Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Historic Day for Puntland

Recommended Posts

garowe11.jpg

 

GAROOWE : Guddiga doorashada oo la dhaariyay, M-wayne Faroole oo khudbad muhiima jeediyay (Sawiro)

 

July 17, 2011 1:20 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor Print

 

Garoowe:-Guddiga doorashada Puntland ee ay dhawaan soo magacaabeen M-waynaha Puntland iyo Golaha Wakiilada Puntland oo ka kooban 9 xubnood ayaa maanta la dhaariyay, waxayna ku dhaarteen in ay si daacad ah ay u gadanayaan waajibaadka saaran ayna fulinayaan ballaanqaadka laga doonayo ee ah siyaasada Dawlada iyaka oo si caddaalad ah shaqadooda u qabanaya.

 

Guddiga doorashada oo la dhaarshay

 

Dhaarta kadib, ayaa Guddigan waxay Guddoomiye u doorteen Maxamed Xassan Barre, waxayna kuxigeen u doorteen Maxamuud Xassan Soofe., Maxamed Xassan Bare Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashada Puntland ayaa waxa uu sheegay in ay yihiin kuwo madax banaan oo la dhaarshay ayna fulin doonaan dhaarta ay mareen maadaama ay yihiin dad muslim ah oo dhimanaya, wuxuu sheegay in ay si wanagsan ula shaqayn doonaan madaxda Puntland oo M-waynaha ugu horeeyo iyo Golaha Wakiilada iyo dhammaan Ummadda reer Puntland.

 

Siyaasada Dawladda ayuu sheegay in ay ku shaqaynayaan oo ah in dalka loo horseedo doorasho xor iyo xallaal ah.

 

Guddiga doorashada ayuu u mahadnaqay in ay isaga u doorteen Guddoomiye, wuxuuna balan qaaday in aysan jiri doonin wax gaar ah oo isagu go’aansan doono ee uu xubin ka yahay Guddiga.

 

M-waynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo dhaarta kadib khudbad wanaagsan jeediyay ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay ka soo baxaan balan-qaadkoodii ku aadanaa in dalka laga hirgasho doorasho xor ah oo qofkastaaba codkiisa ku dhiibto (One man, One women One Vote), wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in haweenku ay dadaalaan oo sheegashada ah in 60% ay yihiin ay ka muuqato Dawlada iyo maamulka, wuxuuna tusaale u soo qaatay Golaha Wakiilada oo 2 Haween ah ku jiraan, wuxuu ku dhiiriyay in ay dhanka kale u rogaan oo laba rag ah ku soo reebaan Golaha.

 

Dhammaan Ummadda reer Puntland ayuu sheegay in ay ka qaybqaadan karaan tartankasta oo xor ah, wuxuu sheegay in aysan jiri doonin cid qabiil sheegata in looga awood roonaado ee qofkastaaba cod iyo doorasho xaq u leehay.

 

 

Nabadda.

 

Ummadda reer Puntland ayuu ugu baaqay in ay nabadda oo dhowr jeer ku celceshay ay ka shaqeeyaan, wuxuuna sheegay haddii nabadda la waayo aysan waxba jirayn ee Nabadda lagu wadada daaalo. Puntland, ayuu ku sheegay meel aan Ummadda Soomaaliyeed laga xigin oo ay cid walba ku nooshahay oo ay kaga shaqaystaan qaab ganacsi iyo qaab xirfadeed.

 

Dadka Puntland ayuu ku sheegay dad wanagsan oo aan calooshooda ku jirin dhibaatooyinkii ka dhacay, taasna waxa uu ku macneeyay bisaylka ay u qabaan in la helo Dawlad Soomaaliyeed.

 

Abaarihii dalka ka dhacay.

 

Cabdiranmaan Faroole M-waynaha Puntland, wuxuu xusay abaarihii ka dhacay Puntland ay dad badan ku xoolo waayeen oo xoolihii ay dhaafeen wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in dadkaasi la kaalmeeyo oo la caawiyo, wuxu sheegay in arinta ay dhawaan bilaabi doonaan.

 

Abaaraha ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

 

Abaarahaha ka jira Koonfurta Soomaaliya ayuu ku tilmaamay wax laga naxo wuxuuna sheegay in ay tahay arin Alle uu dadka ku imtixaanayo oo la isku eegayo, wuxuuna ballan qaaday in Puntland jawaab degdeg ah ay ka bixin doonto, si buu yiri Ummadda reer Puntland uu cirib-dambeedkeedu u wanagsanaado. maadaama ay iyaku barwaaqo ku jiraan oo Alle abaartii ka saaray.

 

Shirka wadatashiga Soomaaliyeed.

 

M-waynahu, wuxuu sheegay in uu aaminsan yahay in shirka wadatashiga ah lagu qaban doono Garoowe maadaama ay tahay meel nabadd ah oo xasiloon, wuxuuna xusay in ay jiraan dad aan jeclayn in Puntland in lagu qabto shirkan balse ay iyaku cidna nebcayn.

 

Sikastaba, M-wayne Faroole, ayaa isagu u muuqday in uu ku qanacsan yahay in Guddiga doorashada ee cusub ay Puntland gaarsiin doonaa nidaamka doorashada xorta iyo xalaasha ah ee caalamka laga isticmaalo.

 

Axmed Cabdisalaam

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Security Guards with Puntland State Minister for the Interior, Development of Rural areas and Local Governments with Head of the Police for the Restoration and Security of Puntland

 

SANY0072.JPG

 

SANY0071.JPG

 

SANY0073.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this