Somalina Posted July 23, 2011 Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay 124-arday oo ka qalin jebisay Kulyadaha kala duwan ee Jaamacada Somaliya, iyadoo lagu gudoonsiiyay shahaado kala duwan, iyadoo ardaydan ay ahaayeen kuwo u dhabar adeegay waxbarashadooda mudadii ay dhiganayeen Jaamacada. Arday qalin jebisay oo wajiyadooda ka muuqatay farxad ayaa isugu jiray, ragg iyo haween, waxaa ka dhex muuqday dad waa weyn, taasoo muujineysa in waxbarashadu aan yar iyo weyn u kala gaar aheyn, waxbarashaduna aysan weynaan gelin. Ardayda ka qalin jebisay Jaamacada ayaa soo maray waqti adag, waxaana ay waxabarshadooda ay socotay muddo 4-sano oo kulyadaha kala duwan ee cilmiga ka baranayay Jaamacada, waxaana loogu riyaaqay Ardayda sida wanaagsan ee waxbarashadooda ay ugu hogaansameen. Mas'uuliyiinta ka soo qeyb gashay Xaflada qalin jebinta oo ay ka mid ahaayeen Maamulka Jaamacada, Waalidiin, abwaano iyo marti sharaf lagu casuumay, waxaana munaasabada ay aheyd mid si weyn loo soo agaasimay. Gudoomiyaha Jaamacada Somalia Prof. Yaxye Cali Ibraahim (Hareeri) oo hadal ka jeediyay munaasabada xaflad qalin jebinta ayaa sheegay in Jaamacada Somalia ay ku tallaabsatay wax qabad la taaban karo, isagoo tilmaamay inay dadaal dheeraad ah ay u soo mareen sidii ay u suura geli laheyd in laga sheekeeyo waxqabadka iyo taariikhda Jaamacada, isagoo sheegay in xaflada ku diyaariyeen 124-Arday oo ku hubeysan aqoon, waxbarasho xadaaro leh, ilbaxdinimo, ayna diyaar u yihiin inay hantqaan howlaha ku aadan cilmiyada ay barteen sida uu yiri. "Ma ahan Ardayda kuwo qoryo ku hubeysan, waxay ku hubeysan yihiin, aqoon waxabarasho, ilbaxnimo, karti iyo juhdi ay u soo mareen waxbarashadooda, waxay hada ku biireen Aqoonyahanada Soomaaliyed"ayuu yiri Gudoomiyaha Jaamacada Prof. Yaxye oo intaa ku daray in Ardayda ay Jaamacada ka galeen baal-dahab. Kuxigeenka Madax Maamulka dhinaca Waxbarashada ee Jaamacada Maxamed Nuur Warsame ayaa sheegay in waxbarashada aanay dhamaad laheyn, isagoo xusay in waxbarashadu ay leedahay bilow, balse aanay dhamaad laheyn. Mr Warsame ayaa sheegay in aqoonta iyo cilmiga dhibaato loo maro, isagoo cadeeyay in Jaamacada Somalia ay awood dheeraad ah ku bixisay sidii ay Ardaydan u siin laheyd furihii waxbarashada iyo aas aaska nolosheeda, waxaana uu kula dar daarmay in inta ka dhiman waxbarashadooda ay sii dhameystiraan. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ardayda laga dareemi karo waxqabadkooda cilmiga ay bixiso Jaamacada, isagoo cadeeyay in Bulshada ay ka sugeyso ammaan isaga oo faray ardayda inay u naxariistaan bulshada ay shaqada u qabanayaan. Ardayda ayaa labisnaa darees isku mid ah oo ah kan ay caanka ku yihiin ardayda ka qalin jebisa jaamacadaha, taasoo calaamad u ah, mas'uuliyada weyn iyo in horay loo sii wado masiirka waxbarashada oo ah mustaqbal ifiya. Madaxda Maamulka Jaamacada ayaa hadal guubaabo ah oo dhiira gelin ku jirtay u jeedinayay, waxaana ay u sheegeen inay noqdaan arday tayo leh, waxaana ay albaabka u furen in qof kasta oo arday ah ay Jaamacada u faran tahay, waxbarasho wanaagsan ku soo dhoweynayaan. Intii xafladu socotay ayaa waxaa lagu so bandhigay filim ka sheekeynayey Ardayda qalin jabineysay ee la gudoonsiiyey shahadooyinkooda sawiridooda iyo magacyadooda waxaana xaga madadaalada marti sharafta ka haqabtirayey abwaanka weyn ee Maki Xaaji Banaadir (Buur Fuule) oo munaasabada ka jeediyay sheekooyin qosol ah oo waxbarashada ka hadleysay. Sidoo kale waxaa halkaas gabay ay la dhaceen dadkii ka qeyb galay xaflada qalin jebinta, Abwaan Maxamed Warsame Taban-Taabo oo tix gabar ku tirinayay qiimaha ay leedahay waxbarashada iyo dadaalka loo galo in wax la barto. C/naasir Xasan Cali oo ah Hormuudka Jaamacada Soomaaliya oo ah Horyaalka jaamcadeed ee Soomaliya ayaa ardayda kula adardarmay in ay sare u qaadaan cilmiga ay barteen si loo ogaado waxqabadka jaamcada. Mas'uuliyiin ka socday Shirkadaha Isgaarsiinta sida Hormuud iyo Nationlinka ayaa dhankooda sheegay in xafladan ay uga qeyb qaadanayaan qalad hadiyado ah oo ay gudoonsiiyeen Ardayda, kuwaasoo isugu jiray SIM CARD, Kaarka ku hadalka Mobile, Buugaag iyo hadiyado kale oo sare ugu qaadanayeen Niyada Ardayda qalin jebisay. Ugu dambeyn Gudoomiyaha Jaamacada Prof. Yaxye ayaa ka hadlay taariikhda Jaamacada la aas aasay, marxaladaha ay soo martay iyo Kulyadaha looga barto waxaana uu xusay in Jaamada la aas aasay sanadka 2005-tii, isagoo tilmaamay in si rasmi loo furay taariikhda markey