Saalax Posted July 27, 2011 “Faroole Wuxuu Yiri Jimcaha Calula Lagama Tukado” Dooxa Joog Waraysi Dhegayso Waraysi ay GalGalanews la Yeelatay Madaxwaynaha Maamulka Raascaseyr State Faarax Maxamuud Dooxa Jooga oo ku Sugan Degmada Calula, Faarax Dooxa Joog ayaa Tibaaxay in Ku dhawaaqida Maamulkan isaga oo Aad uga hadlay markii Pl ay diiday inay deegaanadaasi Ka Hir galiso Arimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada taasina ay Sababtay inay Goostaan. “Markii Madaxwayne Faroole la Yiri Deegaanka wax ha loo qabto Wuxuu Odayaasha Ugu Jawaabay Dhulkaasi Jimcahaba lagama Tukado Salaadataasi oo ah dad badan ma Joogaan oo Muhiim Nooma ah” Ayuu Yiri Dooxa Joog. Madaxwaynaha Maamulkaasi ayaa ku dheeraaday in Shirka Somaliya ee Q.M qaban qaabinayso Lagu Casumay Maamulka Raascaseyr State isla markaana ay soo dhawaynayaa. Isaga oo docda kale sheegay inay UN-ka la Kulmeen ayna kala hadleen sidii Maamulkaasi loo Taageeri lahaa oo ah Meel Muhiim u ah Isu socdka Aduunka Marka laga hadlayo dhanka Amaanka. Dhegayso Faarax Maxamud Yusuf (Faarax Dooxa Joog. http://www.galgalanews.com/?p=1448 Quote Share this post Link to post Share on other sites