NASSIR Posted July 23, 2011 Ra'iisul wasaarihii hore Mudane Farmaajo oo sheegay in caalamku uusan doonayn dowlad ka dhalata Soomaaliya Sabti, July 23, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in calaamku uusan doonayn in Soomaaliya ay nabad ka dhalato, isagoo faragelinta caalamka ku hayo Soomaaliya eedeeda dusha ka saaray madaxda dowladda Soomaaliya. "Beesha calaamku raalli kama ahan inay Soomaaliya dowlad ka dhalato... taasna waxaa mas'uul ka ah madaxda Soomaalida oo aqbalaya go'aan walba oo loosoo jeediyo," ayuu yiri Farmaajo oo sheegay in shirkii lagu qabtay Kampala ee isaga uu xilka uga tagay iyo shirarkii ka dhacay Nairobi ay yihiin faragelin lagu hayo Soomaaliya. Mudane Maxamed Farmaajo wuxuu sheegay inaan la eedeyn beesha caalamka, balse ay Soomaalidu ka fekerto inay midnimo sameyso oo ay iyadu si gaar ah aayaheeda uga tashato. Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya, wuxuu sheegay inay tahay inuu taageersan yahay xukuumadda cusub ee lasoo dhisay uuna la shaqeynayo, isagoo shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan si ay wax uga qabato xaaladda dalka Soomaaliya. "Shacabka Soomaliyeed waa inay ka fogaadaan qabiileysiga iyo goboleysiga, waayo dunidu maanta waxay ku socotaa inay midowdo. Shacabkeyguna waa inay ogaadaan in midnimo oo keliya wax lagu heli karo," ayuu Farmaajo hadalkiisa dabo-dhigay. Mudane Farmaajo wuxuu soo jeediyay in 18-ka wasiir ee la magacaabay aysan waxba qaban karin haddii aysan shacabka ka helin taageero iyo wadashaqeyn. Wuxuuna xusay in lala shaqeeyo si aysan uga liidan xukuumaddii uu isagu madaxda ka ahaa. "Anigu waxaan ahay muwaadin. Ma ahayn in aqoon gaar ah iyo darajo gaar ah aan wax ku qabtay, balse waxay ahayd inaan xoogga saaray sidii Soomaalida gudaha iyo kuwa dibadda aan ku mideyn lahaa," ayuu yiri Farmaajo oo midda keliya ee lagu mideyn karo Soomaalida ay tahay iyadoo laga fogaado nin jecleysiga. Ugu dambeyn, wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay inuu qaban karo wixii uu horay u qabtay iyo wax ka badan, balse uu mar walba u baahan yahay taageerada shacabkiisa. Sidaas oo kalena ay xukuumadda cusub ugu baahan tahay taageerada shacabka. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted July 23, 2011 ""Beesha calaamku raalli kama ahan inay Soomaaliya dowlad ka dhalato... taasna waxaa mas'uul ka ah madaxda Soomaalida oo aqbalaya go'aan walba oo loosoo jeediyo," ayuu yiri Farmaajo oo sheegay in shirkii lagu qabtay Kampala ee isaga uu xilka uga tagay iyo shirarkii ka dhacay Nairobi ay yihiin faragelin lagu hayo Soomaaliya." Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted July 23, 2011 I have actually said that previously..yacni somali qaska ka socota in laga danbeeyo oo marnaba shacabka somaliyeed dantooda laga fakareen! laakin hadana somali axmaq ah uun aya lugu shaqeesan kara marka anaga uun aan si edeeno.. salaam Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted July 23, 2011 Aaliyah, Every true and sensible person not only understands but is bothered deeply by the unjust policies subjected on the Somali nation. We have to stand up for our rights, expose and shame the agents of these policies. They are nothing but Africa's 21st century Quislings running amok in Mogadisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Timur Posted July 24, 2011 This news is great. A centralized Somali gov't is bad for progress, it is what destroyed Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted July 24, 2011 Centralized or not we just need a government that works for its people.It is a shame that after 20 yrs the leaders have failed to come up with a formula for a working gov. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted July 24, 2011 War ninkaan yaa naga aamusiya, wixii la rabo ayaa la iskaga hadlayaa....Marna waxuu leeyahay beesha Caalamka ayaa nala jirto iyo argagixiso ayaan ka hortaagannahay adduunka marna sidaan buu u hadlayaa....! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted July 24, 2011 ^LooooooooooooooL...You seem to be angry at him, what did he do to you? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted July 24, 2011 Wadhwadh!.... Somalia's enemy is within. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 24, 2011 Shimbirayahow heesa ..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted July 24, 2011 Che -Guevara;736061 wrote: ^LooooooooooooooL...You seem to be angry at him, what did he do to you? No personal issue but maalayacnigiisa ayaan nacay saaxiib. Bahasha beenta ah iyo hadalladaan laga fiirsan ma fiicna! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted July 24, 2011 kkkkkk. Wa cusub maha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted July 24, 2011 Its true Oodweyne,the only people to blame for this are corrupt and greedy leaders who put money and clan before everything. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faafan Posted July 24, 2011 Its ironic that Somali leaders find the courage to say these things about Somalia after they leave or are forced to leave power. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted July 25, 2011 Told you that Farmajo was no politician. What a waste! Quote Share this post Link to post Share on other sites