Jacaylbaro Posted July 20, 2011 Somaliland Iyo Jabuuti Oo Ka Wada Hadlay dhismaha Wadada isku xidha Hargeysa iyo Jabuuti Jabuuti (Somaliland.Org) Xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti ayaa ka wada hadlay sidii maalgelin wada jir ah loogu raadin lahaa dhismaha jidka isku xidha Hargeysa iyo Jabuuti. Arrintan waxa labada dal ku faaqideen Kulan ay maanta ku yeesheen Jabuuti waxaana dawladaasi matelayay Wasiirka Maaliyada ee Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaalle iyo masuuliyiinta Rugta Ganacsiga ee Jabuuti, halka Somaliland-na ay shirkaasi ay uga qeyb galeen Wasiirrada Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Ganacsiga Md. C/Risaaq Khaliif Axmed iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Xasan Cabdi Cawad. Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in shirkan ay la yeesheen masuuliyiinta Somaliland uu la xidhiidho sidii bog cusub loogu furi lahaa iskaashiga labada dal ee dhinaca Ganacsiga. “Fadhigan oo ah kii ugu horeeyay ee aanu la yeelanay walaalahayaga Somaliland waxaanu is leenahay waxyaabo badan oo aad wada qabsan kartaan ayaa jira, waxa jira dhaqan ah in Ganacsatada Jabuuti ay jecel yihiin inay wax la qabsadaan walaalahayaga Somaliland halka Ganacsatada Somaliland-na ay Jabuuti wixii allaalle iyo wixii ay jecel yihiin ka qabsan karaan,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Ilyaas Muuse Dawaalle, waxaanu intaasi raaciyay “Anaga iyo walaalahayaga Wasiirrada ah hawlo badan ayaa na horyaala waxa ka mid ah sidii aanu wada jir maalgelin ugu heli lahayn Jidka isku xidha Jabuuti iyo Hargeysa.” Wasiirka Maaliyada Md. Maxamed Xaashi Cilmi oo hoggaaminayay weftiga Somaliland ayaa dawlada Jabuuti uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhawaysay dalkeeda waxaanu sheegay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo isku gudubka ganacsiga ee labada dal. “Waxaan aad u rajaynayaa fadhigeenani kii ugu dambeeyay ee aynu yeelano shirar joogto ah oo la mudeeyo oo aynu kala faa’iidaysano oo la isweydiiyo maxaynu ka kordhisanay halkii aynu taagnayn waxaanan qabaa in waxyaabo badan la is weydaarsan karo,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada ee Somaliland. Shirkan waxa kale oo laga wada hadlay in la dhiiri geliyo Ganacsatada labada dal si ay u fududaato iskaashiga Ganacsiga labada dal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 20, 2011 Well done a road from djibouti all the way to hargeysa walo bahna Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 20, 2011 It takes 12 hours now but if that road is constructed, it will be only 3 to 4 hours drive. Quote Share this post Link to post Share on other sites