A_Khadar Posted July 19, 2011 Buuhoodle,(Lasanod Online)-Shir maanta ay ka soo qeyb galeen cuqaasha odayaasha dhalinyarada iyo waxgarad kale oo lagu qabtay guriga odayaasha magaalada buuhoodle ayaa lagu taageeray Wasiirka Warfaafinta boosaha iyo Isgaadhsiinta soomaaliya mudane Cabdikarin Xasan Jaamac Shirkan lagu taageerayo Wasiirka Warfaafinta boosaha iyo Isgaadhsiinta soomaaliya mudane Cabdikarin Xasan Jaamac ayaa shirkan ayaa fariin adag loogu diray dawladda soomaaliya iyadoo dhambaal loo diray loogu sheegay in degaanadda SSC siweyn loogu taageersanyahay mudane Cabdikariin Xassan Jaamac islamarkaana aysan aqbali doonin hadii uu soo baxo wasiir kale oo aan ahayn mudane Cabdikariin Xassan Jaamac Cuqaasha gobolka cayn ayaa waxay ugu baaqeen madaxweynaha maamulka puntland inuu joojiyo faragalin uu ku hayo magacaabista qaar kamid ah wasiiradda Dawladda Soomaaliya waxaa ka hadlay qaar kamid ah cuqaasha gobolka cayn waxayna kala ahaayeen 1,Gudoomiyaha G/cayn Mudane saleebaan barkhadle Afrax 2,Taliyaha ciidanka Booliska , Mahad cali xaashi 3, Taliyaha ciidanka DARAAWIISHTA Cabdale Maxamuud xoosh 4,cheif local authority Cabdilaahi yuusuf Kooreeye 5, Garaad ibraahim Baaruud Guutaale Xafiiska Wararka Laascaanood Quote Share this post Link to post Share on other sites