Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Historic Day for Puntland

Recommended Posts

Guddiga Doorashada Puntland oo La Dhaariyey Doortayna Gudoomiye & Kuxigeen

 

ggggggggggggg.jpg

9 xubnood ee Gudiga Doorashada Puntland

 

Garowe ( RBC Garowe) :

 

Guddigii Doorashada Puntland ayaa maanta loo Dhaariyey Howlaha loo igmaday 9 xubnood ee guddiga waxaa ay dhaarn ka gadaal iska dhex doorteen Gudoomiye iyo kuxigeen, munaasabada ayaa ka dhacday jaamacada PSU Garowe.

 

Read more

http://www.raxanreeb.com/?p=103981

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga doorashada Puntland oo doortey Guddomiye

 

17 Jul 17, 2011 - 5:13:02 AM

 

guddiga2.jpg

 

Guddigii doorashada Puntland ayaa kulan maanta 17 July,2011 isugu yimid ku doortey Gudoomiye iyo kuxigeen halka xaflad lagu dhaarinayey 9 xubnood ee guddiga oo ka dhacdey xarunta Jaamacada PSU ee Garowe taasoo uu ka qayb galey Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole.

 

Guddigu waxay gudoomiye u doorteen Maxamed Xasan Barre halka kuxigeen ay u soo xusheen Maxamud Soofe.

 

Gudoomiyaha gudiga doorashada Puntland [PEC] Maxamad Xasan Barre oo ka hadley xaflada loo qabtey munaasabada dhaarta xubnahaan ayaa sheegey in waajibaadka saaran guddiga uu gudanayo hadii Alle raali ka noqdo isagoo tafaasiil ka baxshey talaabooyinka loo qaadi doono dhinaca dimoqaraadiyada/

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Farole oo xaflada hadal ka jeediyey ayaa waxaa uu khudbadiisa kaga hadley nidaamka dimoqaradiyada iyo sida xukumadiisa uga go'an tahay in shacabka ku doortaan qofka ay rabaan iyadoo laga gudbayo nidaamkii 13 sano ee la soo dhaafey ku soo xulan jireen dadka masiirkooda siyaasdeed qaban jirey.

 

Mudane Farole oo dib u raacey qaabkii siyaasdeed ee uu soo marey maamulka Puntland ayaa sheegey in dowlada waqtigaan jiraa ay badali doonto mid shacabka Puntland si toos ah u soo doortaan.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa u mahad celiyey guddiga doorashada ee cusub isagoo hoosta ka xariiqey in howl badan oo adag u taalo.

 

Gabagabadii hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku wajahnaa baaq uu u jeediyey ganacsatada iyo shacabka reer Puntland kaasoo ahaa in ay tageeraan dadka Somaliyed ee walaalahood ah kuwaasoo abaaro ba'an ku hayaan Koonfurta Somalia.

Dhowaan ayaan idiin soo gudbin doonaa khudbada Madaxweynaha Puntland iyo sawiro.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xafladdii Guddiga Doorashada Puntland oo maanta ka dhacday PSU.

 

News20227176113953706.JPG

 

Xaflad ballaaran oo si weyn loo soo agaasimay ayaa maanta waxa ay ka dhacday xarunta Jaamacadda PSU ee Magaalada Garowe.

Xafladan ayaa ujeedadeedu waxa ay ahayd in lagu dhaariyo guddiga doorashada ka dibna ay doortaan madaxdii hoggaamin lahayd.

 

Xafladan ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxda Dowladda Puntland oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr: Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud,Madaxweyne ku xigeenka Jen: CabdiSamed Cali Shire.Marwada Madaxweynaha Marwo Amina Abiib.Guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland Dr: Cabdirashiid Maxamed Xirsi,Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,golaha Wasiirada,golaha Baarlamaanka golaha garsoorka,Hay'adaha ay ka mid yihiin interpeace,PDRC.PUNSAA iyo UNPOS iyo dadweyne kale.

 

Dhaartii ka dib ayaa guddiga doorashadu waxa loo diyaariyey meel ay hawlahooda ku dhamaystaan si ay u doortaan Madaxda hoggaamin doonta,doorsho ka dibna waxa ay ku soo noqdeen hoolkii ay ku sugnaayeen Madaxda Dowladdu iyo qaybihii kale.

Intaasi ka dibna waxa loo galay qudbadii loogu talagalay xafladdaasi,waxaana soo jeediyey siday doorashadu u dhacday Barkhad Cali Saalax iyo cida ay doorteen,wuxuuna sheegay in ay u doorteen Guddoomiye Maxamed Xasan Bare,guddoomiye ku xigeenkana Maxamuud Soofe Xasan.guddigan ayaa waxa ay ka koobnaayeen sagaal xubnood oo kala ah:

 

1-Dr Maxamed Xasan Bare

2- Barkhad Cali Saalax

3- Cismaan Maxamed Xasan

4- Axmed Maxamed Axmed

5- Muxubo Muuse Ciise

6-Dr.Cali Cabdiraxmaan Xirsi

7-Yuusuf Xaaji Saciid

8-Maxamuud Soofe Xasan

9-Cabdirisaaq Axmed Shiikh Shoolaa.

 

Hadaba intaasi ka dib waxaa lagu soo dhoweeyey Gudoomiyaha guddiga doorashada Maxamed Xasan Barre oo halkaasi ka jeediyey qudbad kooban oo micno leh.isagoo u mahadceliyey asxaabtiisii soo doortay,wuxuuna sheegay in sida ay u dhaarteen u fulin doonaan hawshooda ilaahayna ka baryayaan in uu u fududeeyo.

 

Ugu dambayntii waxaa hadalkii lagu soo dhoweeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr: Cabdiraxmaan sh.Maxamed Maxamuud wuxuuna ka hadlay arrimo badan oo dhinacyo badan taabanaya,oo ay ka mid tahay mahadnaq uu u soo jeediyey guddiga isla markaana waxa ay ka doonaan dowladda loo fududayn doono,wuxuu Madaxweynuhu ka soo sheekeeyey taariikhda ay soo martay Puntland ilaa asaaskeedii ilaa hadda la joogo.maanta oo ay bisha julay ay tahay 17kii 2011 ay taariikhda ka geli doonto baal dahab ah maadaama ay tahay maalintii aynu iclaaminay habka dimuqraadiyada ee ah hal cod hal hal nin amah al dumar ah sidaana waxa yidhi Madaxweynaha Dowladda Puntland,sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in shirka Soomaali weyn lagu qaban doono Puntland.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa codsi u diray Ganacsatada iyo dadka reer Puntland ee wax haysta in ay u gurmadaan hawlahooda Koonfureed ay abaartu saamaysay waayo ayuu waa dad Soomaaliyeed oo ay wax inaga dhexeeyaa dhinac kastaba ha ahaatee ka dowlad ahaana waan ka qaybqaadanayaa gurmadkaasi,sidoo kale Madaxweynaha ayaa cafis u fidyey dadkii ka qaybqaatay dagaaladdii galgala ee Buuraha ku jira haddii aanay ahyn dhgarqabayaan wax dilay.

 

Xafladaasi ayaa maanta waxa ay ku soo dhamaatay jawi degan iyo dadka oo u hambalyeynayey horumarka ay dowladdu ku talaabsatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudiga Doorashada Puntland oo Doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku Xigeen

 

Waxaa maanta xaflad ka dhacday jaamacada PSU ee Magaalada Gorowe lagu magacaabay Gudoomiyaha Gudiga doorashada Puntland iyo kuxigeenkiisa waxaana halka ay doorashadu ka dhacaysay goob joog ka ahaa sagaalka xunood ee gudiga doorashada Puntland iyo waliba Madaxwayne Cabdulraxmaan Shiikh Maxamed (Faroole).

 

Gudoomiyaha gudiga doorashada ee Puntland ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo Maxamed Xasan Bare (Shimbirlaaye) oo helay sideed xubnood,halka gudoomiye kuxigeenka gudiga loo doortay Maxamuud Xasan Soofe oo labaduba ka mid ahaa xubnihii gudiga doorashada oo ay dhowaan soo magacaabeen madaxwaynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Barqad Cali Saaalax oo ku dhawaaqay natiijada codbixinta gudoomiyaha iyo gudiga doorashada ee Puntland ayaa sheegay in sida sharciga qabo ay ku doorteen gudoomiyha iyo gudoomiye kuxigeenka,waxaana uu sheegay inuu rajaynayo in xilkan loogu duceeyo inuu ALLAH u fududeeyo.

 

Sarkaal katirsan hay’adda Interpeace oo dhinaca hirgalinta dimuqraadiyada iyo kaaba galinta nabadda ka taageerta maamulka Puntland ayaa waxaa uu sheegay in muddo laga joogo 13-sano iyo lix iyo toban bari laga joogo aasaaska Puntland in la qaaday talaabo la mid ah tii bishii July ee 1960-ay xuriyada ku qaateen koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya,waxaana uu sheegay in talaabadan ay qaadeen xubnaha gudiga doorashada inay tahay mid dhabaha u xaaraysa in lagu guulaysto hirgalinta hanaanka dimuqraadiyada ee Puntland.

 

Gudoomiyaha cusub ee gudiga doorashada Puntland Maxamed Xasan Bare (Shimbirlaaye) oo ka hadlay munaasabadda doorashada ayaa waxaa uu sheegay isagoo ku hadlaya magaca xubnaha gudiga doorashada inuu u mahadcelinayo madaxwaynaha iyo gudoomiyaha baarlmaanka Puntland oo magacaabay xubnaha gudiga,waxaana uu balanqaaday in si daacad ah ay howshooda ay u gudan doonaan xilkan loo dhiibay.

 

“Kitaabka Allah ayaan ku dhaaranay inaan sidaaacad ah aan ugu shaqayno xilkan iyadoo la sameynayo wadatashi iyo wada shaqayn”ayuu yiri gudoomiyaha gudiga doorashada Puntland Maxamed Xasan Bare oo sheegay inay bilaabayaan hirgalinta nidaamka xisbiyada ee deegaanada Puntland,waxaana uu ugu baaqay shacabka Puntland inay u diyaargaroobaan arintaasi

Shaqooyinka u muhimsan ee horyaala guddigan ayaa ah:

 

- Afti u qaadida dastuurka Puntland

- Diiwaan gelinta Xisbiyada Siyaasadeed

- Doorashooyinka Golayaasha deegaanka.

 

Shaqada guddiga ayaa ku eg markii la doorto goloyaasha deegaanka isla markaana ay soo baxaan saddexda Xisbi ee ugu codadka badan, Waxaana markaas la soo magacaabi doonaa Guddiga doorashada rasmiga ah, kuwaas oo xisbiyadu ay ku yeelan doonaan xubno.

 

Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in maanta ay taariikh wayn ay u tahay shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaliya,waxaaana uu sheegay inay tahay markii ugu horaysay oo doorasho xor ah ay ka dhacayso Soomaaliya.

 

“…….Waad ogtihiin 1969-kadib dalkan kama dhicin doorasho,dadka Soomaliyeed waxba ma dooran jirin waxbaa loo doori jiray“ ayuu yiri madaxwaynaha Puntland oo sheegay in doorashooyinkii Puntland ka dhacay sanadihii lasoo dhaafay inay ahaayeen kuwa aan la jaaqaadin qaabka wax looga doorto caalamka,balse waxaa uu sheegay in xiligan Puntland ay ka gudbayso nidaamkii beelaha loona gudbayo inuu qofkastaa isagoo aan wakiil dirsan uu doorto cidii uu doono.

 

Saraakiil kasocotay hay’adaha garsoorka Puntland oo goob joog ka ahayd munaasbadii maanta ayaa waxaa ay ku dhaariyeen hoolka jaamacadda PSU masuuliyiinta iyo xubnaha kale duwan ee gudiga doorashada.

 

Talaabadan ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee Puntland ay yeelato gudi doorasho oo loo igmaday ka shaqaynta nidaamka xisbiyada badan si looga gudbo nidaamka beelaha ee lagu soo xulo 66-xubnood ee baarlamaanka Puntland oo doorta madaxwaynaha iyo madaxwayne kuxigeenka Puntland..

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Good Job. Were they appointed fairly based on the level of their experience, training, education, wisdom, probity, etc. Or did the regional background of each member play a major role in the selection process?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this