Xaaji Xunjuf Posted July 25, 2011 Dekedda Berbera oo la Camiran Maraakiib sida Badeecado kala duwan oo ku soo xidhatay iyo Xoolo ka dhoofaya Hargeysa(Waaheen) Marsada ugu weyn Somaliland ee Berbera ayay hoganayaan Maraakiib sida Badeecado kala duwan oo isugu jira Bagaash iyo Raashinada kala duwan ee Bisha Ramadaan halka ay Maraakiib kale oo xoolo qaadaana maalin kasta ka goosanayaan Dekedaasi iyagoo sida Xoolo kala duwan. Sida uu ku soo waramay mid ka mid ah dadka ku sugan magaaladaasi waxa durtaba laga dareemaya Dekedda Berbera wakhtigan camirnaan farabadan oo aanay lahaan jirin wakhtigan oo kale oo uu bilaabmi jiray bad xidhanka xagaagu kaasoo sababi jiray inay istaagaan dhamaan gaadiidka baddu, waxaanu dhaqdhaqaaqaasi sababay in ay iskugu yimaadaan Berbera Ganacsato kala duwan oo ay qaarkood cashuuranayaan Alaabaha u soo degay qaarkoodna ay dhoofinayaan Xoolaha loogu talagalay sanadkan Xajka kaasoo durtaba bilaabmay. Arrintan ayaa waxay Yididdiilo galinaysaa Xukuumadda Somaliland oo cabsi weyn ka qabtay inay waayi doonto Cashuuraha ay ka hesho Maraakiibta sida badeecadaha kuwaasoo dhaqaalaha ay ka hesho ay inta badan ku dabarto kharashaadka maalin laha ah ee ay Dawladdu isticmaasho. Sidoo kale waxay arrintani dajinaysaa qoysas badan oo wakhtigan ka bixi jiray kulaylka xagaaga oo ay la soo dersi jirtay shaqo la’aan, balse imika ay u muuqato inay sii joogi doonaan si ay uga xoogsadaan dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka jira Dekedda Quote Share this post Link to post Share on other sites