Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland parliament approves new head of supreme court

Recommended Posts

AVZhb.jpg

 

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo hortagaya Fadhi ay yeelanayaan Goleyaasha sharci dejintu

July 25th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta sheegay in Mudaneyaasha labada aqal ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladdu) ay maalinta bari yeelan doonaan fadhi wada jir ah oo ay ku ansixinayaan Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare Md. Yuusuf Ismaaciil Cali.

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo saaray Maanta waxaanu xusay in Mudaneyaasha labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland lagu wargelinayo fadhi wada jir ah oo ay yeelanayaan Guurtida iyo Wakiiladda oo lagu ansixinayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo uu Madaxweynuhu ansixintiisa ka soo dalbaday Goleyaasha sharci dejinta.

 

Guddoomiyuhu waxa uu Mudaneyaasha ku wargeliyay inay ka soo qeyb galaan fadhigaasi wada jirka ah isla markaana ay wakhtiga dhowraan.

 

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa dhawaan Madaxweynaha Somaliland magacaabay ka dib markii xilka laga qaaday Garsooreyaashii iyo Guddomiyihii Maxkamada Sare oo loo tirin jiray inay xudun u ahaayeen cabashooyinkii shacbiga ee la xidhiidhay cadaalad darrada hadhaysay maxkamadaha dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labada Gole oo Ansixiyay Guddoomiyaha Maxkammada Sare

 

Hargeysa(Waaheen)- Mudanayaasha labada Gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda (Baarlamaanka) ayaa manta si wada-jir ah u ansixiyay Guddoomiyaha cusub ee uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Maxkammada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali.

 

Fadhiga maanta oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) ayay goob-joog ka ahaayeen 109 Mudane ayaa waxa ogolaaday ansixintiisa 107 Mudane, hal Mudane uu diiday Guddomiyuhuna muu codaynin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudanaaysha Labada Gole Ee Guurtida Iyo Wakiilada Somaliland Oo Cod Aqlabiyad Leh Ku Ansixiyay Guddoomiyaha Maxkamada Sare.

 

Hargeysa (Ramaas) July. 26, 2011- Fadhi wada jir ah oo ay maanta isugu yimaadeen labada aqal ee uu baarlamaanka ka kooban yahay ee Guurtida iyo Wakiilada ,ayaa lagu ansixiyay guddoomiyaha maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo uu magacaabay bishii hore Madaxweyne Siilaanyo.

 

Fadhiga ay yeesheen labada gole waxa shir-guddoominayay guddoomiyaha golaha Wakiilada Cabdraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo dhinac fadhiyeen afarta guddoomiye ku xigeen ee Guurtida Wakiiladu, waxaana fadhigan ka soo xaadiray 109 mudane oo ka mida 164 xildhibaan oo ah isku darka ay tirada labada gole ka kooban tahay.

 

Waxa ka dib markii uu xog-hayaha golaha wakiilada akhriyay warqad magacaabida guddoomiyaha maxkamada sare ee uu saaray Madaxweyuhu iyo macluumaadka la xidhiidha taariikhdiisa aqooneed iyo khibrad shaqo, waxa la gudagalay codbixinta ansixinta, waxaana ogolaaday 207 mudane, waxa diiday 1 mudane, cid ka aamustay may jirin guddoomiyuhuna muu codayn sidaas ayaana lagu ansixiyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Members of both Chambers approves the chairman of Supreme Court

 

Posted on 26/07/2011

 

Hargeisa (JSLTimes.com) -Members of both chambers of Somaliland parliament (the representatives and the elders) today held a joint session at the parliamentary premises and approved overwhelmingly the chairman of Supreme Court Mr. Yusuf Ismail Ali. This joint session was attended by hundred and nine members of both chambers of Somaliland parliament.

 

The session was presided as usual by the parliamentary speaker Mr. Abdirahman Mohamed Abdilahi known as ‘Cirro’.

 

The educational background and experience of the new chairman of Supreme Court Mr. Yusuf Ismail Ali was read. Later on, the voting process started. Hundred and seven members voted in favor of approving the newly appointed chairman to the post of the head of Somaliland Supreme Court.

 

One member voted against the chairman and the parliamentary speaker did not cast his vote. There was no vote abstaining that was reported.

 

Finally, the chairman of Somaliland Supreme Court Mr. Yusuf Ismail Ali is approved with overwhelming majority.

 

It was recent when president of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud known as ‘Siilaanyo’ dismissed from his post the former Supreme Court of Somaliland and appointed Mr. Yusuf Ismail Ali Who already assumed responsibility of running affairs of the Court in an honest and fair fashion

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this