Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Wakiilka Al-Shabaabka Galgaduud oo ku dhaawacmay weerar gaadmo iyo ragg kale oo lagu dilay

Recommended Posts

Afhayeenka Culumaa'udiinka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu Yuusuf (Al-Qaadi) ayaa sheegay in weerar gaadmo ay ku dileen Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, qaar kalena ku dhaawaceen oo uu ku jiro Horjoogaha Al-Shabaab ee Galgaduud.

 

Weerarkan ayuu sheegay inay ku qaadaan inta u dhaxeysa War-xoolo iyo deegaanka Ceel-god ee Gobolka Galgaduud, isagoo tilmaamay inay dileen Ragg caan ah.

 

"Howl gal ballaaran oo Ciidamada Ahlusuna ka sameeyeen inta u dhaxeysa War-Xoolo iyo Ceel-god waxaa ugu suura gashay in meeshaas lagu naafeeyo cadawgii Khawaarijta ahaa"ayuu yiri Abuu Yuusuf Al-Qaacida oo xusay in ilaa toban ruux oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho ay gaarsiiyeen.

 

Waxaa uu sheegay in weerarkaas ku dhinteen Ragg sar sare oo qaarkood xilal ka hayay Al-Shabaab Galgaduud, waxaana uu xusay in ragga muhiimka ah ee dhaawaca halis ah uu soo gaaray ku jiro Yuusuf Kaba-Kudukade Wakiilka Al-Shabaab ee Galgaduud.

 

"Cadawga meeshaas lagu laayay waxaa ka mid ahaa Taliye kuxigeenka Galgaduud u qaabilsanaa C/kariin Faroole, nin dacwada u qaabilsanaa iyo nin kale oo qaadi ahaa, waxaa ku jira ragg ilaaladooda ahaa"ayuu yiri Al-Qaadi.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Kolonyo ay la socdeen saraakiishan jidka loo galay oo lala helay qori Baasuuke ah, halka warar kalena tilmaamayaan in qarax loo dhigay ay la kacday, iyadoo la xaqiijiyay in dhaawaca Yuusuf Shiikh Ciise Kaba-Kudukade la geeyay Isbitaalka degmada Ceelbuur.

 

Ma jiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada weerarkaas ay Ahlusuna sheegteen inay ku laayeen Saraakiil ka tirsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa goor dhaw ay miino kula qaraxday Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade iyo ciidamo badan oo la-socday, iyadoo ay miinadu sababtay khasaaro aad u xoogan.

 

Deegaanka War Xoolo ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay miino ay kula qaraxday laba gaari oo ay kala saarnaayeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Xoogaga Xarakada Al Shabaab, waxaana la-sheegay in wax-yeelo xoog leh ay ka soo gaartay.

 

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Xarakada Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise “Kaba Kutukade” ayaa waxaa la-sheegay in’ay miino kula qaraxday gaari Kaarib ah oo uu saarnaa, isla-markaana waxaa la-sheegay in uu geeriyooday Sheekha.

 

Warar kala duwan oo ka soo baxaaya qaraxaan ayaa wuxuu warka ugu xoogan uu qeexayaa in uu geeriyooday Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud ee Xarakada Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise “Kaba Kutukade”.

 

Sidoo kale gaari kale oo nooca loo-yaqaano Qooqan oo hareer socday gaariga uu saarnaa Sheekh Kaba Kutukade ayaa waxaa la-sheegay in uu isagana burburay, isla-markaana waxaa la-sheegay in saraakiil ay ku la’deen.

 

Dhanka kale deegaanka War Xoolo ayaa waxaa soo gaaray ciidamo taabacsan Shabaab, kuwaa oo goobtaasi ka daad gureeyay meydadka saraakiisha iyo ciidamadda Al Shabaab.

 

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco, wararkayna dambe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ahlu Sunnah “Waxaa maanta adduunyada aan ka musaafurinay saraakiil badan oo Shabaab ah”

 

Culima’udiinka Ahlu Sunnah Wal Jameeca ayaa waxay shaaca ka qaaday inay dishay saraakiil badan oo ka tirsan Xoogaga Xarakada Al Shabaab, kadib hawl-gallo balaaran oo ay sameeyeen.

 

Afhayeenka Guud ee Culima’udiinka Ahlu Sunnah Wal Jameeca Sheekh Cabdullaahi Cabdi Raxmaan Abuu Yuusuf “Al Qaacida” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay maanta laayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

 

Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay inay maanta dhaq dhaqaaqyo balaaran ka sameeyeen inta u dhaxeysa deegaanada Ceel God iyo War Xoolo ee Gobolka Galgaduud, isla-markaana waxaanu ku dilnay buu yiri saraakiil sar sare oo ka tirsan Shabaab.

 

Abuu Yuusuf ayaa wuxuu tilmaamay inay dilleen saraakiil sar sare oo ay ka mid yihiin Madaxa Dacwada Al Shabaab ee Gobolka Galgaduud Sheekh Cabdi Kariin Faroole, Qaadiga Gobolka Galgaduud ee Shabaab Sheekh Saciid iyo saraakiil badan oo Shabaab ah oo uu ka mid yahay Kaba Kutukade.

