Sign in to follow this  
Boondheere

Xafiiska Baasaboorka Somalia Opened In HARGEISA !

Recommended Posts

Baasaboorka Dawlada Somalia ayaa la sheegay in xafiis lagu iibiyo looga furay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, kaas oo la sheegay in labadii todobaad ee ugu dambeeyay ay dadku Kuyuu ugu jireen xafiiskaasi ku hawlan bixinta Baasaboorka Dawlada Somalia. Xafiiskaasi la sheegay in lagu bixinayo Baasaboorkii E-passport ee dawladii Somalia ay soo samaysatay badhtamihii 2007-dii ayaa la sheegay in wasaarada arrimaha dibada Somaliland ay ogolaansho siisay, xubnaha xafiiskaasi dalka ka furtay.

Taliyaha laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cismaan Caalin (Dayib), oo aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay, isla markaana wax ka weydiinay waxyaalaha ay ka ogyihiin xafiiska Baasaboorada somalia lagu bixinayo ayaa isagu Haatuf u sheegay in aanay wax war ah oo sugan ka haynin xafiiskaasi, isla markaana deedafeeyay, in maamulkoodu ogolaansho siiyay, isaga oo arrimhaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "Kama war hayno warbaahinta joornaalka oo aan ku arkay mooyee wax kale kama hayno"

Taliyaha socdaalku isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi "Su'aalaha qaarkood la isma waydiiyo, markaad leedahay socdaalkaa ogolaaday ma dawlad baa dawlad kale laga hoos dhisaa" ayuu yidhi taliyaha Socdaalka Somaliland.

Mar aanu waydiinay taliyaha laanta Socdaalka Somaliland, waxa uga qorshaysan in baadhis ay ku sameeyaan maamul ahaan xafiiskaasi, wuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed C/llaahi Cumar oo wasaaradiisu u xilsaaran tahay siyaasada khaarajiga xukuumadda Somaliland ayaa isagu wakhtigan xaadirka ah safar ugu maqan dalka Kenya Caasimadiisa Nairobi, iyadoo ay dhinaca kalena safaro kaga maqan yihiin dalka wasiiru dawlahii wasaaradaasi Maxamed

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Stuff & nonesense indeed, what new Somali Passport, the old one is already being sold at Hargeisa streets, war illeen anagaa wax aragney, whoever wrote this rubbish doesn't know that Somali Passports the green one's already sold at streets of Hargeisa.

 

Xamaasada iyo caadifada naga yareeya yaakhayoow, oo dad iska dhiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

good news igadheh , you guys have no idea how common man (not included JB)in Hargeisa and north somalia in gerneral need this service. Just recently i have travel to Garowe during week end to help a friend of mine get one , imagine he travelled from Hargeisa to Garowe ,for how many kms 700 if not more! so again it's good news indeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

Aduun wa ladaali! war idinkaa inala yaabey, war hargeysa iyo muqdisho maxay kukala duwan yihiin so ma aha labo magaalo oo somaliyeed. war hala xishoodo waliba reer hargeysa free halagu siiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this