Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland opens new secondary school+PICS

Recommended Posts

Dugsiga Sare ee Salaama Secondary oo Xadhiga laga jaray iyo Nuxurka Khubadihii laga jeediyay Xaflada Furitaanka.

 

?Hargeysa(Waaheen)-Dugsiga Sare ee Salaama oo ka mid ah Dugsiyada gaar loo leeyahay ee Caasimada Hargeysa ayaa Maanta Xadhiga laga jaray.

 

Munaasibada Xadhiga laga jaray Dugsigan Salaama Secondary school **oo lagu qabtay Hoteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ee Waxbarashada, Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Cali Maxamed Waran-cadde, Sheikh Aadan Maxamuud Xirsi {Aadan siiro}, Xildhibaano ka tirsan Golayaashash Baarlamanka iyo Maamulka, Macalimiinta iyo boqolaal Arday oo ka mid ah Ardayda Dugsigaasi wax ka barata.

 

Maamulaha Dugsiyada Salaama Secondary iyo Machadka Luuqadaha ee? Magalada Hargeysa C/fataax Sh. C/lahi oo munaasibadaasi ka hadlay *ayaa ka waramay Ujeedada Dugsiga loo Aasaasay iyo qaybaha kala duwan ee *Tacliinta lagu Baranayo, waxaanu sheegay in ujeedada Dugsigan loo sameeyay ay tahay si uu u buuxiyo Baahiyaha Waxbarsho ee Dalka ka jira, gaar ahaana Xaafadan uu ku yaalo uu si loogaga baahnaa goob Waxbarsho oo noocan oo kale ah.

 

Mr: C/fataax Sh. C/lahi waxa kale oo uu sheegay inay Dugsigan mudo dheer ka shaqaynayeen hir-gelintiisa, isla markaana meelo kala duwan ay *ka heleen gacan qabasho iyo Taageero dhinaca Dhismaha *dugsigu ku yaala la xidhiidha, isagoo intaasi raaciyay in Dugsigan Salaama uu ka diwaan-?gashanyahay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dalka, taasoo sida uu Tilmaamay qiimayn ku samaysay tayada Manhajka Waxbarasho iyo Macalimiinta Dugsigaasi wax ka dhiga.

 

Maamulka Dugsiga Salaama isagoo arimahaasi ka hadlaya Waxa uu Yidhi “Salaama waxaanu ugu talo galnay inay noqoto Hoy waxbarasho oo ay ka faa’iidaystaan Da’yarta Somaliland , waxaanan Samaynay markii aanu Ogaanay Baahiyaha Waxbarasho ee dalka ka jira *inay muhiim tahay inaanu Buuxino kaalinta nagaga aadan, markii aanu Ogaanay* Xaafadan Iskuulku ku yaalo oo si weyn loogaga baahaa inay helaan Dugsi Noocan oo kale, markii aanu ogaanay in da’yarta soo kacaysaa ay u baahin* yihiin aqoon dhamaystiran oo tayo leh, sidaasi darteen aynu maanta martida u nahay ee Salaama waxa uu ku yaalaa goob ku haboon, guri ku haboon iyo Xaafad ku haboon oo baahi looga qabay, Dugsigu waxa uu ka koobanyahay 35 Fasal oo isugu jira Fasalka koowaad ilaa Fasalka afaraad, waxaanan ku bilaabi doonaa hadii alle ka dhigo, Fasalka koowaad iyo Fasalka labaad maadaama oo ay ardaydu baahantahay in aqoon tayo leh a baro”.?

 

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay “waxaan u mahad naqayaa Ganacsadaha Reer Somaliland ee Baxsane oo isagu dhismaha Dugsigan qayb ka qaatay, waxa kale oo aan u mahad-naqayaa Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo cid kasta oo hirgelinta iyo dhiiri gelinta Dugsigan gacan naga siisay”.

 

Sh. Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) ayaa isaguna Munaasibadaasi kaga dhawaaqay inuu soo dhawaynayo Dugsigan cusub ee Salaama, kaasoo Maamulkiisa iyo Macalimiintiisaba kula dardaarmay inay Dugsiga u sameeyaan Manhaj Tayo leh oo ardaydu ka faa’do aqoon iyo Cilmi taabo gal ah si marka ay dhamaystaan Dugsiga Sare ugu shaqo taqaan aqoonta la baray.

 

Sidoo sheikh Aadan waxa uu halkaasi sheegay inuu Isagu Fiiga Iskuulka ka bixin doona labada Ardayda ee ugu sareeya mudo sanad ah, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan idinku dhiiri gelinayaa inaad aqoonta barataan, waxaan doonayaa inaad dalka aqoontiina *ku dhistaan, waayo Cilmigu waa hantida iyo awooda aduunku isku dhaafay,Macalinkasta oo Dugsi wax ka dhigana waxaan ka codsanayaa inuu laba daqiiqo ku kordhiyo sacaadaha Xiisadaha lagu jiro oo uu ubadka uga faa’ideeyo toosintooda”.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Sheikhu “ anigu waxaan balanqaadayaa labada arday ee ugu sameeya ayaan muddo sanad ah Fiiga ka bixinayaa Iskuulkan, qoladana Maamulka Salaamana waxaa kula talinayaa waar Ardayda Manhaj Tayo leh wax uga dhiga si ay ugu shaqo tagaan Marka ay dhamaystaan Dugsiga Sare, oo aanu Iskuul kale ugu baahan”.

 

Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Cali Maxamed Waran-cadde oo isaguna Munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo Dugsigan cusub, isagoo kula dardaarmay Maamulka iyo Macalimiinta Dugsigaasi inay dedaal dheer u galaan sidii ay u soo saari lahaayeen arday aqoon iyo Edaab badan oo dalka anfacda.

 

Xildhibaan Dheeg oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa isaguna munaasibadaasi ka soo jeediyay kelmo dar daaran iyo dheeri gelin isugu jira, waxaanu ardayda Dugsigaasi kula taliyay inay wakhtiga ka faa’idaystaan.

 

Gaba-gabadii Munaasibadaasi waxa hadalo koobkooban ka soo jeediyay *Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaarada waxbarashada Somaliland *Khadar Maxamed Diiriye iyo Agaasimaha waaxda waxbarashada gaarka ah ee Wasaaradaasi, kuwaasoo si isku mid ah u sheegay inay soo dhawaynayaan ka wasaarad ahaan Dugsigan cusub ee ka biiray Iskuulada dalka jira, waxaanay intaasi ku dareen inay si fiican ula shaqayn doonaan Maamulka Dugsigan, kuna qiimayn doonaan ardayda Dugsigaasi waxa ay barteen iyo waxa loo dhigo.

 

Iyadoo ugu damayntiina* xadhiga laga *jaray dhismaha Dugsigan *oo ku yaala Xaafada Daruuraha ee Degmada 26 june ee Magaalada Hargeysa, kaasoo ka kooban ilaa 35 Fasal iyo qaybihii kale ee Waxbarashada.

 

*

 

Short URL: http://waaheen.com/?p=18395

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this