Sign in to follow this  
Somalina

Lean on Mogadisho when you need to eat to survive

Recommended Posts

Somalina   

Dowladda Kuwait oo sheegtay in diyaarado sida mucaawinooyin ay Khamiista soo socota geyn doonto Muqdisho

 

Talaado, July 18, 2011 (HOL) – Dowladda Kuwait ayaa shaaca ka qaadday in laba diyaaradood oo wada cunnooyinka gasacadeysan iyo dawooyin lagu gargaarayo barakacayaasha abaaraha ay geyn doonto Muqdisho maalinta Khamiista ah ee soo socota, iyadoo sidoo kale ay isla todobaadkan u diri doonto Soomaaliya laba diyaaradood oo kale oo shixnado gargaar wada.

 

Madaxa wafaafinta safaaradda Kuwait ee dalka Britain Cumar Xaaji Cali oo la hadlya BBC-da ayaa sheegay in gargaarkan uu qayb ka yahay deeq gaaraysa 10-milyan oo doollar oo loogu talogalay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu dhibaateeyeen.

 

"Garagaarka ay diyaaraduhu geyn doonaan Muqdisho, waxaa lagu wareejinayaa bisha cas, taasoo geyn doonta kaamamka ay ku jiraan dadka abaaraha kasoo barakacay," ayuu yiri Cumar Xaaji.

 

Sarkaalkan oo la weydiiyay in bisha cas ay geyn doonto gargaarka goobaha ay ku sugan yihiin xoogagga Xarrakatul Shabaab ayaa sheegay inuusan taas doonayn inuu ka hordhaco, balse la faahfaahin doono marka gargaarku gaaro Muqdisho.

 

"Dhaqaalaha 10-ka milyan ah ee loogu talogalay in lagu caawiyo dadka abaaraha kasoo barakacay waxaa raashinka loogu iibin doonaa gudaha Soomaaliya, waayo in raashin laga raro Kuwait oo Muqdisho loo diro muddo dheer ayay qaadanaysaa," ayuu yiri sarkaalkan.

 

Mar la weydiiyay in DKMG ah ay ku wargeliyeen deeqdan ay geynayaan Muqdisho iyo in kale, ayuu sheegay inay warbaahinta ka maqli doonaan.

 

Gargaarka ay ku deeqday Kuwait ayaa haddii uu tago wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo Muqdisho la geeyo tan iyo markii ay kumannaan barakacayaal ah oo kasoo cararay abaaraha ay tageen Muqdisho.

 

Hay'adda UNICEF ee Qarammada Midoobay ayaa toddobaadkan horraantiisii geysay Baydhabo diyaarad ay shixnado gargaar ku rarnaayeen, taasoo ahayd gargaakii ugu horreeyay oo Soomaaliya la geeyay tan iyo markii ay qaylo-dhaanta abaaruhu billowdeen.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Tuesday, July 19, 2011

 

KUWAIT, July 19 (KUNA) -- Two Kuwaiti planes carrying relief, medical aid and tents will head to Somalia on Thursday to assist millions of starving drought victims in the African country.

 

The initiative comes after Kuwait agreed USD 10 million in relief aid for Somalia, whose people are suffering from famine and malnutrition as a result of the most severe drought to have hit the country in ten years.

 

The decision was passed by the Kuwaiti Cabinet according to the instructions of His Highness the Amir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, the Kuwait Red Crescent Society's chief spokesperson, Abdulrahman Al-Aoun said in a statement.

 

The UN World Food Programme has estimated that around 10 million people require food aid in the country, due to the extreme wave of drought and heavy armed conflict, he said.

 

Also, according to UNICEF, as close as two million children are affected by malnutrition and are in desperate need of food.

 

Kuwaiti News Agency

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Jaamacadda Muqdisho oo magacowday guddi ka shaqeeyo gurmad gargaar lagu gaarsiinayo barakacayaasha abaaraha

 

Quddubi.jpg

 

Isniin, July 18, 2011 (HOL) – Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah jaamacadaha ka jira dalka Soomaaliya ayaa maanta u magacowday guddi ka shaqeeya gurmadka gargaarka abaaraha, waxaana guddigaas guddoomiye u ah Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) oo ah diiwaan-hayaha guud ee jaamacadda Muqdisho.

 

Kulanka lagu magacaabay guddigan oo ka shaqeyn doona sidii gurmadka loo fidin lahaa dadka ay abaaraha saameynta xooggan ku yeesheen ee soo gaaray Muqdisho, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar, Dr. Sheekh Axmed Xasan Qudubi, maamulka, ardayda iyo macallimiinta Jaamacada Muqdisho.

