Sign in to follow this  
General Duke

MN youth lead support to famine victims.

Recommended Posts

Baabuur dhaqis loogu gargaarayo dadka gaajada Soomaaliya ugu dhimanaya, sawiro, July 17

Mogadishu Times, July 17, 2011

 

--------------------------------------------------------------------------------

Waxaa gobolka Minnesota ka socda dadaalo iyo abaabulo aanan weli hore loo arag oo la rabo in lagu badbaadiyo Soomaalida gaajada u dhimanaysa maalin walba. Waxaa hadda la sheegay in ay dhintaan ugu yaraan 60 qofood maalin walba. Intooda badan waa caruur.

 

Waxaa la tilmaamay haddii aanan loo soo gurman oo aanan weli si dag dag ah loogu soo gurman waxaa laga baqayaa in ay dhintaan ku dhawaad hal milyan oo qof. Soomaalida Minnesota waxay dhexda u xirteen in aysan cid kale sugin oo ay badbaadiyaan dadkooda qatarta ku jira.

 

Koox dhalinyaro ah oo is abaabushay ayaa maanta baabuurta ku dhaqayay suuqa weyn ee Karmel Mall. Baabuurkii ay dhaqaan waxay ka qaadayeen $5. Nimco Ahmed oo ka mid ahayd gabdhahii baabuurta dhaqeysay ayaa ii sheegtay in dadka ay baabuurta u dhaqeen ay ku faraxsanaayeen in lacagta ay bixinayaan lagu badbaadinayo dadka walaalahood ah ee gaajeysan. Waxay Nimco tilmaantay in dadka badankood ay bixiyeen $10, $20, $40, ilaa $50 inkastoo lacagta la weydiisanayay ay ahayd $5 oo kaliya. Waxaa la dhaqay ku dhawaad 100 baabuur.

 

Waxay maalinta berito ah July 17, ay markale baabuurta ku dhaqi doonaan Brian Coyle Center-ka ku yaala xaafada ay Soomaalida ku badantahay ee Cedar.

 

Fadlan ka qeyb-qaado oo gargaar dadka dhibaateysan. Waxay wadaada sheegeen in ay sadaqada cimriga dheereyso daawana tahay. Ha ka qadin ajarka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this