Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Mogadisho community elders call for the reconciliation conference to be held in xamar

Recommended Posts

Madaxda Dhaqanka Ee Beelaha Muqdisho Oo Qaramada Midoobay Ugu Digay In Aan Shirka Wadatashiga Soomaaliya Lagu Qaban Meel Ka Baxsan Magaalada Muqdisho.

 

Muqdisho(Ramaas) July. 15, 2011-Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Muqdisho ayaa ka digay in shirka wadatashiga ah ee ka dhacaya dalka gudihiisa lagu qabto meel aan ahayn caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Guddoomiyaha golahan Maxamed Xasan Xaad oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in ay soo jeedinayaan in shirkaas lagu qabto Muqdisho, haddii la doonayo in talooyin anfacaya Soomaalida ay ka soo baxaan.

 

"Waxaan kula talinay Qarammada Midoobay in shirka lagu qabto Muqdisho, balse waxaan u arkaynay in ay ka madax adaygayaan hadalkayaga. Waxaan hadda ka digaynaa in shirkaas lagu qabto meel aan ahayn Muqdisho," ayuu Xaad ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay.

 

Mudane Xaad, waxa uu sheegay in ay maqleen in shirka lagu qabanayo Garoowe, isagoo sheegay in haddii lagu qabto aanay kasoo bixi doonin go'aanno Soomaaliya ay leedahay.

 

Guddoomiyaha golaha odayaasha Muqdisho ayaa imanaya iyadoo shalay ay soo booqdeen Muqdisho wafdiga qabanqaabada shirka wadatashiga ee Soomaaliya lagu qabanayo, kuwaasoo kulammo la yeeshay madaxda DKMG ah, inkastoo aan weli la sheegin halka rasmi ahaan shirka lagu qabanayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inta shirka Soomaaliya gudaheeda lagu qabanayo, wax nin weyni ka hadlaa meesha ma yaallaan. Garoowe iyo Xamar waa isku mid oo labaduba waa Magaalooyin soomaaliyeed. Xaad waa inay intaasi deeqdaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

xiinfaniin;734240 wrote:
Inta shirka Soomaaliya gudaheeda lagu qabanayo, wax nin weyni ka hadlaa meesha ma yaallaan. Garoowe iyo Xamar waa isku mid oo labaduba waa Magaalooyin soomaaliyeed. Xaad waa inay intaasi deeqdaa

Well said bro.

 

 

Xaaji Xunjuf;734242 wrote:
^^ Xiinfanin bal deeqsi adigu
:D

XX...sidee xaalku yahay? Ma cid isku haysata ayaad aragtay hadda arrintaan? Soo ayaandarro ma ahan meel aan khilaaf jirin in khilaaf laga raadiyaa? Haddii Faroole jeclaa in Garoowe lagu qabto oo uu soo bandhigo wax ku jaban malahan, balse guddigii qabanqaabada ayaa markii ay xaaladda u kuurgaleen waxay gunaanadkii go'aan ku gaareen in Muqdisho lagu qabto wax dhib ahna ma jiraan. Sheekadu inay halkaas ku xiranto soo kuma habboona?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Security issues aside, Mogadishu is the most fitting for a grand, consultative Somali conference, which I hope this conference will be. The new PM and the president should sell that to the wider Somali stakeholders, so as many Somalis as possible can participate in the conference.

 

Somalis need to come together to solve the big problem facing them today, which is living in a big ungoverned space where all sorts of sinister projects can be hard by anyone who has the means in his disposal.

 

Farole had a chance to sell his bid, but, in my opinion, he squandered that opportunity by immersing himself in the last tfg political quarrel, which he lost big.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

This is non sense from their part. What benefits are in it for the locals of this meeting's location? Anyways I am glad they finally came to their sense by changing their name from guddiga beelaha ****** to guddiga muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo ka digay in shirka wadatashiga lagu qabto meel aan Muqdsiho ahayn

 

Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Xidlhiabanno ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka digay in shirka wadatashiga ah lagu qabto meel aan Muqdisho ahayn, iyagoo sheegay in haddii ay taasi dhacdo aysna kasoo bixi doonin go'aanno ay Soomaalidu isku raacsan tahay.

 

Mudanayaashan ayaa sheegay inay maqneen in kulanka wadatashiga ah lagu qaban doono meel aan Muqdisho ahayn, waxayna madaxda DKMG ah ugu baaqeen inay ka fiirsadaan go'aankaas.

 

"Waxaan maqalnay in kulanka wadatashiga ah ee maamullada Soomaaliya iyo DKMG ah ay ka qaybgalayaan lagu qabanayo magaalada Garoowe, waana taas midda aan ka digayno," ayay xildhibaannadan ku sheegeen bayaan ay kulankooda kasoo saareen.

 

Xildhibaanadan ayaa sheegay in kulankaas ay tahay in lagu qabto Muqdisho haddii la doonayo inay kasoo baxaan talooyin Soomaalidu u dhan tahay, waxayna sidoo kale ay sheegeen in haddii caasimadda laga wareejiyo shirka ay noqonayso in la liiday jirtaankeeda.

 

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn halka lagu qabanayo iyo waqtiga la qabanayo shirka wadatashiga ah, ayaa haddana waxaa dhawaan uu madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole uu sheegay in shirku uu ka dhacayo Garoowe.

 

Hadalka xildhibaannadan kasoo baxay, ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dorraad ay sidoo kale digniin noocan oo kale ah ay soo saareen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this