Quddubi1.jpg

 

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh oo kulanka ka hadlay ayaa yiri: "Haddii aan si sax ah isku taageerno, waxaan hubaa oo ii muuqata inaan iskaalmeyn karno, oo aanan u baahanayn cid kale. Jaamacadda Muqdishana lagu aamini karo wixii dadkaas loosoo marsiiyo, sababtoo ah waxaad horay noogu aaminteen ilmihiinnii oo aan soo saarnay iyagoo mutacalimiin ah."

 

Dr. Sheekh Axmed Qudubi, oo isaguna goobta ka hadlay ayaa si aad ah uga hadlay abaaraha ku dhuftay shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in telefishinka Al-Jazeera uu ka daawaday filimaan laga soo qaaday dadka ay abaaruhu ku dhufteen, wuxuuna sheegay isagoo ilmeynaya in xaaladdaas ay aad uga murugooday.

 

"Roobkii aan u adkeysan waynay innagoo guryaheenna joogna ayaa waxaa ii muuqday barakacyaal uu si toos ah roobku dushoodu uga da'ayo. Dareenkaas wuxuu ii diiday inaan cunno cuno, hurdo sax ahna aan seexdo iyo wax walba oo nafta u roon," ayuu yiri Dr. Sheekh Axmed Qudubi.

 

Ardaydii, maamulkii iyo macallimiintii kulankaas ku sugnaa ayaa muujiyay dareenka kaga aadan wax u qabashada dadka dhibaateysan ee walaalahood ah, iyagoo qaar ka mid ah ay la ilmeeyeen xanuunka sheekooyinka ku saabsan abaaraha ee ay soo bandhigeen mas'uuliyiintii hadlay.

 

Guddigan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay dhibaatooyin daran ku haystaan gudaha Muqdisho kumannaan qof oo xoolahoodii ku waayay abaaraha iyo kuwo kale oo beerihii ay u bixi waayeen.

 

Barakacayaashan ayaa qaarkood waxay caruurtoodii uga soo tageen jidadka, kaddib markii ay baahi awgeed wadi waayeen, waxaana Jaamacadda Muqdisho ay furtay accoun-no ay ugu talogashay inay cid walba oo awood leh ay kusoo riddo dhaqaale lagu caawiyo barakacayaasha, gaar ahaan ardaydii ka qalin jabiyay iyo kuwa hadda dhigta. Waxaana furan Acc# 8555 oo shirkadda Dahabshiil qaybteeda Banaadir.

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Jaamacadda Muqdisho sameyso gurmad noocan oo kale ah, balse sannadkii 2006 ayay sameysay gurmad noocaan oo kale ah, markaasoo ay daadad badan ku dhufteen gobollada dalka qaarkood.

Quddubi4.jpg

Quddubi2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hay'adda SOHPA oo gargaar raashin ah u qaybisay 400-qoys oo ku jira kaamam ku yaalla degmada Waaberi

QAYBIN2.jpg

 

Khamiis, July 21, 2011 (HOL) – Hay'adda SOHPA oo ka mid ah hay'adaha maxalliga ah ee ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa waxay shalay gargaar raashin ah u qaybisay 400-qoys oo ka mid ah barakacayaashii abaaraha, kuwaasoo ku jira xeryo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

 

Agaasimaha SOHPA Axmed Maxamed Xuseen ayaa HOL u sheegay in dadka ay u qaybiyeen gargaarka ay yihiin dadkii barkac ahaanta kusoo gaaray Muqdisho, ayna qoys walba siiyeen deeq isugu jirta bariis iyo saliid.

 

"Qoysaska aan gargaarka u qaybinnay oo gaaraya 400-qoys, waxaan qoys walba siinnay 6-kg oo bariis ah iyo 2.5-liitar oo saliid ah," ayuu yiri Axmed Maxmed oo intaas ku daray in dadkan ay ku kala jireen kaamam lagu kala magacaabo Tawakal iyo Mooge.

 

QAYBIN5.jpg

Gargaarkan oo dhaqaalaha ku baxay uu gaarayay 3,500 oo Dollar ayaa waxaa 2,500 oo ka mid ah ku deeqay Jaaliyad Soomaaliyeed oo deggen dalka Sweden, halka 1,000 dollarna ay hay'adda SOHPA bixisay.

