Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Ahmed Siilaanyo encourages the self sufficiency of the nation.

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland Oo Xaflad u sameeyay Dhiirigelinta Isticmaalka bariiska ka soo go’ay dalka

July 24th, 2011

 

Hargaysa (Somaliland):-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa maanta ka qayb galay munaasibad qado ah oo lagu soo bandhigayay Bariiskii ugu horeeyay ee dalka ka soo baxa oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada.

 

Xafladan waxa ka soo qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland,Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Madaxwaynaha Somaliland oo hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay talaabadan lagu beeray bariiska dalka,isaga oo shacbiga Somaliland-na ku dhiiri geliyay in ay dhankooda ka xoojiyaan isticmaalka wax soo saarka dalka.

“Waxaa farxad wayn inoo ah oo weliba aniga mid gaara ii sii ah,in aan halkan ku marti qaado Wasiirada oo ah madaxdii qaranka,iyada oo aynu maanta halkan ku cunayno bariiskii dalkeena ka baxay,taasi waxay muujinaysaa in aan dalkeena ka beeri karno kana soo saari karno bariis,hadhuudh iyo nooc kasta oo ah wax soo saar,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland waxaanu intaasi raaciyay “Waxay ku xidhan tahay hadba dadaalka aynu inagu la nomad.”

Md. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa kale oo uu dadka reer Somaliland u soo jeediyay in ay ku dadaalaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen in ay dhulkooda kala soo baxaan midhaha loo baahan yahay,isaga oo madaxwaynuhu xusay in haddii lagu dadaalo wax soo saarka dalka lagaga maarmayo cuntooyinka dibada inooga yimaada,waxaanu yidhi “Waa in aynu ku dadaalno kuna dhiirano lagana hawl galo sidii aynu uga shaqayn lahayn in midhaha aynu u baahanahay aynu dalkeena kala soo baxno gaar ahaana bariiska oo aynu ula soo baxno sida aynu waxyaabaha kaleba ula soo baxno,haddii aynu ku dadaalno wax soo saarka dalkeena waxaynu kaga maarmaynaa cuntooyinka dibada inooga yimaada,”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this