Positive Posted August 26, 2009 Waa hore iyo hadda. Waxaa bilowgii sannadihii 1980dii dawladda Soomaaliya wasiirka caddaaladda u ahaa nin la oran jiray Sheekh Xasan( Xasan Daahir Aways ma aha). Wuxuu ahaa nin diinta in badan ka yaqaan oo jawaab waafi ah oo diini ah bixin kara. Mar uu haddaba booqasho ugu tegey tolkiis oo markaas jabhaddii SNMta teegeerayey ayaa waxaa laga weriyey inuu yiri " nimanka gaalada u galay ee dagaalka ka soo qaadaya Ethoipia diinta way ka baxeen. Naagahooduna way ka furmeen. Aniga ayaa ninkii doonaya u meherinaya". Daliilo diini ah ayuu markaas cuskaday oo uu ku adkeeyey oraahdiisii. Waa lagu kala cararay meeshii waayo wax aan loo joogin ayuu ku hadlay Sheekhii ay ogaayeen inuu diinta yaqaan. Isla markiiba buuqii dhacay waxaa dadkii ka soo dhex baxay niman kale oo aqoon diimeed lagu tuhmayey kuwaas oo beeniyey wixii Sheekh Xasan sheegay kuna tilmaamay isaga nin la soo adeegsaday. Iyaguna daliilo diini ah ayey cuskadeen oo markaas ay ku beeniyeen oraahdii Sheekh Xasan. Kitaab gaable iyo dad badan oo caammo ah madaxa ayey ruxeen markay ku wareereen sidan iska soo horjeedda ee ay culimadii wax u fasireen. Maantana masalo taas la mid ah ayaa taagan. Marka aad weydiiso wadaad in dagaalka maanta Soomaaliya ka socdaa xaq yahay iyo in kale jawaabta lagu siiyaa badi waxay ku xiran tahay kooxaha dagaalamaya maanta midda wadaadku mabda' taageeran yahay; kan Sheekh Shariif taageersan, kan Xasan Daahir taageersan iyo kan Al-shabaab taageersan waxay u badan tahay saddex jawaabood oo iska soo horjeeda inay ku siiyaan. Waxaan oran karaa kitaab gaable iyo caammadii way ku wareereen sidan; hantidoodii iyo naftoodiina qaar badan baa ku waayey. Rag se meesha laguma hayo ee Rabbi ayey leedahay! Toosiye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted July 17, 2010 Gacaliye Positive Waa runtaa Alley leedahay, oo haddii khilaaf dhaco, waa in loo wada laabtaa Allah iyo labada asal ee Quran iyo Hadeeth. Waxana dhab ah in ayadoo loo wada laabanayo labadaas asal, hadana la isku khilaafi karo tafsiirka, hase yeeshee, khilaafna waa mid macquul ay thay in la isla fahmi waayo ujeeddada, midna waa khilaaf baatil ah, oon sal leheyn. In labadaas nooc oo qilaaf ah lakala garto, wexey u baahan tahay Taqwo, iyo caqli, labadaasna dadka kama wada sinna. Waxaan maqalay in Dawladdii Siyaad Barre ay abaabuleen xafkad loogu yeeray Culimada qaarkood si ay u taageeraan barnaamij Marxism -Leninism oo la rabay in lagu dhaqo waddanka. Markii ay dadkii oo dhan hadleen oo qof walba uu aad u faaniyey Carl Marx iyo Lenin, ayaa waxaa laga codsaday in Shiikh ka mid ah culimadii la casuumay inuu meesha ka hadlo, Shiikhii wuxuu yidhi hadal macnihiisu yahay: "Anugu raggaas waxba ka ma aqaan aad wada faaniseen ( Marx - Lenin), laakin maa daama aad tihiin Dawladdii Somaliya, waxaan is leeyahay danta ummadda inaad ku dadaaleysaan ood meel fiican ummadda ku waddaan, sidaa darteed Allah waxaan ka baryayaa, in sida aad Marx iyo Lenin aad u jeceshihiin una raacdeen nolosha adduunka, inuu Allah aakhiro meeshey mareen idin marsiiyo" Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Positive Posted July 20, 2010 Nur wuxuu yiri: Waa runtaa Alley leedahay, oo haddii khilaaf dhaco, waa in loo wada laabtaa Allah iyo labada asal ee Quran iyo Hadeeth. Haddii ay tahay in loo laabto