 

Barakacyaasha gargaarka loo qaybiyay oo ka kala yimid gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada hoose ayaa soo dhaweeyay gargaarka la siiyay iyagoo sheegay in xilliga loo keenay ay tahay xiligii ay ugu baahi badnaayeen, iyadoo dadkan ay muddo bil ah ku sugan yihiin Muqdisho.

 

"Dhawaan waxaan doonaynaa inaan barakacayaasha ku jira kaamamka Muqdisho u fidino baaritaan caafimaad oo dawooyin lagu siinayo, innagoo howshaas la kaashan doonna wasaaradda caafimaadka ee DKMG ah," ayuu Axmed Maxamed mar kale u sheegay HOL.

 

Hay'adda SOHPA, ma ahan markii ugu horreysay oo ay gargaar gaarsiiso dadka ay abaaraha dalka ku dhuftay saameynta ku yeesheen, balse sannadkii hore ayay gargaarro kala duwan ka bixisay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

QAYBIN4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyinhii hore Ghana oo maalintii labaad Muqdisho ku sugan iyo booqasho uu ku tagay Xerada Badbaado

 

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Jerry Rowlings ayaa maalintii labaad ku sugan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo maanta kormeer ku tagay Xerada Barakacayaasha Abaaraha ee Badbaado oo ku taal duleedka degmada Dharkeenley.

 

Madaxweynihii hore Ghana Mr Rowlings ayaa u kuur galay xaaladaha dadka abaaraha ay ceeyrteeyeen, kuwaasoo gar gaar isugu jira raashin iyo daawooyin lagu siiyo xeradaas, kadib markii Maamulka Gobolka Banaadir uu u raray.

 

Kormeerka uu tagay Jerry Rowlings xeradaas ayaa waxaa ku wehliyay Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi ahna Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Heer Qaran, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi Amp. Maxamed Cali Ameeriko.

 

Jerry Rowlings ayaa halkaas warbixin kaga dhageystay Gudiga Gurmadka Abaaraha, isagoo goob joog ka ahaa deeq loo qeybinayay dadka abaaraha oo isugu jiray raashin iyo saliid qeyb ka ahaa gurmadka shacabka Soomaaliyed, Dowladda iyo hey'adaha maalmahan la daba joogeen dadkaas dhibaateysan.

 

Hadal uu saxaafada ku siiyay Xeradaas ayaa waxaa uu ugu qeyla dhaamiyay beesha Caalamka, isagoo sheegay in xaalada hada lagu jiro goor dambe laga qoomameyn doono.

 

Mr Rowlings ayaa sheegay afar todobaad hada soo socota ay dhici karto in boqolaal kun caruur ah ay u geeriyoodaan macluul iyo nafaqo daro, hadii aan gacan xoog leh laga helin beesha Caalamka.

 

Waxaa uu sheegay in xaalada hada laga hortagi karo, isagoo ku baaqay in gar gaar aadanimo dadkaas lala soo gaarsiiyo, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in garanayo Caalamka ay ku daaleyso Soomaaliya, gaar ahaan siyaasadaha iyo dagaalada 20-ka sano kooxaha isku haya.

 

Jerry Rowlings ayaa noqonaya ergeygii ugu sareeyay ee ka socda Midowga Afrika oo soo booqda Caasimada Muqdisho, iyo Madaxweyne soo maray Qaarada Afrika.

ergey-rowlings_1.jpg

ergey-rowlings_2.jpg

ergey-rowlings_3.jpg

ergey-rowlings_5.jpg

ergey-rowlings_7.jpg

ergey-rowlings_8.jpg

ergey-rowlings_16.jpg

ergey-rowlings_12.jpg

ergey-rowlings_10.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Mogadishu Doctors Conduct Free Medical Camp

 

 

Hiiraan Online Reporter

Wednesday, July 20, 2011

 

Mogadishu-Medical practitioners operating in Somalia’s capital Mogadishu on Wednesday conducted a free medical camp to assist thousands of drought-stricken families.

The all-day health camp offered residents an opportunity to be examined by general medical practitioners who offered one-on-one consultations and dietary counseling to the drought survivors.

 

Health workers who volunteered to take part in the ongoing drought mitigation efforts started their operation with Aaal-Yaasir, one of the camps of internally displaced persons in Mogadishu.

 

The free medical camp is part of Somali health workers’ efforts to create greater awareness about the most common diseases and to play a greater role in community development.

 

Led by doctors from various hospitals including Atlantic and team a from the Somali Medical Association, the health workers addressed acute shortages of medication among the drought victims.

 

Camp leaders Dr. Ubayd Dahir and Dr. Abdi Ibarhim said their aim is to assist those who need medical intervention amongst the inhabitants of the camp.

 

Dr. Ibrahim said on the very first day of their campaign that they treated about 900 people as they hope to reach more people including women and children who need immediate assistance to cope up with escalating malnutrition rates.

 

Medical experts said malnutrition is the biggest problem among the internally displaced people of Somalia. Other diseases include diarrhea and skin diseases.

 

Sheikh Suldaan Mohamed a member of the Al-shabaab committee on drought management has hailed the attempt by Somali practitioners to address one of the problems of their people.

 

Aala-Yaasir IDP camp host about 6,000 families, majority of whom are drought victims who have fled from different parts of the drought devastated Horn of Africa nation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wafdi ka socda Ururka gargaarka dalalka Islaamka oo kulan kula yeeshay Muqdisho Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya

 

WAFDI.jpg

 

Arbaco, July 20, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra'iisul wasaare C/weli Maxamed Cali ayaa maanta Muqdisho kulammo kula yeeshay wafdi ka socday ururka gargaarka dalalka Islaamka oo booqasho ku yimid Soomaaliya, iyagoo kala hadlay xaaladdaha abaareed ee uu dalku ku jiro.

 

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Dr. C/raxmaan Al-suhayli oo u dhashay dalka Saudi Arabia ayaa waxay kormeer ku tageen xeryo ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo ku yaalla degmada Hodan, dadkaasoo isugu jiray barakacayaasha abaaraha iyo kuwii horay ugu noolaa xeryahaas.

 

"Qarniyo badan ayaan Soomaaliya xiriir la lahayn - waxaana ka xunnahay dhibaatada ku dhacday. Ujeedada aan halkan u nimid waxay tahay inaan wixii awoodeenna ah ku caawinno shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri mas'uulka wafdigan hoggaaminayay oo saxaafadda la hadlay kadidb kulamadii uu la yeeshay madaxda DKMG ah.

WAFDI2.jpg

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Gaas oo isaguna saxaafadda hadal siiyay ayaa wafdiga uga mahadceliyay imaanshahooda Soomaaliya iyo gacanta ay u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna yiri isagoo arrintan ka hadlaya: "Aad ayaan ugu faraxsan-nahay inaad u soo gurmataan shacabkeenna. halkan waxaa ka dhacay abaaro iyo colaado dhibaatooyin badan gaarsiiyay shacabka Soomaaliyeed."

 

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya oo ku hadlayay afka carabiga ayaa isaguna wuxuu sheegay inay uga mahadceliyaan wafdiga ka socda ururka gargaarka dalalka Islaamka imaanshahooda Muqdisho, isagoo sheegay in xalaado badan oo dalka soo maray ay dowladda KMG ah iyo shacabka Soomaaliyeed iska kaashadeen waxna ka qabteen, balse midda hadda taagan ay tahay mid awooddooda ka weyn.

 

"Dhibaatooyinka dalka ka jira waa kuwo ka dhashay abaaraha iyo colaadaha dalka ka taagan, waxaana uga mahadcelinaynaa qof walba oo gacan ka geysta sidii loo samatabixin lahaa shacabka," ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo isaguna hadlay ayaa sheegay in abaaraha ku dhuftay Soomaaliya ay tahay midii ugu xumayd muddo 60-sano ah, isagoo ugu baaqay calaamka in gargaar lala soo gaaro dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen.

WAFDI3.jpg

WAFDI4.jpg

WAFDI5.jpg

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shirkadda Hormuud Telecom oo Deeq Balaadhan Gaadhsiisay 6000 oo qoys oo kami d ah Dadkii ay abaaruhu ku Dheceen.

 

July 22, 2011

Deeqdan ay maanta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ay bixisay ayaa waxay ka qaybisay Xerooyinka dadka barakacaaysha ee ku kala yaalla Gobolka Benaadir iyo Gobolka Sh/Hoose , halkaas oo maalinba maalinta ka danbaysa ay soo gaarayaan dad hor leh oo ay ka muuqato macluul iyo nafaqo daro iyadoo maalmahanba ay soconayaaen gurmadyada kala duwan ee loo samannayay daka tabaalaysan, ayaa shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom waxay gacan aad u wayn u fidisay dadkaasi tabaalaysan raashin ku fila n muddo bil ah 6000 oo qoyas , kaasi oo qoyskiiba loo qorsheeyay 25kg oo bariis ah iyo 4 litir oo saliid ah.

 

Ayadoo mas’uuliyiin Ka socda shirkadda Hormuud ay joogeen xerayaha (Camps) raashinka laga qaybinayay.

 

Ma aha markii u horaysay ee Shirkadda Isgaarsiinata Hormuud ay gacan ka gaysato dhibaatooyinka abaaraha , fataahadaha , iyo dhamaan masiibooyinkii dabiiciga ahaa ee ka dhacay dalka.

 

Waxaa lagu xusuustaa Hormuud gurmadkii abaarihii 2006dii, fatahaadihii ka danabeeyay , iyadoo Shirkaddu Januray 2011, dhibaatooyinkii dhacay ku bixisay kharash dhan $ 500,000 (Shan boqol oo kun oo doller

 

hormuud-deeq-qeybin_2.jpg

hormuud-deeq-qeybin_1.jpg

hormuud-deeq-qeybin_3.jpg

hormuud-deeq-qeybin_4.jpg

hormuud-deeq-qeybin_5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hiiraan Online

Friday, July 22, 2011

 

The private sector in Somalia on Friday joined the ongoing relief efforts in aid of millions of drought-displaced families in parts of Southern Somalia.

Hormuud Telecom, one of Somalia’s leading telecommunication companies distributed humanitarian food assistance to drought victims in the restive capital Mogadishu.

 

The telecommunication company targeted some 6000 Households in its initial stage of relief distribution at Mogadishu’s bulging IDP camps that are jam-packed on daily basis by fleeing families from devastated regions of Somalia.

 

The company’s aid package included an assortment of food rations and were given to worst-hit families in the two camps of Wadajir and Waberi districts within the capital Mogadishu

 

According to officials of the company the food aid composed of 25kg rice and a few liters of cooking oil is expected to keep each family for some day as drought bites severely in the country.

 

The IDPs have hailed the move by Hormuud, a company established in April 2002 in Somalia, and has since been engaged in some form of cooperate social responsibility.

 

Officials of the company also told the local media that it aims to bring in more aid this time to Shabelle region where the crippling drought condition is severely biting residents.

 

The donation of the aid food by Hormuud Company is a part of local and international efforts to mitigate a compounding crisis resulted by several seasons of failed rains and an endless conflict in Somalia where UN declared famine in some parts.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Kuwait oo diyaaro gar-gaar kasoo dajisay garoonka diyaaradaha Muqdisho

 

Labo diyaaradood oo ka yimid dalka Kuwait islamarkaana siday deeqo loogu talagalay dadka ku dhibaataysan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay gudoonsiiyeen dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

Barqonimadii maanta ayaa labo diyaaradood oo wada deeqo kala duwan waxa ay kasoo dageen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho, iyadoo deeqdaasi ay ka timid dowladda Kuwait taasi oo ay ugu talagashay Qoysaska ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhibaataysan Magaalada Muqdisho.

 

Deeqdaani ayaa waxaa ay ka koobneyd ilaa 40-tan oo ay ka mid ahaayeen Cunno, dawo iyo Teendhooyin taasi oo ay gudoontay dowladda KMG Soomaaliya.

 

Dr.Musaacid Rashiid Al-cansi oo ahaa Mas’uulkii horkacayay gar-gaarkaasi ayaa waxaa uu sheegay in shacabka iyo dowladda Kuwait ay ugu talagaleen shacabka Soomaaliyeed oo ay haystaan dhibaatooyin la xiriira dhinaca nolosha ah, isagoo sheegay in deeqdaani ay tahay qeybtii ugu horeysay oo ay ku wareejiyaan dowladda KMG Soomaaliya taasi oo ka kooban sida uu sheegay Raashiin iyo waliba Teendhooyin.

 

Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka oo uu horkacayay sii haya Wasiirka Gaashaandhiga uu gudoomay deeqda ka timid Kuwait ayaa waxaa uu kaga mahadceliyay shacabka iyo Madaxa dowladda Kuwait deeqda ay soo gaarsiiyeen Walaalahooda ku dhibaataysan Soomaaliya.

 

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay deeqaha wadamada Carabta ay soo gaarsiinayeen gudaha dalka Soomaaliya.

9118-full-11-so.jpg

9118-full-12-so.jpg

9118-full-10-so.jpg

9118-full-8-so.jpg

9118-full-4-so.jpg

610x.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hay'ad Islaami ah oo deeq raashin ah u qaybisay barakacayaasha ku sugan Magalada Muqdisho

 

Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Wafdi ay hay'ad fadhigeedu yahay dalka Suudaan oo lagu magacaabo Mandiqatul Dawa Al-Islamiyah ayaa ayaa gargaar raashin ah gaarsiiyay dadka ku jira xeryaha barakacayaasha ee ku jira magaalada Muqdisho.

 

Dr. C/qaadir Muuse Yusuf (Al-Fake) oo ah wakiilka Bariga iyo geeska Afrika ee haya'dda ayaa sheegay in socdaalkooda uu yahay sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka dhibaateysan iyo sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

 

Gargaarka raashinka ah oo ee ay hay'addu bixisay ayaa waxay ka koobnaayeen galley, bur iyo bariis, kuwaasoo ay ku deeqeen dad u dhashay dalka Qatar una soo wakiishay xafiiska Soomaaliya ee mandiqatul Al-dawa Al-Islamiyah Muqdisho.

 

Deeqdan ayaa la gaarsiiyay 600-qoys kuwaasoo ka mid ahaa qoysaskii abaaraha awgood uga soo barakacay deegaannadii ay ku noolaayeen ee gobollada, Bay, iyo Shabeellada hoose.

 

Mas'uulka hay'adda iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa gargaarka si wadajir ah u garsiiyay qoysaskii loogu talogalay, iyadoo qoys walba uu nasiib u helay raashin culeyskiisu yahay 30-kg oo kala ahaa 10-kg oo galley ah, 10-kg oo bariis ah iyo 10-kg oo bur ah.

 

Dr. C/qaadir Al-Fake oo u dhashay dalka Suudaan ayaa dhankiisa ka qaybinayay gargaarka la gaarsiinayay dadka dhibaateysan, isagoo inta badan gargaarka siiyay dadka aadka u daran ee ku jiray kaamamkii laga qaybiyay.

 

"Dhibaatada haysata qoysaska barakacayaasha ah ma ahan mid fudud - waana mid u baahan in si deg-deg ah loogu gurmado si loo badbaadiyo boqolaalka caruurta iyo hooyooyinka ah ee xilligaan la il-daran gaajada iyo macluusha," ayuu yiri Dr. Al-Fake.

 

Wakiilka hay'adda ayaa sidoo kale wuxuu baaq walaalnimo u diray muslimiinta caalamka, isagoo si gaar ah ugu mahad-celiyay muxsiniita dowladda Qadar oo suuro-gelisay in lacagtan sadaqada ah ee raashinka loogu iibiyay dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen, isagoo ugu baaqay walaalaha carabta inay sidaasi si la mid ah ay ugu soo gurmadaan walaalahooda dhibaateysan ee Soomaaliyeed.

 

ma aha markii ugu horeysay ee ay Manqdiqatul Dacwa Al-Islamiyah ay raashin sidan oo kale ah ka qaybiso kaamamka ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah ee ku yaalla Muqdisho. Waxaana sidan oo kale ay gargaar uga qaybisay gobollada dalka qaarkood.

Al%20Dawa%20%20islami%20%205.jpg

Al%20Dawa%20%20islami%20%206.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca oo xarun dadka lagu quudiyo ka furay Muqdisho

 

Golaha sare ee culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca ayaa xarun dadka lagu quudiyo waxaa ay ka fureen magaalada Muqdisho, taasoo loogu magac daray xarunta quudinta Agoonta iyo Barakacayaasha, iyadoo xaruntaasi Muqdisho laga furay ay ka quutaan maalintii 700 oo Qoys, kuwaasi oo isugu jira Agooman iyo dadka ka soo barakacay abaaraha dalka ka jira.

 

Goobtaasi dadka lagu quudiyo oo saxaafada lagu casuumay ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jiidiyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca,kuwaasoo ka warbixiyay ujeedada ay u fureen xaruntan cusub ee dadka lagu quudinayo.

