Somalina Posted September 28, 2011 Warka isii hee! shirib iyo guurow, Sharif lee ku shubtey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted September 28, 2011 Maki Interior decorator-ka shaqada halaga eryo. Maxaa waaye saan? Madexweynaha toys maloo ogoleen markuu yaraa. Bobcat inuu koro jecelyahay markuu arko. lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted September 28, 2011 Yaaah Madaxweynaha waaka baxsaday maanta minoow shirbaayo, shariifka wuxuu ku shirbooya jabka shabaab wuxuuna leeyahay sida tan seddex walxaato ba ku taal bayaanee shabaab ku burbureen Bergo dhaqaalle ii beeso la'aan ineey uu burburtay waa bayaan Bin laden ii fuzul berigeey baxeen iney uu burburtay waa bayaan khilaaf baaxad lahoo beryo uu tiil iney uu burburtay waa bayaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted September 28, 2011 Arbaca, September 28, 2011 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa maanta xarunta gobolka banaadir kula kulmay dadweyne aad u faro badan oo ay ka mid yihiin ururrada haweenka Soomaliyeed, dalinyarada, barbaarta gaashaaman, hobollada waabari, hobolada heegan iyo shacab ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaliyeed. Xafladdaan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo abaabulay ayaa waxaa isugu yimid dhamaan ururada haweenka Soomaliyeed, iyagoo muujiyay midnimo ku salaysan taageerada Madaxweynaha, xukuumadiisa iyo ciidamada qalabka sida. Madaxa haweenka qaranka Soomaliyeed Caaso Cumar Geesdiir ayaa sheegtay in ay ka go’antahay ururada haweenka in ay ka shaqeeyaan nabada, dib-u dhiska iyo horumarka shacabka Soomaliyeed. Sidoo kale Madaxa ururada haweenka ayaa u mahad celiyay Madaxweyne Shariif sida uu har iyo habeen ugu shaqeeyo umada Soomaliyeed si loo helo nabad iyo nadaam dowladnimo. Hobolada waabari iyo heegan ayaa majaajilo iyo heeso wadani ah ku soo ban dhigay goobta, taas oo xasaasad weyn ku abuurtay dadweynihii ka soo qayb’galay xaflada. Sidoo kale hobolada waabari iyo heegan ayaa qaaday heeso lagu amaanayo Madaxweynaha kana turjumaya guulaha laga gaaray cadowga ummada Soomaliyeed ee Al-Shabaab/Al-Qaeda iyo hur-u-socodka hanaanka nabada iyo dowladnimo. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliyeed Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa qudbo qiiro leh ka jeediyay xarunta gobolka banaadir oo lagu qabtay xaflada. Madaxweyne Sharif ayaa u mahad ceiliyay ururada haweenka Soomaliyeed sida sharafta mudan oo ay ugu midoobeen maslaxada dadkooda iyo dalkooda, Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku booriyay haweenka in ay hormuud ka noqdaan nabada, midnimada iyo taakulaynta shacabka Soomaliyeed oo la macaluulsan abaaraha.Ugu dambayntii Madaxweynaha ayaa ka bilaabay aga’gaarka kawaanka malaayga ee xaafada xamerweyne tilaabadii ugu horeysay oo loogu tala’galay in maanta ay noqoto bilowgii asbuuca nadaafada. Madaxweynaha ayaa isticmaalay gaadiidka loo adeegsado gurida qashinka ee loo yaqaano cagaf cagafta, Madaxweynaha ayaa ku soo lugeeyay deegaano badan oo ka tirsan xaafada xamarweyne ee magaalada Muqdisho. Hiiraan Online News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted September 28, 2011 oba hiloowlow;748726 wrote: Yaaah Madaxweynaha waaka baxsaday maanta minoow shirbaayo, shariifka wuxuu ku shirbooya jabka shabaab wuxuuna leeyahay sida tan seddex walxaato ba ku taal bayaanee shabaab ku burbureen Bergo dhaqaalle ii beeso la'aan ineey uu burburtay waa bayaan Bin laden ii fuzul berigeey baxeen iney uu burburtay waa bayaan khilaaf baaxad lahoo beryo uu tiil iney uu burburtay waa bayaan Iney burburtey waa bayaan! Oba, well done! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted September 28, 2011 Qudbada Madexwayne Sheikh Sharif Sheikh Ahmed. http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2011/09/Riix-Halkaan-Si-Aad-U-Dhageysato-Khudbadda-Madaxweynaha-Jamhuuriyadda-Uu-Ka-Jeediyey-Xarunta-Gobolka.mp3 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted October 2, 2011 Madaxweynaha DFKG Soomaaliya Oo Booqdey Xeryaha Barakacayaasha Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted October 2, 2011 Warsaxaafadeed:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa maanta kor’meer ku soo maray qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalda Muqdisho. Madaxweynaha ayaa booqday goobahan ay barakacayaashu ku suganyihiin si uu ugu kuurgalo xaalada ay ku jiraan isagoo war’bixin ka dhageystay qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah. Madaxweyne Shariif ayaa horaantii booqday baqaar ku yaala degmada xamar jajab oo cunto loogu qay’binayay dad badan oo barakacayaal ah. Madaxweynaha ayaa war’bixin ka helay shaqaalihii ka howl galayay goobta iyo qaar ka mid ah barakacayaasha si uu u xaqiijiyo in gar’gaarka bino’aadnimo uu gaaro dadka loogu talagalay. Madaxweyanaha ayaa booqashadiisa ku soo gaba’gabeeyay xerada weyn ee Rajo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne aad u farabadan oo ka tirsan barakacayaasha xerada Rajo. Sidoo kale waxaa goobta Madaxweynaha ku soo dhaweeyay war’bixina siiyay Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed M. Tarzan, Gudoomiyaha Degmada Madiina Axmed Daaci iyo wakiilka ha’yada Turkish Red Crescent Kamal. Kadib war’bixin uu ka helay madaxda xerada iyo ha’yadaha ka howl gala ayuu Madaxweynuhu dhex lugeeyay barakacayaasha si uu u ogaado habka gar’gaarka bino’aadnimo uu u socdo iyo baahida jirta wali. Ha’yada Turkish Red Crescent ee ka howl gasha xerada Rajo ayaa u soo bandhigtay Madaxweynaha mashruucyo ay ka mid tahay dhisme loogu talagalay in ay dhalinyaradu ku ciyaaraan iyo tababaro loo fidiyay shaqaale oo dhisay wado dheer oo uu Madaxweynahu ku lu geeyay. Xafiiska Madaxweynaha Faafin Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted October 2, 2011 "Madaxweyne Sheekh Shariif Sheikh Axmed oo ay u billaabatay kasbashada kalsoonida shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba" ayuu yiri Xildhibaan Aw-Hilowle Laga soo billaabo 6dii bishii August 2011 oo ah markii ay Ciidamada Al Shabab ay faarujiyeen meelo badan oo ay kaga sugnan jireen gudaha Soomaliya, markii ay u babac-dhigi waayeen awooda Ciidamada DFKMG oo kaashanaayey Ciidamada Amisom, uuna hoggaaminayay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah taliyaha guud ee Ciidamada kala duwan ee dalka ka hawl-gala, wixii ka danbeeyey guushaas ay gaareen Ciidamada qalabka sida ee Somaliyeed iyo kuwa Amisom oo iskaashanaaya, wuxuu shacabka Somaliyeed gudaha iyo dibadaba billaabey inay aaminan hoggaamiyanimadiisa Madaxweyne Sheekh Shariif ( credence), sidoo kale hanbalyo loo diro dhammaan Ciidamada kala duwan ee qaranka, kuwa Amisom, Xukuumada iyo dhammaan hay'adaha kala duwan ee DFKMG ah inta ka qeyb qaadatay guushaas la gaaray. Shacabka Soomaliyeed kuwooda ku nool gudaha Soomaliya iyo kuwa ku nool dunida dacaladeedaba, waxaa aad u soo jiidatay sida uu Madaxweynuhu, habeen iyo maalinba u dhiiri-geliyo dhammaan Ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliyeed iyo kuwa Amisom, asagoo markasta gaaf-wareega aagagga hore ee jiida-dagaalka, xerooyinka Ciidamada, Cisbitaalada ay jiifaan dhaawacyada kala duwan ee Ciidamada qaranka, shacabku waxa kalow soo dhoweeynayaa beyshka cusub ( new page) uu dhowaan furtay madaxweynuhu oo ah "la shiribka Barbaarta Gaashaaman iyo dhex-galka shacabkiisa" ( Public Relation). Shacabka Somaliyeed, waxaa kalow aad iyo aad ugu riyaaqay soona dhoweeyeen " Raali-gelintii uu dhowaan u jeediyey wallalaha heer waqooyi ee Somali-land ( apology)", asaga oo ku hadlaayay magaca shacabka Somaliyeed, kan Dowlada FKMG ah ee Soomaliyeed iyo kiisaba. Dhinaca Abaaraha, runtii Shacabka somaliyeed aad iyo aad ayuu uga niyad jabsan yahay sida loo musuq-maasuqo gar-gaarka bani'aadanimo ee gaaray guud ahaan Soomaliya, gaar ahaan casimada Somaliya ee muqdisho oo ay dhacaan kooxo isku xiran, iyaga oo isticmaala " dallaalin aan is-aqoon", dallaalintaan oo loo isticmaalo qaabka u'eg sida qaabka ay isticmaalaan kuwa ka ganacsada "Daroogooyinka" waa-weyn ( Drug Dealers system), balse shacabka Soomaliyeed wuxuu aad ugu farxey Madaxweynaha oo qalabka warbaahinta kala duwan, cod-dheer uga dhawaaqiyey tariikhdu markey aheyd September 28, 2011, in wixii hadda ka danbeeye gacan bir ah lagu qaban-doono kooxaha caadeystay xatooyada macaawinooyinka loogu talagalay masaakiinta u dhimanaysa baahida awgeed daqiiqad kasta, haddii ay dowladu ku guuleysado joojinta dhicitaanka macaawinooyinka uu adduun-weynuhu ugu deeqey masaakiinta baahida u dhimanaysa, waxaa kor u sii kici doona kal-soonida uu shacabku u haayo Madaxweyne Sheikh Shairif iyo dowlada uu hoggaamiyo qeybaheeda kala duwan. Waxaa kaloo shacabka Soomaliyeed niyadiisu, kici lahay haddii ay Ciidamada qalabka sida iyo kuwa Amisom ay dhaq-dhaqaaqo Ciidan ka bilabi-lahaayeen, goballada iyo deegaanada uu Al Shababku ku haysto xaaraanta iyo " diin si khaldan loo fasiraayo" , goballada iyo deegaanada aadka loogu baahan yahay in laga billaabo dhaq dhaqaaq ciidameed waxaa ka mid ah gobalka shabbellaha dhexe, gobalka Sh.hoose, gobalka Hiiraan, Bay iyo Bakool, deegaano badan oo ka mid ah goballada dhexe, Jubbooyinka iyo meel-kasta ee uu Al Shabab kaga sugan yahay gudaha Soomaliya. Waxaan dhowaan kula kulmey gobalka Minnesota ee wadanka Mareykanka seddex (3) Abwaanin oo aad caan uga ah Soomaliya idilkeed, waxayna seddexdooduba ii sheegeen inay dhowaan soo saari-doonan " heeso cusub" oo lagu muujinaayo wax qabadka fiican ee Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Ahmed muddooyinkaan danbeeyey. Xildh. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted October 3, 2011 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Maanta Kormeeray Degmooyin Ka Tirsan Banaadir Oo Ay Howlo Nadaafadeed Ka Socdaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted October 3, 2011 Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday degmooyinka Muqdisho qaarkood lana kulmay guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta socod kusoo maray qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo 16-ka degmo ee gobolka Banaadir la kulmay kalana hadlay xaalado ay ka mid yihiin ammaanka, nadaafadda iyo sidii gargaarka bani’aadamnimo lagu gaarsiin lahaa barakacayaasha. Mudane Sheekh Shariif wuxuu u sheegay guddoomiyeyaasha gobolka in la haysto fursad lagu xaqiijin karo ammaanka shacabka Soomaaliyeed, laguna bedeli karo qaabkii hore ee lagu shaqeyn jiray. Iyadoo madaxweynuhu uu nasiib-darro ku tilmaamay in warbaahinta qaarkeed ay baahiyaan warar sheegaya in la magacaabay mas’uulkii lagu bedeli lahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu kormeer ku tagay dagmooyinka Shangaani, Xamar-weyne, Wardhiigley iyo Yaaqshiid oo isugu jira kuwii ay ka baxsaday Xarakada Al-shabaab iyo kuwii ay ka talinaysay dowladda KMG ah, isagoo tagay goobo ay ka socdaan howlo nadaafadeed oo uu horay ugu dhawaaqay. Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu kaloo booqday kawaanka kalluunka ee degmada Xamar-weyne si uu ugu kuurgalo nadaafadda suuqaas iyo sida ay u socdaan howlihiisa ganacsi. Ugu dambeyn, madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu booqday goobaha taariikhiga ah ee ku yaalla degmada Shingaani, kuwaasoo qaarkood la dhisay muddo fog, isagoo sidoo kale tagay masjid qarniyo dhisnaa oo ku yaalla degmadaas. Booqashadan ayaa waxay qayb ka tahay booqashooyin toddobaadkii hore iyo midkan uu ku marayo degmooyin ka tirsan Muqdisho, kuwaasoo u badan kuwii ay Xarakada Al-shabaab ka baxday bil ka hor oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites