Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland police commander General Maxamed saqadhi dubad visits sool region.

Recommended Posts

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Socdaalkii u horreeyay ku Tagay magaalada Laascaanood

July 21st, 2011

 

“Waxaan u socdaa sidii aan u baadhi lahaa dilalka soo Batay ee Laascaanood”

 

Laas-caanood (Somaliland.Org)- Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubad ayaa maanta markii u horaysay socdaal shaqo ku tagay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool tan iyo markii dhawaan dib loo soo magacaabay.

 

“Waxaan soo kormeeray saldhigyada Booliska iyo rugaha magaalada Laascaanood, waxaanan shirar la yeeshay masuuliyiinta ciidanka Booliska ee qeybta iyo Saldhigyadaba,”ayuu yidhi Taliyaha oo maanta magaalada Laas-caanood kula hadlayay warbaahintu.

 

“Iima cusba Laascaanood waxaan joogay oo aan ka soo shaqaynayay oo aan taliye ka ahaa wakhtiyo kala duwan waxase iigu horaysay sanadkii 1958-kii,”ayuu tilmaamay.

 

Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu sheegay in ujeedada socdaalkiisu uu salka ku hayo sidii uu u baadhi lahaa sababaha dilalka beryahan dambe ku soo batay magaalada laasaanood.

 

“Waxaan u socday sidaas ogtihiin waxa magaalada Laascaanood ku soo kordhay oo batay dilalka, waxaan u imid inaan arrintaasi baadho oo xog ogaal u noqdo si wax looga qabto,”ayuu yidhi Gen. Maxamed Saqadhi.

 

Waxaanu intaasi raaciyay “Waan ogahay oo dadweynaha reer Laascaanood ma ogola dilalka iyo nabadgelyo darro inay ka dhacdo magaaladooda, waxaan dadweynaha magaalada Laascaanood u soo jeedinayaa inay dhinac uga soo wada jeestaan cidii nabadgelyada wax u dhimaysa oo ay ciidamadda ammaanka kala shaqeeyaan.”

 

Taliyaha Boolisku waxa uu intaasi ku daray inuu Guddi baadha u diray dilalkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Laascaanood.

 

Dhinaca kale, waxa Taliyuhu kulamo albaabadu u xidhnaayeen kula yeeshay magaalada Laascaanood Taliyeyaasha Saldhigyada, dambi baadheyaasha iyo saraakiisha Booliska Sool, waxaana kulankaasi oo albaabadu u xidhnaayeen la iskaga xog waraystay dilalkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this