Quraanka iyo Xadiiska marka maxaa keenay in dhiig muslin la daadiyo iyadoo aan layska qancin, si waadix ah oo aan shaki ku jirin, waxay diintu ka qabto xaaladdan laysku haysto. Quraanka iyo xadiiska waxa laysku haysto xalkeeda suuban kuma bayaansana miyaad leedahay? Nur wuxuu yiri: Waxana dhab ah in ayadoo loo wada laabanayo labadaas asal, hadana la isku khilaafi karo tafsiirka, hase yeeshee, khilaafna waa mid macquul ay thay in la isla fahmi waayo ujeeddada, midna waa khilaaf baatil ah, oon sal leheyn. Xaaladda Soomaaliya ka jirta hadda oo ay maalin kasta dad ku dhintaan, qaar dhaawac noqda iyo qaar qaxa, hanti aan la soo koobi karin oo burburtaa ay jiraan waa masalo aad u culus oo xal aan dagaal ahayn in loo radiyo u baahan. Ma oran karo dagaalkani tafsiir laysku khilaafay ayuu la xiriira waayo dhinacyada dagaalamayaa arrintan waad og tahay oo intay isu yimaadeen kama ay wada hadlin oo tafsiiro isulama soo bixin. Dagaalkan gudaheenna ah inuu baadil yahay ma u malayn kartaa? Nur wuxuu yiri: In labadaas nooc oo qilaaf ah lakala garto, wexey u baahan tahay Taqwo, iyo caqli, labadaasna dadka kama wada sinna. Taqwada iyo caqliga wanaagsan waa kan u tura isla markaasna badbaadiya, taakuleeya oo tabantaabiya dadka kan ugu itaalka liita. Hadalkaagu ma wuxuu u dhacayaa dadkan dagaalamayaa caqlina ma hayaan taqwaduna waa ku yar tahay mise micne kale ayuu xambaarsan yahay? Nur wuxuu yiri: Shiikhii wuxuu yidhi hadal macnihiisu yahay: "Anugu raggaas waxba ka ma aqaan aad wada faaniseen ( Marx - Lenin), laakin maa daama aad tihiin Dawladdii Somaliya, waxaan is leeyahay danta ummadda inaad ku dadaaleysaan ood meel fiican ummadda ku waddaan, sidaa darteed Allah waxaan ka baryayaa, in sida aad Marx iyo Lenin aad u jeceshihiin una raacdeen nolosha adduunka, inuu Allah aakhiro meeshey mareen idin marsiiyo. Qofku meesha uu aakhiro tagayo Ilaah baa ku caalim ah. Waxaa laynoo sheegay sifooyinka lagu kasban karo janno iyo kuwa lagu kasban karo ciqaab ama cadaab laakiin sheekhan looma sheegin in uu janno geliyo iyo in kale. Kuwan uu habaarayeyna( wuxuu sameeyey waa habaar) khalad kasta oo ay markaas ku jireen haddana cadaabta iyo jannada way ula siman yihiin isaga. Waayo qof noloshiisa inta badan aan muslimba ahayn ayaa jannada geli kara halkan mid inta badan muslin ahaana uu ku dambayn karo cadaab. Marka sheekhu wuu ku gefay nimanka waayo inuu tilmaamo ayey ahayd in camalka noocaas ahi uu xun yahay keliya. Anigu ama waan iska aamusi lahaa! Waxayse u badnaan lahayd in aan u duceeyo waayo waxan talada ku darsan lahaa in Ilaahay ducadayda ajiibi karo oo sidaas wanaag ku dhalan karo- dhinac kasta!! Toosiye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted July 21, 2010 Positive bro. Waxaad qortay: Haddii ay tahay in loo laabto Quraanka iyo Xadiiska marka maxaa keenay in dhiig muslin la daadiyo iyadoo aan layska qancin? Walaal, darafyada is heysta ma wada madax bannaana, qolana talo iyo taag shisheeye aan nagu diin iyo dan aheyn bey hoosjoogaan, markii horena ay dartood labaatan sanad oo hore dhiigga ummadda u daadin jireen, haatanna, markii umaddu Islaamka ku midowday bey carareen ooy Addis Ababa ka soo jeesteen. Qolyaha ka qabsaday dalka intiisa badan, wexey shardi ka dhigteen, in ciidamada shisheeye ay waddanka ka baxdo si markaas ay isu hor fadhiistaan ayagoo