Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland : Ucid protests in the Capital city of hargeysa in favour of Faisal Cali waraabe

Recommended Posts

War Deg Deg ah: Faysal Cali Waraabe Iyo Taageerayaal Uu Hogaaminayo Oo Saaka Mudaharaad Balaadhan ka Hor Dhigay Xarunta Xibiga, Iyo Ciidamada SPU-da Oo Gacanta Ku Haya Xarunta.

 

Hargeysa (Ramaas) July 30, 2011 – Waxa saaka Mudaharaad balaadhan ka hor dhigay xarunta xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa taageerayaasha garabka Faysal Cali Waraabe oo wata baabuurta basaska.

 

Mudaharaadayaash oo uu hor kacayo Faysal Cali Waraabe ayaa saaka abaaro 10kii subaxnimo yimi xarunta xisbiga oo ay gacanta hayaan ciidamada SPU-da. Sida uu noogu soo waramayo wariyahayga Maxamed Boosh oo ku sugan goobta mudaharaadka ciidamada SPU-da ayaa rasaas kor ugu riday mudaharaadayaasha kadib marki ay isku dayeen inay xoog ku galaan xarunta xisbiga oo ay dawladu gacanta ku hayso ilaa inta ay labada garab sharciga kusoo kala baxayaan.

 

Dhawaaqa rasaasta ciidamada ayaa dadwaynuhu maqlayaan, waxaanu warku intaas ku daray in mar danbe uu badhasaabka gobolka Maroodi-Jeex uu goobta ka kaxeeyay Faysal Cali waraabe, si loo sugo amaankiisa. Sida uu noo xaqiijiyay wariye Boosh waxa ciidamadu xidh-xidheen dad gaadhayaa ilaa tobaneeyo qof oo kamid ah mudaharaadayaasha doonayay inay xarunta ku galaan xoog.

 

Waxa sidoo kale dhagaxaan lagu jaray wadada wadnaha ee hor marta xarunta xibsiga. Kala soco Ramaasnews wararka ka soo kordha dhacdadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Badhisaabka Maroodi Jeex oo ugu Baaqay Taageeryaasha Xisbiga UCID in ay isdajiyaan kana dhawaajiyey in ay xukuumadu ku

 

hawlantay soo afjarida Khilaafka XIsbiga UCID

 

Badhisaabka Maroodi Jeex oo ugu Baaqay Taageeryaasha Xisbiga UCID in ay isdajiyaan kana dhawaajiyey in ay xukuumadu ku hawlantay soo afjarida Khilaafka XIsbiga UCID

 

Hargeysa/ToggaHerer 30 July 2011

 

Badhisaabka Gobolka Maroodi Jeex Axmed Xaaji Cabdilaahi Xamarji ayaa ugu Baaqay taageeryaasha Xisbiga UCID in ay ilaaliyaan Nabadgelyada Xukuumadana ka sugaan soo afjarida Khilaafka Xisbiga UCID.

 

Badhasaabka ayaa ugu Baaqay taageeraysha Xisbiga UCID in ay is dejiyaan waxaanu intaa raaciyey in wixii tabasho ah lagu dhamayn doono Dariiqa Sharciga ah isa marakaana uu hadda gacanta ku hayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr Gaboose inshaa Allahu Tacaala in khilaafkaasi dhamaan doono.

 

Waxaanu ugu baaqay in wax rabashad ah iyo amaan daro ah aan la bilaabin lagana feejignaado isla markaana meel looga soo wada jeedsado wax kasta oo halis galin kara jiritaanka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarunta Dhexe Xisbiga UCID ayaa waxa ka socdo mudaharaad balaadhan oo ay wadaan Taageerayaasha Xisbiga UCID iyo Ciidamada Oo Rasaad adeegsanaya Nool .

 

Xarunta Dhexe Xisbiga UCID ayaa waxa ka socdo mudaharaad aad u balaadhan oo ay wadaan Taageerayaasha Xisbiga UCID .

 

Ciidamada Booliska Iyo Badhasaabka Gobolka Hargeysa oo Taageeraya Kooxda Inqilaabka dhicisowday ka dhex riday Xisbiga UCID ayaa dadweynaha Taageeryasha Xisbiga Rasaas aan loo miidaan dayin ku ridaya taas oo Taageerayushana aanay u joojin iyaga oo ku dhawaaqaya Xaq ayaanu u leenahay in aanu gealno xaruntayada Cid noo diidi kartaa ma jirto iyo Ereyo Kale.

 

Ciidamo fara badan hogaaminayaana dhamaan Hogaanada Booliska ayaa wata Ciidamadan oo isku dayaya in ay xoog ku kala dareeriyaan Taageerayaasha XIsbiga UCID ee saaka Barqadii yimi Xarunta Dhexe ee Xisbiga.

 

Waxa laga cabsi qabaa in mudaharaadku sii balaadho hadii atan si dhakhso wax looga qaban xiisada hada taagan, iyadoo aanay ilaa hada muuqan wax talaabo ah oo ay Xukuumaddu ka qaaday dhinacyada ku loolamaya awooda Xisbiga UCID , inkasta oo Waliba ay muuqato in ay la safan tahay Xukuumadu Garabka Inqilaabka ku kacay.

 

Kala Soco Faahfaahinta wararkan Shabakadda ToggaHerer

Share this post


Link to post
Share on other sites

Borama: Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Ee Gobolada Salal Iyo Awdal Oo Taageeradooda Ku Biiriyey Garabka Uu

 

Hogaamiyo Aaden Waqaf, Eedana U Jeediyey Garabka Faysal Cali Waraabe.

 

Boorama (Ramaas) July 30,2011 – Masuuliyiinta xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee gobolada Awdal iyo Salal ayaa taageero buuxda u muujiyey garabka uu hogaamiyo Md Aaden Maxamed Mirre Waqaf ee dhawaanta xilka ka qaaday Faysal Cali Waraabe.

 

Munaasibad balaadhan oo maanta lagu qabtay huteelka Rays ee Magaaladda Boorama isla-markaana ay ka soo qayb-galeen dadwayne tiro badan oo taageersan garabka Aaden Waqaf Madaxda ka yahay ayaa waxa ay sheegeen inay iyagu taageersan yihiin garabkaasi.

 

Munaasibadan oo uu isku soo duba riday xidhiidhiyaha gobolada Awdal iyo Salal ee xisbiga UCID Md Axmed Muumin Seed, ayaa guud ahaan masuuliyiinta ka hadashay waxa ay sheegeen inay taageeradooda la garab-taagan yihiin garabka uu hogaamiyo Aaden Maxamed Mirre Waqaf.

 

Masuuliyiintan oo isaga kala yimid Gobolada Salal iyo Awdal ayaa sidoo kale waxa ay ka soo horjeedsadeen garabka taageersan Faysal Cali Waraabe oo ay ku tilmaameen falaago aan quusanayn.

 

Xubnahan munaasibada ka hadlay ayaa waxa ay kala yihiin.

 

1. Axmed Muumin Seed…Xidhiidhiyaha gobolada Salal iyo Awdal.

 

2. Abubakar Cismaan Meecaad….Guddoomiye.

 

3. Sahra Aw Cilmi Xasan ….Guddoomiyaha Garabka Haweenka gobolka Awdal.

 

4. Maxamuud Cabdi Xuseen…Guddoomiyaha degmadda Boorama.

 

5. Cabdi-shakuur Aw Xasan….Guddoomiyaha abaabulka Garabka dhalinyarada.

 

6. Axmed-yaasiin Ciise Diiriye…..Xoghayaha abaabulka ee degmadda.

 

7. Layla Cabdi Cumar…Guddoomiyaha Garabka haweenka ee degmadda.

 

8. Khadra Cismaan Cumar….Guddoomiye ku xigeenka Garab haweenka ee gobolka Awdal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this