aheyd 26/12/2005 oo lagu furay saddex kulyadood. Prof. Yaxye ayaa sheegay in Jaamacada markii la aas aasay sanadkii 2005-ta lagu bilaabay 53-Arday, waxaana uu hada sheegay inay wax ka bartaan 1700-arday, isla markaana Jaamacada ay ka howl galaan 70-Macalin oo dhiga Kulyadaha kala duwan ee Jaamacada laga barto. Kulyadaha lagu bilaabay Jaamacada markii la furay ayaa waxaa waxaa ka mid ahaa sidan:- Ø Kulliyadda maamulka iyo maareynta (Faculty of Business Adminisytration ) Ø Kulliyadda Cabiraada (Faculty Engineering) Ø Kulliyadda Beeraha (Faculty Agriculture), waxaana dhiganeysey xiligaa 53 ardey. Jaamacaddau Iyadoo cusub ayey waxey la kulantey, dagaaladdii sanadahii 2007,2008 illaa horantii 2009 socdey. Alla- mahaddii jaamacadda somaaliya waxey ka mid – noqotey jaamacadihii fara-ku tiriska ahaa ee ka bad-baadey . Bartamihii 2009, aas’aasayaashu Jaamcadda Soomaliya waxey dajiyeen strategy-da cusub oo lagu dhisey hogaamiye cusub (President) & ku xigeenadiisa (vice presidents) hogaanka cusub waxaa uu dhisey, maamulka hormuudyada (deans) madaxda waaxaha (HOD). Waxaa lagu tilaabsadey howl fulinta baraha & bartaha (teaching & laering process), howl-fulinta cilmi barista (Research process). Howlfulinta Adeega ardeyda (Student services process). Howl-fulintaan isdaba- jooga ah ka bacdi, waxaa jaamacadda u suura- gashey in ay dhigtaan 1,700 oo ardey wakhtigan la joogo, waxeyna kala dhigtaan:- toddoba kulliyadood. (Seven colleges) oo ay hoos tagaan 25 dugsi (25 Schools). Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted July 23, 2011 Cont'd... Waxeyna kala yihiin Kulliyadahan soo socda: 1. college of health science ( Kulliyadda cilmiga caafimaadka) A. School of medicine and surgery ( dugsiga caafimaadka & qaliinka) B. School of nursing science ( dugsiga cilmiga kal-kaaliyaasha) C. School of clinical laboratory science & pharmacology)( dugsiga cilmiga shaybaarka caafimaadka & daawooyinka). 2. College of Business , Info. Tech and Public Administration ( kulliyadda ganacsiga, kumbuutaradda iyo Maamulka guud) A. School of Bus. Admin- ( dugsiga maamulka iyo maareynta) B. School of bus & It ( dugsiga ganacsiga & Tec. Comuterska) C. School of acc & fin ( dugsiga maaliyadda iyo xisaabaadka) D. School of sales & smarketing ( dugsiga libka iyo suqgeeynta) E. School of public Adm ( Dugsiga maamula Guud) 3. College of Engineering & Technology( kulyadda cabiraadda iyo technologyadda) A. School of Electronics & telcom, ENi ( dugsiga cabiraada electronic & isgaarsiined) B. School of Computer science ( Dugsiga Cilmiga Combuyulterada) 4. College of Education , Social & Humanities (Kulliyada waxbarashadda, cilmoga bulshadda & Barashadda Adabka Aadanaha) A. School of Biology & chemistry Science ( dugsiga Cilmiga Biology iyo Chemistry) B. School of Math & Physics ( dugsiga cilmiga Xisaabta iyo fisigiska) C. School of Social Science ( dugsiga cilmiga Bulshadda) D. School of Psychology (Dugsiga Cilmi- Nafsiga) E. School of Sociology ( Dugsiga Cilmiga Barashadda Bulshadda) F. School of Languages ( Dugsiga Luqadaha) 5. College of Economics and Management (Kulliyada dhaqaalaha iyo maareynta) A. School of economics ( dugsiga Dhaqaalaha) B. School of leadership and management science (Dugsiga Hogaaminta iyo maareynta. 6. College of Political Science & International Studies. ( Kulliyada cilmiga siyaasada iyo daraasadda caalamiga ) A. School of Political Science ( Dugsiga cilmiga Siyaasadda) B. School of International Relations ( Dugsiga Xiriirka Caalamiga ) C. School of Media & Mass Communication ( Dugsiga warbaahinta & qalabka isgaarsiinta ) D. School of Development Studies ( Dugsiga Daraasada Horumarinta) E. School of Social & Public Policy ( Dugsiga Bulshadda iyo Siyaasada guud) 7. College of Jurisprudence ( Kuliyadda Sharciga ) A. School of Islamic Studies ( Dugsiga Daraasadda Islaamka) Intaas waxaa dheer in toddobada kulliyadood ay adeegsadaan kaabayaal waxbarasho oo casri ah sida v Computer Labs v Physical Laboratories v Libraries v Multimedia technology ( Projectors , Videos, and Slides) v Teaching & Practical Hospital iwm Output ( wax-soosaarkii jaamacadda somaaliya ). Jaamacada waxay soo soo saartey 124 Aqoonyahan leh sifaadka hoos ku xusan:- ü Skilled and employable graduates ü Responsible Citizens graduates ü Economic and Social Developments Graduates ü Production and New knowledge gradates. Vice president (Academic) Quote Share this post Link to post Share on other sites