A_Khadar Posted July 19, 2011 Hargeysa,(lasanod Online)- Mukhaadaraadka iyo maandooriyaasha mamnuuca ah ayaa si dhuumasho ah ku soo gala gobollada waqooyi, sanadadii ugu dambeeyayna si wayn u soo siyaaday, kaasoo intiisa badan laga soo geliyo dalka Ethiopia. Khamriga oo ah Maandooriyaha ugu badan ee Hargeysa kasoo gala dalka Ethiopia ayaa la rumaysan yahay inay dadka ka ganacsadaa si dhuumasho ah ku soo geliyaan Magaalooyinka waqooyiga, isla markaana lagu iibiyaa Meelo u qorshaysan oo ay si tuugo ah uga soo iibsadaan dadka Isticmaalaa Khamrigaasi, kuwaasoo marka ay cabaan dhibaatooyin u geysta Naftooda iyo Bulshadaba. Wararku waxay sheegayaans in keenista Kamriga iyo Isticmaalkiisuba bateen Sanadkan ugu dambeeyey, taasoo keentay in dad badan oo aan daroogadan isticmaali jirin ay si fudud ku bartaan, kuwaasoo kordhiyay tirada dadkii hore u cabi jiray Khamriga. Waxaa dadka intiisa badani ay aaminsanyihiin in korodhka soo tahriibinta Khamrigu ay sabab u tahay Hay’adaha Nabad-gelyada oo iyagu wakhtiyadii hore si joogto ah ula dagaalami jiray khamriga iyo dadka ka ganacsada oo kaga Mashquulay hawlo kale oo nabad-gelyo daro, kuwaasoo aan hada sidii hore u qaadin hawl geladii ay ku ugaadhsan jireen Mukhaadaraadka iyo waxyaabaha kale, sida iibinta Khamriga, Cabistiisa. Taasoo keentay inay dadka Sakhraasan iyo kuwa iibiya Khamriguba si xor ah iyagoo sakhraasan Wadooyinka u Maraan xiliyada caadiga ah , iyadoo ay sidoo kale kordheen waxyaabaha dhaqan xumadda ah ee uu Maandooriyahani keenaan. Magaalooyinka qaarkood waxaa la sheegay in Ardaydii Jaamacadaha iyo Iskuulada qaarkood kaga mashquuleen Daroogadaasi waxbarashadoodii, waxa sidoo kale la sheegay in qoysas badan uu khamrigu saamayn ku yeeshay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 20, 2011 Caasimad inay tahay maxaad ku garan dee ................. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted July 20, 2011 Qiimaha harag kaneeco oo kor isku shareera,... Quote Share this post Link to post Share on other sites