Somalina Posted July 19, 2011 Madaxweynihii hore Ghana ahna Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Jerry Rowlings ayaa maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay Madaxda ugu sareysa Dowladda. Kulanka dhex maray Madaxda Dowladda, sida Madaxweyne Shariif, Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa ahaa mid albaabada u xirnaa, hase ahaatee kulamada kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay Madaxweyne Shariif iyo Jerry Rowlings. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha abaareed ee dalka, ammaanka iyo siyaasada, waxaana lagu soo qaaday Xukuumada cusub ee la soo dhisayo, taasoo beryihii la soo dhaafay uu ka taagnaa is qab qabsi xoogan oo Madaxda u dhaxeeyay. Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Jerry Rowlings oo saxaafada la hadlay ayaa uga mahadceliyay dalalka Carabta gar gaarka sama falka ee ay gaarsiinayaan dadka abaaraha ay ceeyrteeyeen, isagoo Beesha Caalamka ugu baaqay inay gar gaar la soo gaaraan. Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen Jerry Rowlings diirada lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay horumarka laga gaaray Heshiiska Kampala, ammaanka iyo xaalada abaareed ee dalka ka taagan, isagoo intaa ku daray inay ku faraxsan yihiin inay soo booqdaan, waxaana uu tilmaamay in booqashadiisa ay tahay mid taariikhi ah oo Madaxweyne Afrikaan ah booqasho ku yimaadaan Soomaaliya. Sidoo kale waxaa uu sheegay in lagala wada hadlay xukuumada cusub ee la soo dhisayo, isla markaana si wanaagsan loogala hadlay, waxaana uu xusay in booqashadan ay caalamka tuseyso sida horumar looga gaaray xaalada dalka, isla markaana ay leedahay manco badan. Jerry Rowlings ayaa sheegay in abaaraha dalka ka jira ay saameyn weyn ku yeelatay caruur iyo haween, isagoo cadeeyay in lagama maarmaan tahay sidii wax loogu qaban lahaa, waxaana uu cadeeyay inay isla soo qaadeen Madaxda Dowladda sida loo dhameystiri lahaa Heshiiskii Kampala. Mr Rowlings ayaa cadeeyay inay rajeynayaan in Madaxda Dowladda iyagoo isku waafaqsan ay isku raaci doonaan Golaha wasiirada cusub ee dhowaan la shaacin doono sida uu yiri. Dhinaca kale Jerry Rowlings ayaa kulamo kula qaatay Xarunta Xalane ee saldhiga u ah Ciidamada AMISOM Saraakiisha ugu sareysa oo ay iskula soo qaadeen arrimaha ammaanka iyo dadaalka ay ugu jiraan inay kula wareegaan Caasimada Muqdisho. Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa ka taagnaa Madaxda Dowladda is qab qabsi ku aadan xubnaha Golaha Wasiirada oo ay aad isugu hayeen madaxda qaabka loo kala qaadanayo, taasoo hakad badan gelisay waqtigii la filayay in lagu dhawaaqo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted July 19, 2011 Welcome to Somalia, welcome to Mogadisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 19, 2011 The former president of ghana shaqo la aan ba haysa Quote Share this post Link to post Share on other sites