labada daraf madax bannan yihiin. Waxaad qortay: Quraanka iyo xadiiska waxa laysku haysto xalkeeda suuban kuma bayaansana miyaad leedahay? Ma lihi sidaas, ee waxaan leeyahay, qolyana quraanka ay doonayaan qolana dan ba imminka ku qasabtayee markii hore waa hor taagnaayeen, adigana ma moogid taas. Akhi, dilka badan iyo burburka waddanka waad ogtahay ineyan ka dambeynin qolyahan hadda kuufur inteeda badan gacanta ku haya, maxaa yeelay, raggii burburka 1990 bilaabay oo ku burburinayay kaalmaha cadowga Somalida ayaa ka dambeeyay. Gaar ahaan, markii 2006kii laga taag roonaaday oo nabadi timid ayey hadana soo rogaal celiyeen oo waddanka axmaaro keeneen ayagoo xukun doon ah, haba ku helaanee iney iibiyaan madax bannaanida waddanka. Marka khilaafka aan ka hadlayey wuxuu ahaa, khilaafka darafyada diinta wada sheeganaya haseyeeshee aan islu aragti aheyn, ha noqdaan qolyaha Xizbiga iyo shabaabka, ama qoladan cusub oo la magac baxday Ahlul Sunna wal jamaaca. Waxaan, ula jeedaa haddii seddexdaas qolo oo diinta cuskan ay kitaabka Alle iyo Sunnada Rasuulkiisa u wada laabtaan, iney caddan laheyd qolada qaldan, iyo qolada quman. Waxaad qortay: Hadalkaagu ma wuxuu u dhacayaa dadkan dagaalamayaa caqlina ma hayaan taqwaduna waa ku yar tahay mise micne kale ayuu xambaarsan yahay? Maya, sidaas ula ma jeedin, waxaan ula jeeday inuu khilaafku yahay mid weligii jirey, mar walbana jiri doona, sidaas darteed, khilaafku wuxuu leeyahay fiqi u gaar ah ( Fiqul Khilaaf) kaaso caddeynaya khilaafka shareecada ay aqoonsantahay ( Al Khilaaf al muctabar sharcan) iyo khilaaka aan salka laheyn, ( oo caamadu tiraah, war culimada kala qabta). In labadaas khilaaf noo kala cad yihiin baa u baahan cilmi iyo taqwo, aan is leeyahay darafyada is heysta uma wada sinna. Walaal, la isku ma diiddana in Allah oo qudho dadka xisaabiyo, qofkuu doonana ciqaabo qofkuu doonana cafiyo, taas Allah oo qudha ayaa leh. Laakin, maa daama aan annagu noloo xilsaarin wax qarsoon, waxaan xukunnaa waxa muuqda oo qudha, sidaa darteed, qofkii Allah iyo rasuulkiisa ka doorbiday Marx iyo Lenin, (Waxaan Wali/saaxib uga dhignaa wuxuu wali/saaxib ka digtay, jahannamana waan gelinaa; Aayad Quraanka fasirkeeda ) daahirkiisu wuxuu mudan yahay inuu maro meeshay mareen haddusan Alle waafajin tawbo intuusan dhiman ka hor, taasna waa ghayb aan naloo xilsaarin. Waana Cadaalada Allah inuu qofwalba safkuu maanta adduunka taagan yahay, aakhirana taagnaado, maxaa yeelay, 17 jeer baan Allah warsannaa inuu na mariyo waddada ay mareen kuwa loo nicmeeyay, oo ah anbiyada, siddiiqiinta, saalixiinta iyo shuhadada. Sidaa darteed, in kastoo ay bannan tahay in cadowga Allah sida fircown loo duceeyo in Allah hanuunsho, waxaa kaloo bannaan in la habaaro, taasna waxaa ku soo arooray Quraanka sheekadii Nabi Muse oo habaaray Fircown, xataa Allah ka baryay inuusan iimaan helin uu gaalnimo ku dhinto, iyo Nuux oo isgana ka baryaya Allah in Dunida aan looga tagin daalimiinta, iyo Ibraahim oo Allah ka baryay in Qowmu Lut aan la halaagin, laakin laga diiday. in kastoo laga aqbalay Muse iyo Nuux. Marka waxaa xikmaddu tahay in aadan isku daalin duco laga diiday Nabi Ibraahim CS. Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Positive Posted July 22, 2010 Walaal Nur, Waxaad tiri: Walaal, darafyada is heysta ma wada madax bannaana, qolana talo iyo taag shisheeye aan nagu diin iyo dan aheyn bey hoosjoogaan. Walaal dhammaan darafyada dagaalamaya oo hadda ay hoggaanka u hayaan dad sheegta inay culimo yihiin ma madax bannaana. Qolada aad sheegtay markaan ka gudubno qolooyinka kale laftoodu ajnebi ayey hoosta kaga jiraan. Taxanaha taariikhda qolooyinka mucaaradka ku ah dawladdu wuxuu muujinayaa in hadda awoodu gacanta u gashay qolooyin ajnebi ah oo aad ugu yeertay inay inagu diin iyo dan yihiin. Haba inagu diin iyo dan ahaadeenne awooddii ayey inagala wareegeen. Runtu waxay u egtahay in labo ajnebi ay kala hoggaaminayaan dirirta ka socota dalka qaar badan oo inaga mid ahina ay ba'eenna sacabka u tumayaan. Waxaad tiri: Ma lihi sidaas, ee waxaan leeyahay, qolyana quraanka ay doonayaan qolana dan ba imminka ku qasabtayee markii hore waa hor taagnaayeen, adigana ma moogid taas. Qolyahan aad tiri quraanka ayey doonayaan laftooda waxaa looga fadhiyey in intaysan dirir gelin marka hore caddeeyaan waxa ay diintu ka qabto masaladan laysku haysto ee ah xukunka dalka iyo cidda hoggaankiisa xaq u yeelan karta. Arrintaas inay ku mashquulaan oo geed dheer iyo mid gaaban ay u fuulaan ayey ahayd oo weliba ay ka qayb geliyaan dooda dhammaan bulshada oo ay ku jiraan dad indheergarad ah iyo kuwo aqoonyahanno ah oo ka tirsan darafyada walaalaha ah ee is-haya. Qolyaha kale hadday soo noqdeen waa wanaag. Soo noqodka inay sii badiyaan ayaa looga fadhiyaa. Dadka qaarkood baa oran kara waa iska catow waqtigan in qolyahan soomaalida ah ee dirirtu ka dhaxaysaa heshiin karaan laakiin Rabbi naxariistiis lama ilaawo ragna (qofka) taladiis lagama quusto. Waxaad tiri: Waxaan, ula jeedaa haddii seddexdaas qolo oo diinta cuskan ay kitaabka Alle iyo Sunnada Rasuulkiisa u wada laabtaan, iney caddan laheyd qolada qaldan, iyo qolada quman. Waa war fiican! Taas waa la la' yahay. Dembigeedana qolo gaar ahi ma leh ee waa la wada leeyahay- soomaali oo dhan. Hadiise aan wax kale lagu heshiin karin war horta xabadda ha la joojiyo waa lagu heshiin karaa. Waxaad tiri: Sidaa darteed, in kastoo ay bannan tahay in cadowga Allah sida fircown loo duceeyo in Allah hanuunsho, waxaa kaloo bannaan in la habaaro, taasna waxaa ku soo arooray Quraanka sheekadii Nabi Muse oo habaaray Fircown, xataa Allah ka baryay inuusan iimaan helin uu gaalnimo ku dhinto, iyo Nuux oo isgana ka baryaya Allah in Dunida aan looga tagin daalimiinta, iyo Ibraahim oo Allah ka baryay in Qowmu Lut aan la halaagin, laakin laga diiday. in kastoo laga aqbalay Muse iyo Nuux. Marka waxaa xikmaddu tahay in aadan isku daalin duco laga diiday Nabi Ibraahim CS. Hadda sheekh ha inagu waanin inaynu habaarka doorbidno. Waxan dalkenna ku habsaday ee aynu dawada u la' nahay waa habaar. Duco badan ayeynu u baahan nahay ee aan ducada horaysiino. Toosiye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted July 23, 2010 Hadda sheekh ha inagu waanin inaynu habaarka doorbidno. Waxan dalkenna ku habsaday ee aynu dawada u la' nahay waa habaar. Duco badan ayeynu u baahan nahay ee aan ducada horaysiino Waan kaa aqbalay, "Allow ummaddeenna inta habowsan soo hanuuni, inta hanunsanna talada u hagaaji, hana noo qaban , hana nagu ciqaabin wexy faleen kuweenna sufahada ah, adigaa weligeenni ah noo naxariiso, na cafi, khaatimadana noo hagaaji." Amin Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites