaanood oo la qabtay

July 31st, 2011

 

Hargeysa (Somalialnd.Org)- Ciidammada ammaanka ee gobolka Sool ayaa maanta gacanta ku dhigay sadex qof oo ka mid ah dadka loo tuhunsan yahay inay fuliyaan dilalkii bilihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Sida uu noo xaqiijiyay Badhasaabka cusub ee gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali.

 

“Hawl gal ciidamada ammaanka ee gobolka Sool ay fuliyeen waxay xalay ku soo qabteen sadex qof oo ka mid ah dadka ku eedeysan inay fuliyaan qaraxyada iyo dilal ka dhacay magaalada Laascaanood. Waxa qabashadoodu ka dambeysay markii ciidammadda ammaanku ugu galeen guri ay deganaayeen oo ku yaala magaalada Laascaanood,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali, oo caawa aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay.

 

Waxaanu intaasi raaciyay “Waxaanu ku soo qabanay dadkaasi baastoolado, bambooyin iyo walxo kale oo loo adeegsado qaraxyada iyo dilalka.”

 

Badhasaabka cusubi waxa uu sheegay inuu awooda saari doonaan sidii ay nabadgelyada u ilaalin lahaayeen isla markaana wax ka qaban doonaan falalka nabadgelyo darro.

dhinaca kale, ilo madax banaan oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa noo xaqiijiyay magacyada sadexda qof ee la qabtay oo mid ka mid ahi gabadh tahay waxaanay kala yihiin sidan Maxamed Ibraahim Cabdilaahi, Maxamed Faruur Cali Xaad iyo Sahra Maxamed Cumar oo la sheegay inay iyadu soo sahamin jirtay dadka la dilayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaanu intaasi raaciyay “Waxaanu ku soo qabanay dadkaasi baastoolado, bambooyin iyo walxo kale oo loo adeegsado qaraxyada iyo dilalka.”

Well done Somaliland security forces

Share this post


Link to post
Share on other sites

2dhd0kz.jpg

 

 

Ciidamadda Amaanka Laascaanood oo qabtay Sadex Qof oo sitay qalabka loo Adeegsado Qaraxyadda

 

Laascaanood(Waaheen) Ciidammada ammaanka ee gobolka Sool ayaa maanta gacanta ku dhigay sadex qof oo ka mid ah dadka loo tuhunsan yahay inay fuliyaan dilalkii bilihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Sida uu noo xaqiijiyay Badhasaabka cusub ee gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali.

 

“Hawl gal ciidamada ammaanka ee gobolka Sool ay fuliyeen waxay xalay ku soo qabteen sadex qof oo ka mid ah dadka ku eedeysan inay fuliyaan qaraxyada iyo dilal ka dhacay magaalada Laascaanood. Waxa qabashadoodu ka dambeysay markii ciidammadda ammaanku ugu galeen guri ay deganaayeen oo ku yaala magaalada Laascaanood,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali, oo caawa aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay.

 

Waxaanu intaasi raaciyay “Waxaanu ku soo qabanay dadkaasi baastoolado, bambooyin iyo walxo kale oo loo adeegsado qaraxyada iyo dilalka.”

 

Badhasaabka cusubi waxa uu sheegay inuu awooda saari doonaan sidii ay nabadgelyada u ilaalin lahaayeen isla markaana wax ka qaban doonaan falalka nabadgelyo darro.

dhinaca kale, ilo madax banaan oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa noo xaqiijiyay magacyada sadexda qof ee la qabtay oo mid ka mid ahi gabadh tahay waxaanay kala yihiin sidan Maxamed Ibraahim Cabdilaahi, Maxamed Faruur Cali Xaad iyo Sahra Maxamed Cumar oo la sheegay inay iyadu soo sahamin jirtay dadka la dilayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Bileyska Oo Ka Hadlay Socdaal Uu Ku Joogo Sool, Ciidamada Amaanka Oo Xabsiga Dhigay Xubnaha Dilalka Qorshaysan Ka Fuliya Laascaanood Iyo Bambooyinka Loo Adeegsado Qaraxyada

