Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland finance minister with delegation visits Djibouti.

Recommended Posts

wasiirkamaaliyaddaMaxamed-Xaashi-300x225

 

Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Maaliyada oo Socdaal Shaqo ku tagay Jabuuti

July 18th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta socdaal shaqo oo ku tagay wadanka Jabuuti ka dib markii ay marti qaad ka heleen wasaarada maaliyada ee dalka Jabuuti.

 

Weftigan Wasiirka Maaliyada waxa xubno ka ah Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo dalxiiska Md. C/Risaaq Khaliif Axmed iyo sarkaal ka socday Rugta Ganacsiga Somaliland.

 

Weftigan waxa madaarka Jabuuti galabta ku qaabilay Wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Jabuuti u qaabilsan Miisaaniyadda Cali Siciid iyo Cabdi Ashkir oo ka mid ah saraakiisha wasaarada maaliyada.

 

Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi oo markii uu gaadhay Jabuuti madaarka ugu waramayay Saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkoodu qaadan doono muddo sadex maalmood ah isla markaana ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Wasaaradaha dalka Jabuuti.

 

Md. Maxamed Xaashi waxa uu tilmaamay in socdaalkoodani uu ka dhashay marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawlada Jabuuti.

 

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, ayaa isaguna uga mahad celiyay masuuliyiinta wasaarada maaliyada ee soo dhaweeyay waxaanu sheegay in socdaalkoodani uu qeyb ka yahay iskaashiga labada dal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland Iyo Jabuuti Oo Ka Wada Hadlay dhismaha Wadada isku xidha Hargeysa iyo Jabuuti

 

July 19th, 2011

 

Jabuuti (Somaliland.Org) Xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti ayaa ka wada hadlay sidii maalgelin wada jir ah loogu raadin lahaa dhismaha jidka isku xidha Hargeysa iyo Jabuuti.

 

Arrintan waxa labada dal ku faaqideen Kulan ay maanta ku yeesheen Jabuuti waxaana dawladaasi matelayay Wasiirka Maaliyada ee Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaalle iyo masuuliyiinta Rugta Ganacsiga ee Jabuuti, halka Somaliland-na ay shirkaasi ay uga qeyb galeen Wasiirrada Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Ganacsiga Md. C/Risaaq Khaliif Axmed iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Xasan Cabdi Cawad.

 

Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in shirkan ay la yeesheen masuuliyiinta Somaliland uu la xidhiidho sidii bog cusub loogu furi lahaa iskaashiga labada dal ee dhinaca Ganacsiga.

 

“Fadhigan oo ah kii ugu horeeyay ee aanu la yeelanay walaalahayaga Somaliland waxaanu is leenahay waxyaabo badan oo aad wada qabsan kartaan ayaa jira, waxa jira dhaqan ah in Ganacsatada Jabuuti ay jecel yihiin inay wax la qabsadaan walaalahayaga Somaliland halka Ganacsatada Somaliland-na ay Jabuuti wixii allaalle iyo wixii ay jecel yihiin ka qabsan karaan,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Ilyaas Muuse Dawaalle, waxaanu intaasi raaciyay “Anaga iyo walaalahayaga Wasiirrada ah hawlo badan ayaa na horyaala waxa ka mid ah sidii aanu wada jir maalgelin ugu heli lahayn Jidka isku xidha Jabuuti iyo Hargeysa.”

 

Wasiirka Maaliyada Md. Maxamed Xaashi Cilmi oo hoggaaminayay weftiga Somaliland ayaa dawlada Jabuuti uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhawaysay dalkeeda waxaanu sheegay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo isku gudubka ganacsiga ee labada dal.

 

“Waxaan aad u rajaynayaa fadhigeenani kii ugu dambeeyay ee aynu yeelano shirar joogto ah oo la mudeeyo oo aynu kala faa’iidaysano oo la isweydiiyo maxaynu ka kordhisanay halkii aynu taagnayn waxaanan qabaa in waxyaabo badan la is weydaarsan karo,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada ee Somaliland.

 

Shirkan waxa kale oo laga wada hadlay in la dhiiri geliyo Ganacsatada labada dal si ay u fududaato iskaashiga Ganacsiga labada dal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiiro Xukumadaha Djabuuti iyo Somaliland Ka Socda Oo Ku Kulmay Magaalada Lawyacaddo Maanta

 

in July 20th, 2011 by lug in News Boorama-(Lug)-Wasiiro ka socda Somaliland ayaa kulan kula yeeshay Wasiirka Maaliyada ee dawlada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale magaalada Lawyacaddo ee degmada Saylac, xubnaha wasiirada ee Somaliland oo kala ah Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi iyo Wasiirka Ganacsiga C/Risaaq Khaliif Axmed iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Xasan Cabdi Cawad.

 

Weftigan labada dhinac ka socda ayaa ka soo kicitimay dhanka Magaalada Jabuuti, taas Weftiga Wasiirada Somaliland socdaal ku joogeen maalmahan dalka Jabuuti , isla markaana wadahadalo kula soo qaatay Wasiirada xukuumada Jabuuti dhanka caasimada Jabuuti, ka dibna waxay isla qaateen in dhanka magaalada Lawyacaddo ee xuduuda Somalilandna ay ku kulmaan, taas oo ay maanta ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo dawlada Jabuuti, waxa kale oo ay isla soo qaadeen isku socodka labada dhinac iyo sidii Amaanka loo sii adkayn lahaa.

 

Sidoo kale sida ay shabakada Lughayanews u xaqiijiyay Gud/Ku/Xigeenka Deg. Saylac Cismaan Muumin Caare waxa ay waftigaasi soo gaadheen magaalada Saylac iyaga oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay waxana ay kulan la yeesheen maamulka heer gobol iyo heer dagmo iyaga oo kala hadlay dardar galinta hawlaha dhinaca mashaariicda ee gobolka iyo degmada ka socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this