Somalina Posted July 13, 2011 Kulan ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kampala ayay kusoo dhaweeyeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyadoo amaanka si weyn loo adkeeyey goobtuna ay ahayd hoolka Somali Community ee xaafada Kiseenya ee magaalada Kampala ee dalka Uganda halkaasoo ay Soomaalida si weyn u degan yihiin uguna ganacsadaan. Dadweynaha wajiyadooda waxaa ka muuqatay farxad iyo reyn reyn iyadoo ay ahayd markii ugu horeysay oo nin madax ka noqday Soomaaliya ay sidaan oo kale ula kulmaan. Dadkii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Nabadoonka beesha XXXXX Xasan Macoow Cabdalla, Wakiilka siyaasada Beesha XXXXX Maxamed Cabdigaas, Gudoomiyihii hore ee degmada Kaaraan Marwo Xasan Ceynte, Abwaan Khaliif, Mid ka mid ah Jaaliyada Sweden Mr. Xasan Macallin Cabdulqaadir ”Ugaaska”, Xaaji Xasan iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Uganda Mr. Xuseen Abuukar Garweyne. Sidoo kale Wariyeyaasha Qurba joogta ayaa waxaa u hadlay Cabdinuur Maxamed Kediye isagoo urajeeyey Ra’iisul wasaarihii hore inuu gaaro meesha u haatan gaaray meel kasareeyso. Dhamaan dadkaasi waxay aad ugu dheeraadeen amaanta mudadii uu xilka haayey Farmaajo iyo guulihii ay dowlada ka gaartay dagaalada iyo Maamulka magaalada Muqdisho. Waxaa halkaasi lagu soo dhaweeyey Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaailya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ugu horeyn wuxuu ku hadlay luuqada Ingiriisiga maadaama ay halkaasi ku sugnaayeen wariyeyaal iyo madax kasocotay dowlada Uganda. Mr. Farmaajo ayaa ugu horeyn amaan usoo jeediyey dowlada Uganda iyo Burundi kuwaasoo uu ku amaanay kaalintii ay ka qaateen dagaalada ay kula jiraan kooxaha Alshabaab iyo Al- Qaacida iyo sidii wacnayd ee ay ulasoo shaqeeyeen mudadii uu xilka hayay. Farmaajo wuxuu aad ugu dheeraaday hadal uu hore u yiri taasoo ahayd in Soomaaliya aysan xur ahayn isla markaana laga xukumo dibada taasoo uu ku sheegay inuu ula jeeday in dadyoow ka kala yimid Afrika, Aasiya, Ameerika iyo qaaradaha kale ay ku biireen ururka Al-shabaab iyo Al-qaacida taasoo uu ku nuuxnuusaday in janno laga soo doontay Soomaaliya wuxuuna aad ula yaabay in jannada laga soo doonanayo Soomaaliya ay taalo dalalka ay ka dhasheen taasoo buu yiri maay aadaan dalalkooda oo ku jihaadaan waxa ay Soomaaliya usoo safriyeen. Sidoo kale wuxu Ra’iisul Wasaarihii hore Mr. Farmaajo ka hadlay mudadii uu xilka haayey inuu kasbaday inuu sugay Amaanka isla markaana uu mushaarooyin bixiyey, iyo isagoo runta ku dhaqi jiray Xukuumadii uu madaxda ka ahaa. Ugu danbeyntii wuxuu ku booriyey jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda inay la shaqeeyaan dowlada ay martida u yihiin wuxuuna aad u amaanay madaxweynaha Uganda Yuweri Mussafeni isagoo ku sheegay inuu yahay geesiga Afrika, sidoo kale wuxuu caruurta ku booriyey in dugsiyada la geeyo waalidiintana ay ka dheeraadaan cunista qaadka tasoo dhaawac u ah qoysaska soomaaliyeed. Dhanka amaanka ayaa waxaa loo xilsaaray Xoghayaha Arrimaha Qaxootiga Somali Community Mudane Cabdi Maxamuud Maxamed ”Cabdi Boolis” kaasoo aad uu shaqeeyey in si nabad iyo kala danbeyn ay ku dhamaato shirkii ka dhacay magaalada Kampala – Uganda. Maxamed Cabdulle Xasan ”Siidi” soomaalidamaanta@live.com Kampala – Uganda Quote Share this post Link to post Share on other sites