 

“Nabadgalyada Waa La Xoojiyay Sidii Horena Way Ka Wanaagsan Tahay, Hawshaana Waan Baadhayaa Oo Maanta Ayaan Guda Galayaa” Maxamed Saqadhi Dubad

 

Hargeysa, August 2, 2011 (Haatuf) – Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad ayaa shalay galab socdaal shaqo ugu kicitimay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, oo Ciidamada amaanku habeen hore ku qabteen koox la sheegay inay ka mid ahaayeen kooxaha dilalka Argagixiso ka fulinayay magaaladaasi, isla markaana lagu soo qabtay Bambooyinka qaraxyada loo adeegsado iyo waayirada lagu fulinayo qaraxyada, kuwaas oo la sheegay in ciidamada amaanku xabsiga u taxaabeen.

 

Taliyaha Ciidanka Bilayska Maxamed Saqadhi Dubad oo magaalada Laascaanood ku sugan ayaa Haatuf u sheegay in maanta uu guda gali doono baadhista xubnaha ay Ciidanka amaanku soo qab-qabteen, isagoo intaa ku daray in ujeedada socdaalkiisa Laascaanood la xidhiidho dardar-galinta hawlaha amaanka gobolkaasi, waxaanu intaasi raaciyey in wakhtigan xaadirka ah xaalada nabadgalyada Laascaanood ay meel fiican marayso.

 

Taliye Saqadhi oo ugu horayn ka hadlaya ujeedada socdaalkiisa ayaa waxa uu yidhi “Hawlo ku saabsan dardar galinta nabadgalyada gobolka ayaanu u tagnay Laascaanood, iyadoo ay gobolkana hore usii joogeen wafti ka socda xukuumada oo ay weheliyeen xildhibaano, wakhtigan xaadirka ahna xaalada amaanka waa la xoojinayaa, oo sidii hore nabadgalyadu way ka fiican tahay”

 

Taliyaha Bilayska oo aanu wax ka weydiinay saddexda qof ee lagu tuhunsan yahay dilalka iyo qaraxyada ka aloosan Laascaanood ee Ciidamada amaanku xabsiga dhigeen, laguna qabtay aaladaha qarxa, in socdaalkiisu ku wajahan yahay, waxa uu yidhi “Hawshaasi maanta ayaanu guda galaynaa wakhtigana baadhistoodii baa socota, arrimaha aanu u tagnayna waa ka mid, laakiinse maanta ayaanu war faahfaahisan idinka siin doonaa”

 

Dhinaca kale ilo waraadyo u dhuun-daloola saraakiisha ciidanka amaanka ee gobolka Sool, ayaa Haatuf u xaqiijiyayin saddexda qof ee Ciidanka amaanku ay habeen hore ku qabteen hawlgal ay ka sameeyeen magaalada Laascaanood uu ku jiro nin loo tuhunsan yahay hogaamiyaha kooxda dilalka ka gaysta Laascaanood, kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay 1. Maxamed Faruur Cali Xaad 2. Maxamed C/llaahi Ibraahim 3. iyo haweenay lagu magacaabo Sahra Maxamed Cumar, oo la sheegay inay kooxdaasi u qaabilsanayd sahaminta dadka la khaarajinayo, kuwaas oo la sheegay in ciidanka amaanku ay kasoo qabteen guri ay daganaayeen oo laga soo qaaday, Bambooyinka qaraxyada loo adeegsado oo shan xabo ah, shan xabo oo baastoolado lagu fuliyo dilalka iyo xadhkaha loo adeegsado qaraxyada argagixiso.

 

Waxa kale oo ilo wareedyadu intaa ku dareen, in baadhis xoog lihi ka socoto magaalada Laascaanood, isla markaana ay ciidamada amaanku todobaadkii u dambeeyay ay nabadgalyada xoojiyeen.

 

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii todobaadkii hore la badalay badhasaabkii hore ee Sool iyo guud ahaanba maamulkii heer degmo ee gobolka Sool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this