Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Second day fighting erupts between Alshabaab and AmisomTFG

Recommended Posts

Wardegdeg:Dagaalo Xoog badan oo La isu adeegsanaayo Hubka Culus Oo Ka bilowday Isgoyska Cali Kamiin

posted by: Axmed Kulan

 

Dagaal xoogan ayaa goor dhow ka bilowday goobihii shalay lagu dagaalamay ee degmada Wardhiigley iyo Yaaqshiid, iyadoo dagaalka hada uu ka socdo labo jiho oo ay isku hor fadhiyeen Ciidamada Dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xoogaga Al-Shabaab.

 

Dagaalka ayaa xoogeystay markii laga soo baxay Salaadii jimcaha, waxaana dagaalka markii hore ahaa mid goos goos ah, hase ahaatee uu dagaalka xoogiisa iminka ka socdo agagaarka Isgoyska Cali Kamiin sida Saraakiisha Dowladda ay sheegeen.

 

Madaafiic xoog leh ayaa la maqlayaa, gaar ahaan kuwa ka dhaca Taangiyada, sidoo kale qoriga BM-ka ayaa lagu garaacayaa Xaruntii Xisbiga oo ay saaran yihiin Shabaab, iyo sarihii Xamar Jadiid.

 

Gurmad hor leh oo ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG guutooyinkooda ayaa la geeyay goobaha dagaalka, kaasoo u muuqda in dagaalka uu sii kululeeyay.

 

Sidoo kale Xoogaga Al-Shabaab ayaa dhankooda soo qaaday weeraro lixaad leh oo ay ku doonayaan inay goobihii looga qabsaday ay ku soo ceshtaan, waxaana hada dadaal xoogan ay u galayaan sidii ay u difaacan lahaayeen Isbartiibada Stadium Muqdisho oo qorshaha Ciidamada uu yahay inay tagaan.

 

Ciidamada Dowladda ayaa saf ballaaran ugu jira dagaalka, iyadoo dagaal kale uu dhinac ka socdo Wadada Jeneraal Daa’uud iyo hareeraha Isgoyska Baar Ayaan, waxaana labada jiho ee halkaas yahay mid la doonayo in looga galo Isbartiibada.

 

Xilligan ayaa waxaa la maqlayaa madaafiic culus oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan ayaa waxaa la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee uu geysanayo dagaalka, inkastoo dagaalka saaka gelinkii hore ahaa mid yara koobnaa, hase ahaatee goor dhow oo duhurnimadii ah uu si aad ah u xoogeystay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this