 

Al Qaadi ayaa wuxuu tilmaamay in uu rumeysan yahay in uu geeriyooday Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise “Kaba Kutukade”, laakiin waxaanu ogeyn buu yiri isagoo dhaawac halis ah.

 

Saraakiisha ay dilleen ayaa wuxuu ku sheegay in ka badan sagaal saraakiil ah oo Shabaab taabacsan, isla-markaana wuxuu ku faanay inay adduunyada ka musaafuriyeen saraakiil badan oo taabacsan waxa uu ugu yeeray Khawaariiijta.

 

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab oo ku aadan saraakiisha ay maanta ka soo gaartay wax-yeelada kala duwan, waxaana jira warar xoog leh oo ku aadan khasaaraha soo saaray Shabaab iyo in uu geeriyooday Kaba Kutukade.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in horjoogayaal isugu jira Ajaanib iyo Soomaali ay ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay deegaanka Warxoolo oo ku dhow degmada Ceelbuur ee gobolkaasi.

 

Dad ku sugan Ceel Buur ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in Horjoogaha Shabaab u qaabilsan Galguduud Yuusuf Sheekh Ciise (Koba ku tukade) uu dhaawac xooggan ka soo gaaray dhaawaca oo ay ku dhinteen laba ajaanib ah iyo nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Siciid Maxamed Calasoow.

 

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa qaraxa dhaliyay, dadka qaar ayaa sheegay in gaariga ay wataan horjoogayaashaan ay saarnaayeen walxaha qarxa halka warar kale ay sheegayaan in qaraxa loo dhigay gaariga.

 

Afhayeenka ASWJ Sheekh C/llaahi Abuu Yuusuf Al-Qaaddii ayaa Radio Muqdisho u sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen ASWJ, isagoo tilmaamay in lala eegtay Koba Ku Tukade iyo Ajaanib ay gaari wada saarnaayeen oo marayay Agagaarka War-xoolo, wuxuuna sheegay in dhawaan ay faahfaahin ka bixin doonaan weerarkaasi.

 

Isbiitaalka degmada Ceelbuur ayaa la dhigay Dhaawaca Horjooge Yuusuf Koba Kutukade oo la sheegay in uu aad u culus yahay sidoo kale darawalkii gaariga qaraxa lala eegtay waday oo dhaawac ah ayaa la geeyay Isbitaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Kabo ku tukade marwalba ma dhaawacwaa kaaley. Warkaan run hadduu noqdo waxuu noqonaa guul laga gaarey nacaladaan diinta ku qaraabanaayo. Saan halu wado kuligood, one by one haloo qaarajiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Culumaa’udiinka AhluSunna Waljamaaca ayaa Faah Faahin ka bixiyey Weerar ay qaybo ka tirsan gobollada Dhexe ee Dalka kula eegteen Horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isugu jira Soomaaliya iyo Ajaaniib.

 

Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca Sheekh C/laahi C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-Qaadi oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamadooda ay weerar ku qaadeen Horjoogayaal ka tirsan Shabaabka oo ku Socdaalayey qaybo katirsan gobolka Galgaduud gaar ahaan Nawaaxiga deegaanka Warxoolo.

 

Abuu Yuusuf ayaa tilmaamay in goobtaasi ay ku dileen Horjoogayaal uu magacyadooda soo gudbiyey kuwaasi oo kala ah:-

 

C/kariin Maxamed Maxamuud oo Shabaab ugu magacawnaa Madaxa wacyigelinta ,Axmed Dheere oo Shabaabka isna ugu magacaawnaa Taliye kuxigeen ,Axmed Calasoow oo garsoorka u ahaa iyo Yuusuf Sheekh Ciise ( Koba ku Tukade) oo isna warar kala duwan ay kasoo baxayaan geeridiisa oo uu Abuu Yuusuf Tilmaamay in isaga oo Dhaawac halis ahi uusoo gaaray la geeyey Cisbitaal ku yaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

 

Marka laga soo tago Horjoogayaasha Soomaalida ah ee Al-Shabaab ka tirsan oo magacyadooda ay shaaciyeen Culumaa’udiinka Ahlusunna in goobtaasi lagu dilay ayaa hadana waxaa jira taro kale oo katirsan Horjoogayaasha Ajaaniibta ee ka bar bar dagaalanta kooxdaasi kuwaasi oo magacyadooda ay sheegeen inay saxaafadda usoo gudbin doonaan Ahlusunna Waljamaaca.

Halkan Ka Dhagayso Wareysiga Afhayeenka Ahlusuna.

 

 

http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2011/07/Afhayeenka-Ahlusuna-Abuu-Yuusuf.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;737066 wrote:
Kabo ku tukade marwalba ma dhaawacwaa kaaley. Warkaan run hadduu noqdo waxuu noqonaa guul laga gaarey nacaladaan diinta ku qaraabanaayo. Saan halu wado kuligood, one by one haloo qaarajiyo.

Walahi waali arki doonaa xaqiiqda laakin kabo ku tukade nin kheyr laheyn inuu yahay waala ogyahay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this