xiinfaniin Posted April 6, 2009 Originally posted by Nur: Xiinow, inta aan la sameyn soohdimo ( Borders) kala qaybisa qolyaha iska soo horjeeda, waxaa ila quman in la doorto guddi dhexdhexaadiya ooy labada qoloba ku kalsoon yihiin, oo ka koobma Culimada Somaliyeed, Madaxda qolyaha ku loollamaya hoggaaminta umadda.. Sh. Nur dib ha noo celin. Waad ogeyd oo waxaa la doortay guddi culumo ah oo Soomaalida inta macquulka ah ay ixtiraam iyo qadarin badan u hayyaan. Wixii guddigaasi gooyey dhalinyaradu kuma aysan qancin, iyaga iyo culumadunna isla ma fahmin. Dagaallada xammar ka dhacay intii dawladda Sharif dhalatay waxaa riday ama sheegtay dhalinyaraday ahaayeen. Waxay hadda maraysa dhalinyaro leh waan soo dagaallannay ilaa x, y iyo z la helona waxba ma suurta galayyaan, iyo rag raba in bal colka waraf lagu dayyo. Xalka ugu dhow waa in dhalinyaradda meelaha ay joogaan la aqoonsado laguna tixgeliyyo. Meelaha aysan haysanna laakiin ay rajadu ka hayso inay wujuud ku yeeshaan sida Xamar oo kalena ay dawladda u daayaan. Si taasi u dhacdo waa inay caddahay meelaha aad adigu Nur ahaan macquulka u aragto eed is leedahay waa gar in lagu tixgeliyyo dhalinyarada, intaan dhexdhexadinba bilaaban. La soco hawshii culumaddu isku day,waxay ka socon weydey dhalinyarada. Waa qodob muhiim ah. Originally posted by Nur: Si marka kalsoonidii loo soo celiyo, waa in wax waliba sidey ahaan jireen Dowladdii Maxaakimta lagu soo celiyaa, UNDO , maxaa yeelay, Xabashida iyo khaaimiintii waddanka soo geliyey waa ineyan marna ka faaideysan fara gelinta Xabashida, iyo Calooshood u shaqeystaaysha Afrikaanka, oo markaas ayan ku helin matalaad, maxaa yeelay, khiyaanada waddanka abaalgud ma laha, ee ciqaab baa lagu muteystaa. .. Mar labaad, di hanoo celin. 2006 kii maanta ma joogno. Saaxiib annagaa jeclayn inay maxaakimtu guulaystaan, mase noqon. Wixii wax ka dumiyey soomaali bay ahaayeen, iyaga qudhooduna xikmaddii waa seegeen, oo rag qoriga aad ugu bogey baa ku jirey maantana ku jira. Hadda waxay joogtaa Somalia oo 3 dex qaybood siyaasad ahaan u qaybsan. Qaybta ugu muhiimsan Sharif baa hogaammiyye u ah, dhulkuu siyaadada ku heli lahaa waxaa ku haystaa warlords maaha waa rag diin inay udiriraan sheeganayyaa. Dhalinyarada raggaa kow ka ah. Waxaan ka hadlaynaa waa sidii raggaa maslaxadda guud ay u tixgelin lahaayeen, tanaazul na u ogolaan lahaayeen. In la inkiro natiijaddii shirarkii Sharif galay ee musaalaxadda ahaa, oo laysku dayyo in saacadda dib loo celiyyaa waa shiddo, nabadna ma horseedi karto. Originally posted by Nur: 1. Shisheeye waddanka waa ineyan joogin. 2. Waa in la soo celiyaa guddigii Maxaakimta oo ka koobmay Maxkamdaha, iyo Dhallinyarada u gurmatay. 3. Waa iney meeshii ka sii wadaan nabadda, ooy dajiyaan Dastuurka Dowladda Islamiga ah ee Somalia. 4. Waa iney Maxaakimtu noqotaa hey'ad ka madax bannan Dowladda ( Independent Judiciary) 5. Waa iney Maxaakimtu yeelataa ciidan ilaaliya Sharciga Allah iyo amniga waddanka, ciidankaasna waa inuu hoos yimaaddaa Maxaakimta. 6. Waa in markaas ay Maxaakiimtu doorataa Majlisu Shuraa. 7. Waa inuu Majlisu Shuuraa doorto Xaakimka waddanka Xukumaya. 8. Xaakima waddanka oo heysta awoodda ay siiyeen Majilisu Shuuraa waxaa markaas sugeysa inuu waaqica jira uu wax ka qabto. Nur, taasi waa hadafka iyo natiijadda aan doonayno inay somaliya ku danbayso. Haseyeeshee kuma habboona inay noqoto shuruud lagu xiro dadka somalidda ah ee isku hayya xasilinta dalka. Dalku culumuu leeyahay, culumaduna awlawiyaatka waxay u arkaan in laga gudbo is xag-xagashada siyaasadeed oo dalka inta ugu muhiimsan haraysan intii muddoba ah. Caddowga somaliya wuxuu ka faa ideysanayyey waa khilaafka noocaan oo kale ah ee runtii u eg gubadkaan gubi doonno... Anigu waxaan ku jiraa dadka aadka ugu kalsoon in somalidu dad muslim ah yihiin haddii ay amni iyo xasilooni helaanna ay fudud dahay inay dawlad masali karta ahdaafta shareecadda islaamka dhistaan. Laakiin dad aan dawlad lahayn in maantoo lagu celceliyyo haddaan shareecadda la qaadan gow iyo gish ma leh waa xikmad darro weyn runtii. Originally posted by Nur: Waaqica Maanta Jira Waddanku Wuxuu hadda u qaybsan yahay dhowr Qaybood: 1. Qayb Sheegatay iney Somalia Ka goosatay. Somaliland, Shariif ilaa iyo hadda faraha ayuu ka qaadey, wax ku qasbaya Somaliland iney Shariif hoos imaato ma jiraan. 2. Qayb sheegatay Dowlad hoose, laakin ogol Xukun Federaali Puntland 3. Qaybo kala duwan oon aan weli hal qolo u sugnaan, oo hadba qolo qabsato. 4. Caasimadda Muqdisho iyo agagaarkeeda oo intii ay Xabashida ka baxday aan weli qolona wada sheeganin, haseyeeshee la wada joogo, ahan meesha u baahan in soohdintii aad sheegtay ( Beirut Green Line) oo kale laga sameeyo. Koofurta Somalia, Kismaayo iyo Baidhabo iyo inta labada webi u dhexeysa ilaa Xuduudda Kenya/Xabashida, waxaa hadda gacanta ku haya dhallinyarada Kacdoonka ah. Haddii Culimada ay xooggooda saaran hal arrin, dhiig ma daadan doono inshAllah: 1. Inay sameeyaan INSTITUTION umaadda ku kalsoon tahay sida Urur ay u dhan yihiin Culimada Somalia oo dhan, oon qolona ka maqneyn. Nur Waa runtaa oo waaqica siyaasiga ahi sidaa kama foga. Waaqica guudse sidaan baan anigu u dhigi lahaa: Dalku wuxuu ku jirey taqriiban 20 sano oo dagaal sokeeyye ah. Waxaa bur-buray baaxaddii dawladnimo, waxaana lumay kalsoonidii shacabka dhextiil. Waxaa lagu kala tagay dantii guud, waxaana jihrooday cuquushii iyo wax garadkii dadku lahaa. 20 sano somaliya kawaadir aqoon lehi kama soo bixin, kii hanaqaadaa wuxuu marti ku ahaa caasimadaha dawladaha jaarka ahi, maxastuna waxay miciinsi u joogeen xeryaha qoxootiga ee teedsan xuduudaha aan la leenahay dawladaha jaarka. Waxay somaliya noqotay meel ***** iyo nacab ay ku takri falaan. waxaa muddo lagu dirirayey oon goob joog u ahayn kuraas iyo sad bursi qabiil oo acdaa iyo shisheeyye loo kaashaday hirgelintiisa. Inta anagu aan isku maqnayn waxaa nagu maqnaa oo si gaaraa nooga faaideystay Ethiopia oo runtii aad nooga ilheshay. Ragga ku faraxsan in Ethiopia xamar ka baxday waxaa ka maqan in Ethiopia aysan markii horeba xamar u socon eey doonaysay inay wiiqdo awoodda iyo madaxbaaninadda siyaasadeed ee somaliya kasoo bidhaantay. Somaliya waa dal umana baahna inay caqliyy jabhadeed yeelatto oo intii ay dawladnimaddii ku dhuntay soo ceshanlahayd ay ku mashquusho aar goosi iyo aano aysan wax badan maanto ka qaban karin. Dalka noocaas in maanta rag diin sheeganayyaa ay hor istaagaan wixii hakin kara inuu ka tallaabsado xuruubta ahliga runtii waa nasiib darro. Shariif wixii lagula xisaabtami lahaa waxay ahaan lahayd inuu abuuro xaalad uu shisheeyyuhu mar marsiiyyo ku waayo in dalka somaliya ku sii joogo. Laakiin marka dhalinyaradu ay isku qarxiyyaan raggii shalay ka garab dirirayyey ooy si calan ah ugu dhawaaqaan inaysan dagaalka joojinayn, oo ay diidaan inay culumadda dadaalkooda tixgeliyyaan, oo aad moodid inaysan dhib badan ku hayn siyaasiyan xaaladda dalku marayyo oo ayba u muuqdaan rag ahdaaf Somaliya ka shisheysa leh, walaal waa adagtahay difaacoodu. Mar labaad, anigu waxaan rabaa inaad ku dhiiratto sida aad xalka u aragto oo waaqici ah. Wixii 2006 jirey maanta ma jiraan. Waxaa maanta jira dawlad caatto ah oo Sharif hogaaminayyo . Sharif marka xanto laga tago, waa nin Muslim ah oo gayya inuu somali hogaamiyyo. Hase yeeshee waa nin jilicsan oon aad u hufnayn baa la oran karaa. Somalise kala doorasho badan ma haysatto, intay jiiro kale oo dagaal sokeeyye dib u geli lahayd, xikmaddu waxay sheegeysaa inay Sharifkeeda busta ka jaf-jafatto. Shareecada mabda iyyan wuu aqbalay. Farsamo ahaanse adba waad ogtahay oo kawaadir iyo habdhis intaan ka weyn bay u baahantahay. In lagu xisaabtomo waa wuxuu ka qabtay waa xaq lagu leeyahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted April 9, 2009 Akhi Xiin Al Xabiib Walaal, Nabad waaarta waxaa lagu gaaraa cadaalo, haddaan cadaalo jirin, waxaa dhab ah in haddaan maanta u aqbalno " dan" darteed, inaan Mujrimiinta ula heshiino, in berri markey wax is baddalaan, in heshiiskaas laga bixi doono, maxaa yeelay, si heshiis waara u dhasho, waxaa loo bahan yahay labado qolo iney isku mabdaa ( Principle) yihiin, sidaa darteed, ama waa inaan annaga ka tagnaa diinteenna, ama waa inay ayaga Towbo keenaan, taasna wey fogtahay sida muuqata. Waxaa wacan in marba haddaad xaq ku taagan tahay inaad ku adkeysato kuna sabirto xaqaas Allah ku siiyey. Xaqa, sidaan hadda ka hor qorey, ( Halganka Xaqa iyo Baatilka) wax walba oo baatil ah asagaa ka xoog badan. Ma aqaan xaq ka weyn in aan xor noqonno, oon Allah u qura addoon u noqonno, xor ku noqonno waddankeenna ay doonayaan Mooriyaanta qabqablayaalka dagaalka qarribay waddanka iney shihseeye na dul keenaan nagu xukuma waddankeenna. Walaal, dadku aad bey u illoobi la'yihiin wanaaggii Maxkamadaha iyo nabaddey dhaliyeen 2006, haddad leedahay laguma noqonayo wanaaggaas mar kale, waxaad niyad jabineysaa umadda, haddaad ula jeeddo in walaaluhu ayna midoobi doonin sida cadowguudu u mideysan yahay, ayadana waa niyad jab, haddaad leedahay, Mujrimiinta dagaalka hadda dowladda lagu daray waa in umadda lagu qasbaana, taasna waa niyad jab yaa akhi al Xabiib. Walaal Allah dad uusan simin adiga ha simin, taas Allah kaa ma qabato haddad naxariistiisa ay tahay waxaad raadineyso, Allah wuxuu leeyahay: " Afa najcalul Muslimiina kal Mujrimiin? Maa lakum keyfa taxkumuun?" Macnehedu yahay: Ma waxaan sinnaa Mujrimiinta iyo Muslimiinta? Maxaa idin helay ood sidaas ugu xukunteen ( in la simo labadaas)?" Xiinow, waxaa maanta dad isu xiga kuwii shalay is xigey, Shariifka walaalihii wuu dayriyey, wuxuuna soo dhoweystay cadowgiisi shalay, igu soo baro Xiinow, nabadi ineyan ku imaan doonin dariiquu Shariif maray. Nabad waarta oo joogta wexey ku imaan kartaa in Mujrimiinta umadda qayaanay 20 sano, dabadeedna Xabashida umadda dul keenay, oo laayey, haddana diiddan in Sharciga Allah la isku xukumo, in Mujrimiintaas Maxkamadihii Islaamiga ahaa ay la dirireen la soo istaajiyo, lagu xukumo si umaddu ay u dhadhamiso cadaalo waarta. Aragtidaas ayaan ku iri waa kin la soo celiyaa 2006! iyo kheyrkeedi badnaa oo lagu wada farxay, umaddana mideysay, cadowga Allahana ka nixixsay. Inta Mujrimiinta ay aamin yihiin, oo haddana rabaan iney umadda sii xukumaan, ha ku riyoon iney Somalia nabadi ka dhacdo. Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted April 9, 2009 ^^Ahdaaf ka sarraysa in mujrimiinta aad sheegaysid laga aarsado oo la maxkamadeeyyo ayyaa aniga ii muuqatta. Horaan u sheegay ahdaaftaas oo hadda mar labaad ku celin mayyo. Raggii ugu sarreeyey maxaakimtii Islaamka e 2006 ayyaa maanta hoggaan u ah dawladan tanaazulka ku timid, hase yeeshee adiga malaha kuwaas waxaad ku dartay mujrimiinta ama kooxdooda! Allow sida san Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted April 10, 2009 Akhi Xiin Waxaad qortay: ^^Ahdaaf ka sarraysa in mujrimiinta aad sheegaysid laga aarsado oo la maxkamadeeyyo ayyaa aniga ii muuqatta. Horaan u sheegay ahdaaftaas oo hadda mar labaad ku celin mayyo.[ Walaal. Waxaa jirta qaacida sharciyah ah oo cilmiga maqaasiddul Shariica oo dheheysa "maa laa yatimmul waajibu illaa bihi fa huwa waajib" Macneheedu yahay, " wuxuusan waajibku ku fuleyn la'aantii, isagana waa waajib" Haddii ahdaafta sare ood soo qortay ay tahay in Shareecada Islaamka Waddanka aaasaas looga dhigo xukunkiisa iyo maareyntiisa, si nabad loo gaaro, taasi waa waajib sharci ah, waxaana loo baahan yahay in qaayadaas lagu gaadho, tab ( Means) ayadana sharciyeeysan oo bannaan sharci ahaan, maxaa yeelay, sharciga Allah laguma suuro-galin karo in asaga la jabiyo ( oo dariiq qaldan loo maro) si hadafkaas sare loo xaqiijiyo. Waxaa is weydiin leh, dariiqa siyaasadeed oo walaalaha Ururka Maxkamadaha ahaan jirey ay maanta mareen, ma yahay, marka lagu eego qaacidadaas, mid aan qilaafsaneyn shareecada? ma yahay mid lagu gaadhi karo, ahdaafta sare ood soo sheegtay? ma dhici kartaa in walaalaha ay qaldan yihiin oo taladooda ay dib u dhigeyso ahdaaftaas gaadhistooda? Haddey dhici karto in ay qaldami karaaan, sow ma fiicna in ay u dabcaan aragtida khilaafsan tooda, ooy dhago nuglaadaan? Waxaad qortay: Raggii ugu sarreeyey maxaakimtii Islaamka e 2006 ayyaa maanta hoggaan u ah dawladan tanaazulka ku timid, hase yeeshee adiga malaha kuwaas waxaad ku dartay mujrimiinta ama kooxdooda! Walaal, haddaad qoraalkeyga si fiican u akhrisay, waxaad ka helaysaa in dadka aan u kala qaybshay siduu Allah dadka u kala qaybshay oo ah labo qayb: 1. Muslimiin 2. Mujrimiin Waxaan ku magacaabay qolada hore " Walaalaha" oo ah qolyahii ahaa ururka Maxaakimta, garabka Jabuuti, Asmara iyo dhallin yarada aad ku magacawday kuwa " Qoryaha sita" Qolyahaas wexey qilaaf caqiido oo uu dagaal ba'an ka dhashay, isaga hor imaadeen niman Mujirimiin ah, oo dul keenay waddanka cadow, fal xun oo badanna ka geystay dib u dhigga ahdaafta aad sheegeysid oo walaalaha ay aad ugu dhawaadeen iney xaqiijiyaan 2006dii. Waxaad qortay: Allow sida san Amin, Allah wuxuu ku waafajiyay duco qiimo badan oo ah tii Rasuulka Alle: Yaa Xayu Yaa Qayuum, Bi raxmatika astaghiith, Aslix lii shaani kulluh, wa laa takilnii ilaa nafsii tarfata acyun, macneheedu yahay: Allahii noolaayow, kii u taagnaa hagaajinta danaha uunkiisow, naxariistaada ayaan u qaylo dhaansanayaa, ii hagaaji danaheyga oo dhan, hana igu halleyn nafteeyda, haba noqotee , il libiqsi" Waxaan halkan ku xasuusinayaa waxaan qoray November 11, 2006, markii aan maqlay in Morgan uu Twobo keenay, kuna biiray isbaheysiga Umadda Somalida, ee Maxaakimta. We are also happy when they ( Warlords) Come back as brothers in faith, repenting to Allah and helping their people in their search for peace. I read at SOL General Forum a news posted by Libaax-san-ka-taabte that Morgan, an ex-Presidential Body Guard turned Warlord who once controlled Kismayo has come to our fold, if the news is true, its indeed a day to celebrate, a soul saved from helfire is a great news, as for skeptics, no one should ever question this man's repentence, he was known to be brave as a fighter, and he was brave to repent to Allah, Let us pray for him and his family's welbeing under a new Somalia, a Somalia of benevolence, trust and justice for all. Let us also pray for Geddi's repentence and that of his boss, inshAllah. Forgivenss and Tolerance, a winning peace formula. Nur Qofkii Allah Tala Saarta, Asaga Ayaa Tirada Ugu Jira, Saa Alle, Waa Mid Gaadha Dantiisee, wax walibana Allah waxuu u yeelay qadar! Suuratul Talaaq, 3. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Positive Posted April 15, 2009 Waqtigan aan joogno taarikhiyan waxaan taagan nahay meel waddooyin badan oo isgooyaa ay ku kulman. Meesha aan u dhaqaaqi doonno waxay ku xiran tahay doorashada aan hadda samayno. Dhowr goor oo hore ayeynu isgoyskan maray oo nasiib-darro aynu jid khalad ah dooranay. Markii ugu dambaysay ee aan isgooyskan maray waxay ahayd sannadkii 1978dii. Dagaalkii aan Ethiopia la galnay ee Soomaali Galbeed baa sannadkaas bilowgiisii dhammaaday. Soomaalida ciidamadeedii ayaa iyadoo la kaashanayo ciidamo Cuban ah iyo kuwo Yemen ah laga soo saaray dhulka Soomaali Galbeed. Hammo soomaali oo dhammi ku riyoonaysay oo ahayd inta shanta soomaaliyeed la xoreeyo in kadibna ay midoobaan ayaa halkaas ku fashilantay. Dawladdii Soomaaliyeed ee markaas jirtay oo dagaalka gelistiisa iyo hirgelintiisa maamushay ayaa mashruucaas ku fashilantay. Madaama dagaalku uu natiijo aan laga baxsan karin reebo waxay ahayd in madaxdii markaas jirtay ay tallaabo geesinimo leh ku dhaqaaqaan. Maxay ahayd tallaabadaas? Labo jid ayaa u furnaa markaas: 1) In ay aqbalaan in dariiqii ay ummadda ku hoggaamiyeen lagu hungoobay mas'uuliyadda ugu sarraysa ee fashilkana ay iyagu leeyihiin. Dastuurkii la laalay ee 1960kii la soo celiyo, doorashooyin dalka laga diyaariyo oo xukunka si nabad ah dadka qaabkaas loogu soo celiyo ciidamaduna xeryahooda ku noqdaan iyagoo sharaf leh oo ammaanan. 2) In ay xukunka adkaystaan, in fashil dhacay ay inkiraan, dembigana quwado shisheeye oo Ethiopia u soo hiiliyey ay saraan. Waynu ognahay oo jidka dambe ayey doorteen wixii dhacayna hadda waa taariikh. Maxaa dhici lahaa haddii ay dooran lahaayeen dariiqa hore? Ma garan karno laakiin waxaynu u badin karnaaa in waddankuna badbaadi lahaa madaxdii sidaas yeeshayna baal dahab ah lagu qori lahaa!! Waxaa ka hoos baxday oo tallaabo geesinimo ah noqon lahayd haddii ay dooran lahaayeen inay xukunka ka degaan si markaas dadku u doortaan maamul qaran oo cusub. Baalka dahabka ah sidaas ayey ku istaahili lahaayeen. Hadda meeshii ayeynu mar labaad ku soo noqonay dariiqa aynu doorano ayaana barwaaqo ama balanbal inoo hoggaamin doona. Al-shabaab waxaa weeyaan nimanka guushan iyo xornimada soo hooyey. labo dariiq baa u furan: 1) in ay nabad qaataan oo ka dhaartaan in xabaddii cadow ay dalka kaga eryeen qof soomaaliyeed uusan geyin. Isla markaasna ay hormood u noqdaan dibu-u-dhis ka hirgala dalka. 2)In aysan cidna dhegaysan ee dagaal way ku guulaysteen ee wixii kale ee ay doonayaanna dagaal ku raadiyaan!! Dariiqa labaad haddii ay Al-shabaab iyo inta la feker ah ay doortaan wuxuu la mid noqonayaa kii xukumaddii Siyaad Barre ay raacday oo kale. Waa inoo dal la'aan iyo dad la'aan. Sadaal xun in aan bixiyo ma rabo laakiin dib u eeg 20kii sano ee la soo dhaafay! Sidaas ama si darran ayey noqon kartaa. Dariiqa kowaad haddii ay doortaan Al-shabaab iyo dadka la feker ah waxaa ay muujiyeen raxmad ummaddana may xorayn keliya ee way u tureen. Ifkana abaal bay u haynaysaa ummaddu, haddii/marka ay awooddona way u abaal-gudaysaa, aakhirona wax wanaagsan bay la tegayaan waayo, wanaagga ay diinta iyo dadka u galeen ka sokow, buuggooda waxaa ka marnaanaya dhiig islaam oo ay galeen! Waa maxay tallaabo geesinimo ah oo ay Al-shabaab qaadi karaan hadda? Waxaa tallaabo geesinimo ah inay Al-shabaab doortaan dariiqa nabadda iyo isu tanaasulka. Baal dahab ah sidaas ayey ku kasban karaan. Waxaa ku talinayaa in aan nabad qaadano. Lagumaba khasaari karo nabad. Toosiye2 Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted April 15, 2009 Positive mahadsanid. Aniga iyo Nur dooddii waa naga istaagtay, oo midkeerna kan kale waa ugaraabi kari waayey. Aniga waxaa ii muuqda waxaa adiga kuu muuqda. Nur oo runtii aan ku tuhmo fahamsare iyo ikhlaas waxaa u muuqda waxa alshabaab u muuqda oo ah, inay ka nadiifsanyihiin, kana ahdaaf qurxoonyihiin dadka ay maanta isku hayyaan dalka. Hadalkaaga miisaaman wuxuu isoo xasuusiyey arrin ama faham culumada tarbiyaddu ay ka sheekeeyaan. Nabi Muuse (cs) wuxuu ahaa nin aan cidna u xoogsheegan, oo ilaahay baxaal awoodi ku dheehantahay u dhaliyey, wuxuu ahaa nin guri hodanimmo ku barbaaray oo aan adduun dhaldhalaalki lagu sabankarin, geesi aan baqinna waa ahaa. Maraaxishii uu soo maray waxaa ka mid ahaa, maruu aad iskugu kalsoonnaa oo uu dooranjirey inuu dulmiga gacantiisa ku zuuliyo. Hadde quraanku waa kan ka sheekeeyey oo waa tii Muuse (cs) ninka feerka kaga soo qaaday oo meeshii ku dilay. Allaah waasagii Muuse fasallo tarbiyya looga gol leeyahay ku qoray, waa tii ariga la raacshay oo wiilkii guriga boqortooyada ku barbaaray baadiyaha loo diray. Waxaa la yiraahda Muuse (cs) asagoo diyaar ah buu soo noqda (ji'ta calaa qadarin yaa muusaa), laakiin miyirkiisa iyo xikmaddiisa kobocday waxay nabi Muuse (cs) u ogolaatay inuu taageerada rabbi ku darsado wixii kaalmo kale ah oo uu heli karo. Markii la yiri Fircoon wax u sheeg, loona dammaanad qaaday hiilka alle, Muuse, wanted the optimal result he could posibilly get, oo waa asagii Haaruun (cs) ha la igu daro yiri. waxaan uga gol leeyahay, farriinta allaah rususha usoo dhiibay iyo habkii loo tarbiyeeyey waa wax ku dayasho u taagan. Bal fiiri Shucayb iyo hanaanku u maray inoo qanciyyo tolki. Fiiri sida nabi Salax (cs) uu Allaah u makansiiyey inu hadafka guud ka raaco lug jiidkii ay qawmkiisu kula kaceen. Luud (cs) si uu martidiisa u xeeriyyo, wuxuu damcay inuu bixiyyo gabdhihiisii, inkastoon ba la ga yeelin. Wa akhiiran, Maxamed (scw) iyo taariikhdiisii waa wax noogu filan tusaalana u noqon kara marxalad kasta aan ku jirno. Nabigu arrin hanjab loo arkay by any standard known to the saxaabah then, ayyuu ku kacay markuu heshiiskii xudaybiyyah saxiixay. Laakiin mirihii ka dhashay waa tii u saamaxday dhowr sano ka dib inay saxaabadii gunuunacaysay iyagoo gob ah Makka ku gaardiyyaan. Haddii halku dhegyadii Cumar (rc) la raaci lahaa, maxsuulkaa lama heleen. alshabaab iyo inta taageerta waxay markii lawada hadloba lasoo boodaan xukunka shareecadda islamka halla qaatto. qofkasta intaasay ku tuuran. aan kaftamee waxaa la yiri magaalada Galkacyo waxaa joogi jirey nin markay dadka doodaan ba yiraahda war horta nabiga ha lagu salliyyo. Sida caadiga ah, dadka marka intaa loo sheego salligay boobaan. Markaasu ka gaarsiiyyaa. Maalintii danbe bay nin is qabteen, sidiisiibuu lasoo booday salli cala nabi . Ninkii baa inta fahmay yiri: aniga iyo nabigu ma dirirsanin, ee hanakala dilin . Dadku shareeco ma diidana ee dadka iyo shareecadda yaan laka dilin, baan oran lahaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted April 15, 2009 ^ very good points sxb. somehow arguments seem more logical marka af-soomliga lagu qoro. waxa aad soo qoortay adiga iyo Positive .. wax badan baa ka macquul ah oo laga qaadan karaa. shakhsiyan halka arin aan dowladan uga soo hor jeedo waa arinta ciidanka shiisheeya .. A/Y arintaas baan kaga hor imid .. sharifna sidoo kale. Sh. sharif iyo inta la feker ah dhowr arimood oo is burinayaa ayay hal-qabsi ka dhigteen: 1- Wada hadal iyo islaax baan u diyaar nahay 2- Al-shabaab culimada warkoodii bay ka soo hor jeesteen Hadaba arinta koowaad wada hadalka iyo heshiiskha waa mid uun afka baalkiisa ah oon wax ficil ah ka danbayn, sababtoo ah .. labo qolo siman wada hadal diyaar u ah uun baa darin iskugu imaan kara .. lakin qolo ka mid ah oo ciidan shiisheeyo hoosta ku wata .. isla markaas afka ka leh heshiis baan u diyaar nahay .. wax is qaadan kara mahan. tan labaad oo ah warka culima ayay diideen , sharif isaguba balanta culimada kama soo bixin .. oo hadalkooda waxaa ka mid ahaa CIIDAN SHIISHEYE dalka lama keeni karo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Positive Posted April 15, 2009 Walaal Xiin, Adigaa mudan. Runtii adiga iyo Nur waxaad uun soo bandhigteen fekerka ay kala qabaan labada garab ee Midowgii Maxkamadduhu u kala jabay. Sidaas waxaan u leeyahay saddexda gole ee dawladdu ka samaysan tahay hadda waxaa u badan yihiin xubno ka soo jeeda midowgii maxkamadaha iyo waxay cago ku jiitaan. Dadka Tfgdii ka tirsan ee golayaasha ku jiraa aqlabiyad ku filan oo ay go'aan meel ku marin karaan ma leh. Sidaas darteed sheegistoodu qiimo caynkaas ah ma leh. Markay Ethiopian-ku dalka ka baxeen waxaa la sugi karay in aynu dabaaldeg weyn qabano oo Rabbi bari ku xejino oo guusha inoo soo hoyatay sidii aynu u xafidan lahayn hawsheeda ku dhaqaaqno inaga oo mid ah. Waxaa kale oo la dhowrayey in aynaan Ilaahay ka abaal ka darin ee salaatul shukri tukano. Iska daa salaatul shukri aynu tukano ee taladeennii waxay noqotay, ayaan darro, sidan iska soo horjeeda ee aad cabirteen . Arrinta meesha taal waa siyaasad ee ma aha diin. Sababtaas weeyaan sababta aad isku faham u noqon weydeen adiga iyo Nur. Si kastoo laysugu dayo in diin lagu sifeeyo ama shuruudo diini ah loo soo bandhigo runtu waxaa weeye khilaafka u dhexeeya dawladda iyo Al-shabaab weji diimeed ma leh. waan khaldanaan karaa laakiin taasi waa aragtidayda. Waxaase ina shaki saari doonta Insha-Allaah, marka sida aan sugayno ku dhaqanka shareecada Islaamka waddanka laga hirgeliyo ee isla markaas iska soo horjeedkani dhammaan waayo. Al-shabaab dagaal dambe ayaannu ridaynaa hadday yiraahdaan way ku khaldan yihiin. Laakiin markay guusha soo hooyeen in la baal maro iyaduna waa khalad. Marka xal san waa in la keenaa- labada dhinacba! Geel_jire, Marka la kala shakisan yahay waxkastaa waa dhib. Ciidamada dalka joogaa khilaafka soomaalida dhexdeeda ka jira ayey markii horena ku yimaadeen haddana ku joogaan. Waxaa loo baahan yahay in soomaalidu heshiiso oo markaas iska saaraan ciidamadan ajnebiga. Su'aashu waxaa weeye: maxay soomaalidu u heshiin la'dahay? Ilaahay waxa inoo danta ah ha ina garan siiyo. Toosiye2 Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted April 15, 2009 Originally posted by Positive: Marka dhinac kale laga eegose, ina adeer aan kula kaftamee, nimanka Al-shabaab kursigii ay kaadidooda u soo cabbeen baad uga dheerayseen oo taas bay ka xanaaqeen baa la oran karaa. Si wanaagsan u qaabila oo af wanaagsan uun ha ku baaqina ee gogosha uga kaca. Eedayna ma istaahilaan ee af macaan ku hadla! Al-shabaab dagaal dambe ayaannu ridaynaa hadday yiraahdaan way ku khaldan yihiin. Laakiin markay guusha soo hooyeen in la baal maro iyaduna waa khalad. Marka xal san waa in la keenaa- labada dhinacba! Toosiye2 Saaxiib taadu waa culumadda kala ceshadii caamaddu tiri, iyadoon culumaba is hayn. Sharifka iyo dawladiisu maxaakimtii islaamka ee 2006 ma matelaan. Waxaa maanta ku jira cid walba, waxayna ku timid baahi ka xeel dheer waxa dadku wax ku cabirayyaan. Kaadidaydaan usoo cabbay waa wixii meeshan na keenay. Markii dawladdaan loo fadhiyey Jabbuuti dadkii gogoshaas cilleeyey oo uu arkay waxaan u qalmin bay horta alshabaab ka mid ahaayyeen. Dawladu waxay jiraysaa waa labo sano. Dawlad tabar weyn oo hujuum ku ah iyaga iyo waxay aaminsanyihiin midna maaha. Waa dawlad ogol in culumada loo garnaqsado oo arrinta maslax iyo wado hadal lagu dayyo. Cillooyin bay leedahay,waana la ogyahay. Laakiin waxa la yiri tan day, oo tan kasokoysa day. Arrimuhu waa kala horreeyaan awoowe. Marka haka dhigin in libin alshabaab lahaa la dafiray, ama khatar lagu yahay jiritaankooda. Nur waa oday xakkiim ah si kastuu alshabaab u xeeriyyo oo u tixgeliyyo wanaagooda badan, waxaysan ka fursan doonin inuu ku dhiirado waxyaalaha ay ku khaldanyihiin. Aniga qudhaydu cidna jeeb uguma jiro, ee danta guud baan ku dheggennahay. Geeljire, Awoowe, ciidamadda shisheeyye in loo daliishadda mucaaradnimadda dawladda waa dood quus ah oo aad u jilicsan runtii. Waa mide ciidankani maaha Ethiopaian, niman colaad soomaliyeed qabana maaha; waa rag go'doon ku jira oo siyaad goboleed ku yimid. Maaha rag nagu dhexjira oo raad ku leh siyaasadeheenna daakhiliga ah, sidii Ethiopia ahayd. Siyaasadihii ciidamaddan keenay intaan daaweyn lahayn haddaan ku mashquulno ha baxeen runtii waa nasiib darro. Caqliga oronayya maalin walba madfac baan villa somalia iyo airport ku tuurayya, xagna oranayya shareecaan rabaa ee taladayda halla maqlo waa caqli aan taam ahayn. Qofka muslimka ahi haddu xal doon yahay sideedu u dhaqmaa ee dhexda uma fariisto siyaasaddo iyo oraahyo isburinayya oo aan meel loo raaco lahayn. Arrinta runtii ayyaamahan igu soo badanaysaa waxa weeyye inay jiraan dad soomaaliyeed oo aan doonayn inay dawlad noqdaan, oo iska raba in dalku firaaqa amniga iyo siyaasiga ah ee uu hadda ku jiro isaga jiro. Waxaa muuqanaysa inaan bisayl iyo wacyi sare jirin. Nin wax bartay baa tahay walaal waanad ogtahay inaan adduunku xammaasad raqiis ah ku dhisnayn. Marka laga xoog weyn waa lagaa xoogweyn yahay weeyye micnaheedu. Dhibkaaga waa loo adkaysan karaa, kan laguu geysto se waa mid cawaaqib fog leh oo aad waayyo kasoo kaban weydo. Muhiimaddu waa in la taageera wixii loo dulqaadan karo si looga baxo waayyadan foosha xun ee na hareeyey. Su'aasha muhiimka ah waxa weeyye, Geeljirow, dawladdan ku meel gaarka ah maloo dulqaadan karaa labo sano? Mise waa dawlad xummaanteeda iyo sharkeedu waajibinayyaan in lala diriro oo layska dhacsho? Waxaa kasoo haraa waa arrimo farsamo walaal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Positive Posted April 15, 2009 Xiin, Walaal qaybta aad soo qaadatay waan ka saaray qoraalkayga. Intii aadan soo jawaabin ka hor. Farta ayaa iga boobtay markaan qorayey ee hore. Sida caamada haddaan wax u dhigay caamo ayaan u badan nahay haddaan soomaali nahay. Marka inta san had iyo goor in la dhaho lana falo ayaa wanaagsan. Waxaa loo bahan yahay waa nabad in dalka lagu soo dabaalo kadibna loo tashado sidii aynu isu xukumi lahayn. Caamadu siday doonaysaa waa sidaas. Toosiye2 Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted April 16, 2009 ^^Awoowe, adoon caamada sidaaba ugu nuux-nuuxsan, labadeennu aad baan isugu dhownahay mar haddaad nabad iyo in dadka loo turo ka hadlaysid. Allaah sida san hana waafajiyyo, soomalidana xal ha furo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Positive Posted April 16, 2009 Aamiin, Ilaahay soomaalida xal ha furo kuwii dantooda gartana ha ka yeelo. Fekerkeennu xagga nabad doonka waa ka mid. Nabadda cid diidani way yar tahay. Waxaa laysku hayaa sidan ayey nabadi ku imaanaysaa iyo MAYA ee sidaas ha la yeelo sidaas bay nabadi ku imaanaysaa. Erayga maya weeyaan kan wel-welka abuuraya. Waxa loo baahan yahay in aynu la nimaadno wada-tashi iyo isu-tanaasul. Waa in lays dhegaystaa oo laysu turaa. Dadka wada dhashay sidaas ayey u dhaqmaan. Waxaa jira dad maxas ah oo aan sugi karin nabad cago jiid ah; amaba aan u adkaysan karin in mar dambe laysla jiiro. Labo sano ma sugi karaan dadkaasi. Karaamo ayeyna leeyihiin Ilaahayna isagoo inagu eegaya haddana isagaa ilaashanaya. Dhibaato aan laga soo waaqsan karin ayeynu ku mutaysan karnaa arxan la'aan joogto ah oo aynu kula kacno "looma oyaankaas". Caqliga sami wuxuu markaas ku oranayaa nabadda waa in la soo dedejiyaa! Ilaahay qalbigeenna ha isu soo jeediyo. Toosiye2 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted April 17, 2009 MaashaaAllah, TabaarkaAllah! Toosiye, Xiin iyo Geeljire brothers This is the kind of Discussion that was missing at SOL for a long time, ( since 2004), runtii, aad baan ula dhacay habka talooyinka aad u soo jeediseen, sidaa aad taariikhda uga soo qaadateen duruus, ha noqoto taariikhdii Somalia, ama tii islaamka ( Nabi Muse), iyo falanqeeyo ( Analyses) aad ku shaandheyseen ( integrated) si xikmad badan iyo caqli uu ka muuqdo. Waxaa la hubaa, mar walboo wadahadal ( discussion) la falanqeeyo, in runta ay soo shaac baxdo, sidaa darteed, haduu Eebbe idmo, anigana waxaan ku soo darsan doonaa labadeyda dhururuq ( 2 cents)! Baarkallahu Feekum Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted April 17, 2009 Waa wax lagu farxo in Soomaali sidan oo kale ay meel ugu wada doodi karto, ayna is dhaafsan karto arregti kala duwan. Intaan meeshan lagu soo bandhigay oo kale ayaan u baahan nahay in meel aan joognaba aan isku weydaarsano. Qori,anaa kaa xoog weyn, iyo taano kuuma ogali, waa waxa meesha aan naalno na dhigay. Waad ku mahadsan tihiin dooddiina civilized ah, waxaa rajaynayaa in dad badani ku soo biiri doonaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted July 24, 2009 Akhi Geelle T. wuxuu qoray : "Waa wax lagu farxo in Soomaali sidan oo kale ay meel ugu wada doodi karto, ayna is dhaafsan karto arregti kala duwan. Intaan meeshan lagu soo bandhigay oo kale ayaan u baahan nahay in meel aan joognaba aan isku weydaarsano. Qori,anaa kaa xoog weyn, iyo taano kuuma ogali, waa waxa meesha aan naalno na dhigay." Runtii waa wax lagu farxo, in la wada doodi karo ayadoon gacmo iyo ilko la isula tagin. taasina wexey ka mid tahay ilbaxnimada, iyo biseylka marka la xaajoonayo( civilized behavior and maturity). Waxaan si gaar ah geel jireyaasha baraaktan ka dhaansada ka dalmanayaa iney i cafiyaan haddey iga cadhoodeen markaan ku khilaafay taladooda. Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites