General Duke Posted July 21, 2011 Baabuur dhaqis loogu gargaarayo dadka gaajada Soomaaliya ugu dhimanaya, sawiro, July 17 Mogadishu Times, July 17, 2011 -------------------------------------------------------------------------------- Waxaa gobolka Minnesota ka socda dadaalo iyo abaabulo aanan weli hore loo arag oo la rabo in lagu badbaadiyo Soomaalida gaajada u dhimanaysa maalin walba. Waxaa hadda la sheegay in ay dhintaan ugu yaraan 60 qofood maalin walba. Intooda badan waa caruur. Waxaa la tilmaamay haddii aanan loo soo gurman oo aanan weli si dag dag ah loogu soo gurman waxaa laga baqayaa in ay dhintaan ku dhawaad hal milyan oo qof. Soomaalida Minnesota waxay dhexda u xirteen in aysan cid kale sugin oo ay badbaadiyaan dadkooda qatarta ku jira. Koox dhalinyaro ah oo is abaabushay ayaa maanta baabuurta ku dhaqayay suuqa weyn ee Karmel Mall. Baabuurkii ay dhaqaan waxay ka qaadayeen $5. Nimco Ahmed oo ka mid ahayd gabdhahii baabuurta dhaqeysay ayaa ii sheegtay in dadka ay baabuurta u dhaqeen ay ku faraxsanaayeen in lacagta ay bixinayaan lagu badbaadinayo dadka walaalahood ah ee gaajeysan. Waxay Nimco tilmaantay in dadka badankood ay bixiyeen $10, $20, $40, ilaa $50 inkastoo lacagta la weydiisanayay ay ahayd $5 oo kaliya. Waxaa la dhaqay ku dhawaad 100 baabuur. Waxay maalinta berito ah July 17, ay markale baabuurta ku dhaqi doonaan Brian Coyle Center-ka ku yaala xaafada ay Soomaalida ku badantahay ee Cedar. Fadlan ka qeyb-qaado oo gargaar dadka dhibaateysan. Waxay wadaada sheegeen in ay sadaqada cimriga dheereyso daawana tahay. Ha ka qadin ajarka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 21, 2011 pictures link Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted July 21, 2011 Excellent.. I hope we all participated one way or another.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted July 21, 2011 Nothing more than a photo opp. Quote Share this post Link to post Share on other sites
GoldCoast Posted July 21, 2011 Jacpher;735525 wrote: Nothing more than a photo opp. For whom? Quote Share this post Link to post Share on other sites