 

Ku simaha Gudoomiyaha Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca ahna Afhayeenka Culumaa'udiinkaasi Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Sheekh Soomow ayaa sheegay in ujeedada loo furay xaruntan cusb ay tahay ka jawaabidda baahida abaareed ee haatan ka jirta dalka Soomaaliya, taasoo uu sheegay in loo baahnyahay maanta in la samata bixiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

"Anagoo ka jawaabeyna baahida shacabkeena tanina ay tahay bilowgii Ahlusna Wal-jamaaca,ayaan waxaan furnay xaruntaan halki maain ay ka quutaan 700 oo qoys" ayuu yiri Shiikh Soomow oo intaa ku daray in Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca ay waqtiyada soo socda ka furi doonaan magaalada Muqdisho xarumo kale oo dadka dhibaateysan klagu quudinayo, isagoo sheegay inaan la kala sooceyn shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

 

Shiikh Soomow ayaa sheegay in xaruntan maalintii ay ku quudiyaan 700 o qoys, isagoo tilmaamay in xaruntan ay ugu talo galeen in ay ku quudiyaan agoomanka iyo dadka barakacayaasha ah, wuxuuna sheegay in xarunta dadka lagu quudiyo uu gacan ka geystay NGO-ga Roob.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Ansaaru-suna Wal-jamaaca Sheekh Suldaan Sheekh Aadan Macallin Sugow (Sheekh Suufi yare), kaasoo ugu horeyn baaq u diray Hey'adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahey in ay kaalmo degdeg ah u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen, wuuxuna sidoo kale ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay u gargaaraan walaalahooda ku xoolo waayay abaaraha dalka ka jira.

 

Sheekh Suufi yare ayaa sheegay in culumaa'udiinka Ahlsuna Wal-jamaaca ay qorsheeyeen in laba goob oo kale ay ka furayaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu tilmaamay in lagu quudin doono dadka agoomanka ah iyo kuwa soo barakacay.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Ahlusuna Wal-jamaaca ee gobolka banaadir Sheekh Axmed sheekh Aadan dheere (Sheekh Axmed Shuqul) kaasoo sheegay in ay faraha ka baxday xaalada bani'aadanimo ee ka jirta dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay abaarta ka jirta Soomaaliya inay iminka mareyso mid aanay waxba ka qaban karin geeska Afrika ama Afrika, isagoo sheegay in xaalada abaareed ee Soomaaliya ay u taalo Q/midoobay iyo beesha caalamka.

 

"Maanta wey dhaaftay xaalada abaareed ee ka jirta Soomaaliya inay wax ka qabtaan wadamada geeska Afrika ama wadamada kale ee Afrika,marka waxaan ugu baaqweynaa Beesha caalmak iyo Q.M in ay wax ka qabtaan xaaladaas, hadii qof Soomaali ah uu macluul iyo gaajo u dhinto maanta wixii ka damneeya waxaa masuuliyadeeda iska leh Q/midoobay " ayuu yiri Gudoomiyaha Ahlusuna ee gobolka Banaadir.

 

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale ku eedeeyay kooxda Al-shabaab inay masuul ka tahaya dhibaatada dalka ka jirta, isagoo sheegay in Al-shabaab ay dadka ka hor isataageen in gurmad la gaarsiiyo, wuxuna tilmaamay in Al-shabaab ay qatar ku yihiin nolosha dadka Soomaaliyeed ee xiligan abaaraha ku dhufteen.

 

Xarun_quudin_ay_fureen_Ahlusuna_2.JPG

Xarun_quudin_ay_fureen_Ahlusuna_4.JPG

Xarun_quudin_ay_fureen_Ahlusuna_6.JPG

Xarun_quudin_ay_fureen_Ahlusuna_7.JPG

Xarun_quudin_ay_fureen_Ahlusuna_8.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Diyaaraddii ugu horreysay oo WFP ay gargaar ku geyso Soomaaliya oo ka dagtay garoonka diyaaradaha Muqdisho

 

Arbaco, July 27, 2011 (HOL) – Diyaaraddii koowaad oo WFP ay gargaar hawada ah ku geynayso Soomaaliya ayaa 4:00 galabnimo ee maanta cago-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana diyaaraddan ay hordhac u tahay diyaarado kale oo gargaar kala duwan geyn doona Muqdisho maalmaha soo socda.

 

Gargaarka ay waddo diyaaradda ayaa waxaa ka mid ah raashin nafaqeysan, raashin caadi ah, teendhooyin, bustayaal iyo maacuun, waxaana lagu wadaa in gargaarkan la gaarsiiyo barakacayaasha abaaraha ee ku jira xeryaha ku yaalla Muqdisho.

 

Agaasimaha barnaamijka cunnada adduunka ee WFP Jesette Sheeran ayaa horay u sheegtay in gargaarka ay duulimaadka ku gaarsiinayaan Muqdisho uu yahay mid ay ugu talogaleen in si dhaqso ah loogu caawiyo barakacayaasha abaaraha ee aadka u itaalka daran.

 

"Xaaladda ay ku nool yihiin shacabka Soomaaliyeed ee kasoo barakacaya abaaraha waa mid aad u daran, taas ayaana keentay inaan gargaar dhinaca hawada ah u dirno Soomaaliya," ayay tiri Sheeran oo wariyeyaal la hadlaysay.

 

Gargaarkan ayaa laga soo duuliyay dalka Kenya, wuxuuna jawaab u yahay codsiyo ay dowladdu horay ugu dirtay hay'adaha gargaarka, iyadoo dhawaan diyaarado sida gargaar ay ku deeqday dowladda Kuwait ay kasoo dageen garoonka Muqdisho.

 

Dhanka kale, saakay waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kasoo dagtay diyaarad kale oo wadday mucaawino, taasoo ay keentay hay'adda Concern, waxaana gargaarka ku jiray raashin loogu talogalay in haweenka iyo caruurta macluulsan lagu nafaqeeyo.

 

Hay'adda WFP ayaa ka mid ah hay'adaha ay Xarrakatul Shabaab horay uga joojisay inay ka shaqeyaan gobollada ay ka taliyaan, balse agaasimaha hay'adda waxay sheegtay inay gargaarka gaarsiin doonaan dadka ku dhibaarteysan gobollada ay ka taliso Al-shabaab iyadoo adeegsanaysa ururro gargaar oo maxalli ah.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

fero%204.jpg

Isniin, Ogoosto 01, 2011 (HOL) – Hay'adda FERO oo ka mid ah NGO-yada maxaliga ah ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya ayaa qalab casri ah oo lagu nadiifiyo biyaha u qaybiyay qoysaska barakacayaal ah oo ku jira 25 kaam oo ku yaalla Muqdisho, iyadoo qalabkan ay nasiib u yeesheen inay helaan 500-qoys.

 

Qalbkan lagu nadiifiyo biyaha ayaa waxaa shaqaalaha FERO ay bareen sida loo istimcaalo qoysaskii ay u qaybiyeen, kaasoo wax wey ka tari doona sidii ay dadkaas u cabi lahaayeen biyo nadiif ah, ayna uga badbaadi lahaayeen inay ku dhacaan cudurrada ka dhasha biyaha wasaqeysan.

 

Wakiilka NGO-ga Feero Qaasim Maxamed Aadan oo qalabkan qabiyay ayaa sheegay in haweenka qoysaskan la siin doono tababarro dheeraad ah oo ku saabsan habka ugu wanaagsan ee qalabkan loo isticmaalo.

 

"Waxaan idinku boorrinaynaa inaad biyo nadiif ah soo saarataan kuwaasoo ay caruurta iyo dadka waaweyn cabaan," ayuu yiri wakiilka FERO oo intaas ku daray: "Biyo sifeysan oo aad soo marsiiseen biyo sifeyaha la idin siiyay waxaad ka helaysaa biyo nadiif ah oo caafimaad ahaan wanaagsan, tubada ku taalla qalabka ayaadna goor walba ka cabaysaan."

FERO%201.jpg

FERO%205.jpg

Sheekh Muqtaar oo ka socday mid ka mid ah 25-kaam ee loo qaybiyay qalabka biyaha lagu nadiifiyo ayaa ku tilmaamay qalabka ay FERO u qaybisay mid faa’iido badan u leh qoysaska barakacayaasha ah, isagoo xusay inay tahay mid dhinaca caafimaadka ka saacidaysa qoysaska la siiyay.

 

Madaxda FERO ayaa sheegay in qoyskiiba la siiyay hal biyo sifeeye, hal caag oo 20-liitar qaad ah iyo iyo 12-saabuun, isagoo sidoo kale sheegay in 3,176 jirgaamo, saabuun iyo kalooriin ah ay u qaybiyeen barakacayaasha.

 

"Werwerka laga qabo cudurrada biyaha wasaqeysan ka dhasha awgood ayay FERO qalabka ugu qaybisay 500-qoys ee ku jira 25-ka kaam, si ay u helaan biyo nadiif ah oo ay cabaan, waxaana dadka ku boorrinay inay ku dadaalaan nadaafadda biyaha," ayuu yiri madaxa hay'adda FERO.

 

Dhinaca kale, baahida ugu weyn isla markaana ugu muhiimsan ee ay qabaan barakacayaasha ku jira kaamamka Muqdisho ayaa ah helitaanka biyo nadiif ah oo ay cabaan.

fero%206.jpg

FERO%207.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this