Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland parliament approves new ministers

Recommended Posts

Contact Us

 

BBC & VOA Audio

 

WARGEYSKA WAAHEEN – TODAY’S PAPER

 

Stay Connected

 

?Saturday, July 16th, 2011 | ?Posted by Maxamud

 

Golaha Wakiiladda Somaliland oo cod aqlabiyad ah ku Ansixiyay Raxan wasiiro ah oo uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo magacaabay

 

?Hargeysa(Waaheen) fadhigii Golaha Wakiiladda ee manta oo ay hor yimaadeen shan wasiir oo uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Xilalka Wasaaradda Madaxtooyadda, Ciyaaraha, Horumarinta Reer miyiga, Dibu-dajinta iyo wasiiru dawlaha Arrimaha Dibedda ayay gabi ahaantoodba ku Ansixiyaan Cod aqlabiyad ah.

 

Fadhiga manta oo la filayay in qaar ka mid ah wasiiradaasi ay codka mudanayaasha waayi doonaan ayaa ku soo gabagabaysmay sidii caadada ahayd ee ay ku Ansixin jireen masuuliyiinta ay xukuumaddu magacawdo kuwaasoo ay ahayd kii aan xilka qaadi Karin inay ka shaandheeyaan.

 

Fadhiga manta waxa ka soo xaadiray ku dhawaad Lixdan mudane kuwaas oo aan hore uga soo qayb gali jirin fadhiyada caadiga ah ee uu goluhu yeesho, waxaana imaanshahooda loo aanaynayaa Olole xoog ah oo ay xukuumaddu ka gashay sidii ay u Ansixin lahaayeen wasiiradeeda

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa ka hor intaan la Ansixin wasiiradaasi waxa uu xoghayaha ka codsaday inuu mid walba golaha u akhriyo taariikh nololeedkiisa iyo Digreetadii madaxweynuhu ku soo magacaabay kadibna waxa uu mid mid ugu bandhigay mudanayaashu inay ugu codeeyaan.

 

Markii ay codaynta mudanayaashu guda galena waxay dhamaantood siiyeen codadkooda marka reebo Xirsi X Cali wasiirka Madaxtooyadda oo uu diiday Xildhibaan ka soo jeeda gobolka Sanaag oo la yidhaahdo Maxamed Saalax

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Durduro Ku Ansixiyay Afar Wasiir Oo Uu Ku Jiro Wasiirka Madaxtooyadu.

 

Hargeysa (Ramaas) July. 16, 2011- Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay afar wasiirka oo uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Siilaanyo, kuwaasoo la horkeenay Golaha dhawaan.

 

Fadhigan uu shir-guddooniyay guddoomiyaha golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxaana madasha ku sugnaa 64 oo ka mida 82 mudane ee uu golahaas ka kooban yahay,

 

4 wasiir ee meelmarintooda la horkeenay golaha ayaa kala ahaa wasiirada wasaaradaha Madaxtooyada, deegaanka, ciyaaraha iyo dib u dejinta, waxaana ay saaka hortageen Golaha si ay warbixin kooban uga bixiyaan waxqabadka ay ku horumarin doonaan wasaaradaha madaxda looga dhigay, iyada oo ay mudanayaashu ay si weyn u dhageysanayeen khudbadaha masuuliyiintan.

 

Ka hor intii aan la guda gelin cod u qaadida ansixinta wasiiradan, waxa uu xog-hayaha Golaha Wakiiladu Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ka hor akhriyay Golaha taariikh nololeedka ama CV-ga wasiirada cusub, iyada oo wasiir walba la soo bandhigay taariikhdiisa waxbarasho iyo khibrada shaqooyinkii uu soo qabtay.

 

Waxaana ay codbixinta u dhacday sidan:

 

Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Xaaji Cali Xasan, waxa cod gacan taag ah ku ogolaaday wasiirnimadiisa 62 mudane waxa diiday 1 mudane ma jirin cid ka aamustay, guddoomiyuhuna muu codayn sidaas ayaanu ku ansaxay.

 

Wasiirka deegaanka iyo horumarinta Dr Maxamuud Siciid Gacamay, waxa u codeeyay 63 xildhibaan cid diiday ma jirin cid ka aamustayna may jirin, gudoomiyuhuna muu codayn.

 

Wasiirka ciyaaraha , dhalinyarada iyo dhaqanka Cabdi Siciid Faahiye, waxa ogolaaday 63 xildhibaan cidna may diidin cid ka aamustayna may jirin, waxaana uu ku ansaxay sidaas.

 

Wasiirka dib dejinta Cabdirisaaq Cali Cismaan, waxa ansixintiisa u codeeyay 63 mudane may jirin diidan iyo cid ka aamustayna , guddoomiyuhuna muu codayn.

 

Markii ay dhamaatay codbixinta waxa la arkayay isaga oo dhoolacadayna wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan oo hore u ahaa Chief of cabinet-ka Madaxtooyada jagadaasoo muran siyaasadeed dalka ka dhalisay, waxaana uu maantao isaga oo ah wasiir buuxa oo is furan uga hadli kara arrimaha siyaasada ee dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this