Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: Madaxweyne Sheik Sharif oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Talyaaniga

Recommended Posts

Somalina   

Somaliya.jpg

 

Isniin, July 11, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku qaabilay Villa Soomaaliya wafdi ka socday dowlada Talyaaniga. Wafdigan ayaa waxaa horkacayay Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada ee dalka Talyaaniga Mudane Alfredo Mantica.

 

Madaxweynaha ayaa ugu horreyntii ugu mahadceliyay wafdiga balaaran, boqashada ay ku yimaadeen dalka Soomaaliya. Wuxuuna u sheegay in waqtigaan la joogo shacabka Soomaaliyeed ay haysato dhibaatoyin la xariiro abaaro iyo amni daro, haddana si deg-deg ah loogu baahan yahay kaalmo bini’aadnimo oo loo fidiyo shacabka Soomaliyeed.

 

Mudane Alfredo Mantica ayaa ballan-qaaday inay dowlada Talyaaniga si deg-deg ah kaalmo kusoo gaarsiinayaan Soomaaliya si loo badbaadiyo shacabka dhibaateysan oo macluusha u dhimanayo.

 

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii ku wargeliyay inay dowlada wax badan ka qabatay dhinaca amniga, iyadoo kaashaneysa ciidamada Midowga Africa uguna mahadcelisay dowlada Talyaaniga kaalmada joogtada ah ay ka geeysato horumarka xagga amniga.

Madaxtooyo.jpg

Dhanka kale, wafdigan ayaa kulammo la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya isagoo kala hadlay xaaladda dalka uu marayo, wuxuuna ugu dambeyn sheegay in dalkiisu uu hal Milyan oo EURO uu ugu deeqay shacabka Soomaaliyeed.

 

Wafdigan ayaa noqonaya kii ugu sarreeyay heerkiisa oo ka socda Talyaaniga oo booqda Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaana markii ay kulammada dhamaadeen wafdigu ay dib uga dhoofeen Muqdisho.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

July 11, 2011------Wefdi sare oo ka socday dowladda Talyaaniga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoo ay kulamo la qaateen madaxda ugu sareysa Dowladda waxayna sidoo kale kormeer ku tageen Xaruntii Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku taala KM5 Degmada Hodon.

 

Wefdigan oo uu hor kacayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga Mudane Alfredo Mantica ayaa waxaa kaloo xubno ka ahaa Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Safaarada Soomaaliya Stefano DJek, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga iyo sarkaal sare oo dhanka Ammaanka ah.

 

Wefdiga ayaa ugu horeyn kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Dr. C/weli Maxamed Cali waxaana ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar, R/Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Fiqi, Wasiirka Caafimaadka Dr. Aadan iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska R/wasaaraha, waxaana R/wasaaruhu uu warbixin ka siiyay xaaladdaha wefdiga arrimaha Amniga, Abaaraha iyo xiriirka Dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyagoo dhankoodana wefdiga Talyaanigu ay warbixin ka siiyeen socdaalkooda iyo muhiimada ay u leedahay.

 

Sidoo kale, wefdiga ayaa u sii gudbay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan halkaasoo ay kula kulmeen guddoomiyaha iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

 

Waxaa kale oo ay kulan albaabadu u xiran yihiin la qaateen madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed waxayna ka wadahadleen arrimo ku saabsan gargaarka Bani’aadaminimo ee shacabka Soomaaliyeed oo ay ku dhufteen abaaro xoogan oo dad iyo duunyaba saameyn ballaaran ku yeeshay isagoo madaxweynuhu ka codsaday in gar gaar deg deg ah loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Ugu dambeyntiina wefdiga ayaa u sii gudbay Xaruntii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku taala KM5 waxayna halkaasi faah faahin uga bixiyeen ujeedada safarkooda iyo balanqaadyo ay halkaasi ku sameeyeen.

 

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mr. Alfredo Mantica ayaa sheegay in ujeedada safarkoodu uu ahaa sidii ay u soo kormeeri lahaayeen xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya gaar ahaana hay’addaha Dowladda KMG ah wuxuuna xusay in sidoo kale ay safarkooda uga gol leeyihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen taageero dhaqaalena ugu bixin lahaayeen marxaladda abaaraha ee ka jira dalka.

 

“Anigoo ka faa’iideysanaya fursadan waxaan halkan ka balan qaadayaa in 2.5 Milyan Eouro aan ugu talo galnay dib u dhiska Isbitaalkii Martiini si shacabka Soomaaliyeed ay uga helaan adeeg caafimaad, sidoo kalena waxaan halkan ka cadeyneynaa inaan u qoondeynay 1 Milyan oo Euro inaan ku bixin doono arrimaha gargaarka Bani’aadaminimada” ayuu yiri Mr. Alfredo.

 

Dhinaca kale, wuxuu ugu baaqay dhamaan hay’addaha Caalamka iyo kuwa Q/midoobay inay gar gaar deg deg ah fidiyaan shacabka Soomaaliyeed isagoo xusay in marxalada haatan dalka Soomaaliya ka jirta ay mudan tahay taageero.

 

Dhinaca kale, waxa uu sheegay Mr. Alfredo in dowladda Talyaanigu ay dhowaan ka furan doonto gudaha magaalada Muqdisho Safaaradooda taasoo uu sheegay inay rajeynayaan in si rasmi ah ay kor ugu qaado xiriirka labada wadan “Waxaan rajeyneynaa in safaaradeenu ay soo degto kuna shaqeyso gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho” ayuu yiri Wasiiru wuxuuna rajeeyey inay ku dayan doonaan safaarado badan oo dowladdaha Yurub ka mid ah.

 

 

Garad Salad Hersi

Communication Director, office of the PM

Mobile: +252-615536608

+252-6-2536608

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyne Shariif oo booqasho ku tagay Xerada Badbaado iyo socod uu ku maray Xaafadaha Madiino

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markii u horeysay maanta booqasho ku tagay Xerada Badbaado ee duleedka degmada Madiino ee Gobolka Banaadir, halkaasoo dhowaan dib u dejin loogu sameeyay kumanaan qoys oo ka soo barakacay abaaraha ka jira Gobolada dalka.

 

Madaxweyne Shariif oo booqashadiisa ku wehliyeen Ra'iisul Wasaare xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska iyo Saraakiil kale.

 

Xerada cusub ee Badbaado ayaa Madaxweynaha waxaa ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Gudiga Abaaraha, isagoo halkaas ku kormeeray goob dadka lagu quudiyo ee raashinka lagu kariyo, isagoo dhadhamiyay raashinka loo karinayay barakacayaasha.

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu tagay goob caafimaad oo ka furan Xerada Badbaado ee lagu daaweeyo dadka dhibaatada heysa iyo caruurta nafaqada darada ah, waxaana uu sheegay in wax badan iska badaleen xaaladihii hore, isagoo uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyed sida ay ugu kaceen gurmadka dadka abaaraha ka soo barakacay.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa uu uga mahad celiyay qaar ka mid ah Hey'adaha sama falka oo codsigooda ka soo jawaabay, waxaana halkaas uu ku gudoonsiiyay deeq ka timid Gudiga gurmadka abaaraha oo isugu jirtay Darimo iyo alaabo kale loogu tala galay barakacayaasha.

 

Intaas kadib ayaa Madaxweynaha waxaa uu ka soo tagay xeradaas, isagoo gaadiidka uu saarnaa ee Ciidamada AMISOM kaga degay Xaafadaha degmada Madiino, isagoo lug ku maray jidka Laamiga ee hor marta Saldhig Galbeed, Xaafada Dabakaayo-Madow iyo dhismayaal ganacsi oo ku yaala hareeraha wadooyinka.

 

Dadweynaha reer Madiina ayaa lama filaan ku noqotay socodka uu Madaxweynaha xaafadahooda ku maray, kuwaasoo qaarkood soo buuxiyay wadada hareeraheeda, isla markaana sacab iyo hadalo soo dhoweyn ah ku hadaaqayay.

 

Madaxweynaha ayaa gacan qaaday dadkii hareeraha wadada taagnaa ee isugu soo baxay si ay u soo dhoweeyaan, waxaana ay aheyd markii u horeysay ee Madaxweynaha mid ka mid ah Xaafadaha degmooyinka Gobolka Banaadir aadka loogu soo barakacay uu socod ku maro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyne Shariif oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kula kulmay Magaalada Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo kulankan uu ka dhacay Qasiriga Madaxtooyada.

 

War saxaafadeed ka soo baxaday Xafiiska Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu sheegay in kulanka Labada Madaxweyne diirada lagu soo saaray arrimaha ammaanka, siyaasada iyo abaaraha.

 

Madaxweyne Shariif oo kulanka kadib saxaafada kula hadlay Jabuuti ayaa sheegay in Madaxweynaha Jabuuti ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, ammaanka, iyo arrimaha bani'aadanimada sidii wax looga qaban lahaa.

 

Waxaa uu uga mahad celiyay Dowladda Jabuuti sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliyed.

 

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale waxaa uu ugu hambalyeeyay shacabka Jabuuti iyo Madaxweynahooda bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

shariif-jabuuti_2.jpg

shariif-jabuuti_3.jpg

shariif-jabuuti_1.jpg

shariif-jabuuti_4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyne Shariif oo booqday dhaawacyada ku jira Isbitaalka Xalane

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka Xalane, halkaas oo ay ku jiraan dhaawacyo dad rayid ah iyo Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ee ku soo dhaawacmay dagaalada.

 

Madaxweynaha ayaa deeq lacageed gudoonsiiyay Bukaanada Isbitaalka ku jiro, sidoo kale waxaa uu booqday Xarun ay leeyihiin Ciidamada Nabad ilaalinta ee ka socda Brundi, oo saraakiishooda la kulmay.

Booqashada ayaa Madaxweynaha waxaa kula wehliyay Ra'iisul wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.

 

Madaxweyne Shariif ayaa la kulmay Taliye xigeenka labaad ee Ciidamada AMISOM oo ay ka wada hadleen xaaladaha ammaanka iyo howl galada socda, waxaana sidoo kale isla soo qaadeen xaaladaha abaaraha iyo sida dadka wax looga qaban karo.

 

Hadal uu Madaxweynaha halkaas saxaafada ku siiyay ayuu sheegay in in Al-Shabaab iyo Al-Qaacida aysan dadka u ogoleyn wax nolol ah, isagoo ugu baaqay shacabka inay garab istaagaan Ciidamada Dowladda.

 

"Waa in shacabka ay hal meel uga soo wada jeestaan Kooxahaas, dalka dhibaatada ku haya, Al-Qaacida iyo Al-Shabaab dadka uma ogola inay nolaadaa, sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in dalka laga xoreeyo"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo mar kale ku celiyay in howl galadii Ammaanka ay dib u bilowdeen ilaa laga ciribtiro Al-Shabaab aanu joogsan doonin.

 

Madaxweynaha oo xirnaa dareyska Milateriga ayaa booqashada uu ku tagay Xarunta Xalane oo ah taliska ugu weyn ee looga arrimiyo Howl galka AMISOM ayaa ku soo beegmeysa xilli dagaalo culus ay ka socdaan maalintii 3aad Magaalada Muqdisho.

sharif-xalanos_1.jpg

sharif-xalanos_2.jpg

sharif-xalanos_3.jpg

sharif-xalanos_4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shariif_Zenawe.jpg

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya

Monday, August 01, 2011

Addis Ababa, Ethiopia

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa la kulmay maanta Raisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi. Labada masuul ayaa waxeey ka wada hadleen abaaraha baaxada weyn ee ka jira Soomaaliya iyo sida xun ay Al-Shabaab/Al-Qaeda ay uga soo horjeesteen in shacabka gaargaar loo fidiyo.

Madaxweyna ayaa u sheegay Raisul Wasaaraha in qaxooti aad u farabadan ay saacad walba usoo gudbaan xuduudaha ay Soomaaliya la leedahay Itoobiya iyo Kenya.Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka codsaday in ay dowladda Itoobiya kaalmeeyso shacabkaas kasoo qaxay Al-Shabaab/Al-Qaeda. Raisul Wasaaraha ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay Itoobiya marwalba ay garab taagantahay Soomaaliya lana wadaagay Madaxweynaha waayo arragnimo ay u leedahay Itoobiya xagga abaaraha. Sidoo kalena sheegay in ay Itoobiya ka saacideyso dhanka logistical ka iyo sidii ay ugu qeybqaadan laheeyd gargaar la gaarsiiyo xuduudaha Soomaaliya iyo gudaha Soomaaliya.

 

Shariif_Zenawe1.jpg

Dhinaca kale labada Masuul ayaa ka hadlay amniga Geeska Africa iyo sida ay muhiim u tahay in Soomaaliya loo helo xal nabadeed iyada oo la og yahay in ay Soomaaliya hada Al-Shabaab/ Al-Qaeda iyo Abaara xun ay ka jiraan, taasna ay u gudbi karto dhamaan Geeska Afrika.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyo Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Mudane Maxamed Maxmuud Xaaji Ibrahim,Wasiirada Haweenka iyo qoyska Marwa Maryan Aweys,iyo Wasiirkiii hore ee hawlaha guud iyo Dib u dhiska Mudane Cabdi Rashiid Khallif Xaashi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Sudan says ready to provide assistance for famine-hit Somalia

 

Monday, August 01, 2011

 

Khartoum, Sudan (Xinhua) - Sudan said Monday it was ready to provide assistance for Somalia, which is facing grinding famine due to violence and drought, Xinhua reported.

 

Sudanese President Omar al-Bashir and Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed on Monday held talks in Khartoum, focusing on the general situations in Somalia and the region and means of cooperation.

 

"The main purpose of the visit is to discuss the drought which caused the famine in Somalia and the means of assistance which Sudan can provide for its brothers in this respect," the Somali president said.

 

"Sudan has declared its readiness to provide the assistance and President al-Bashir has reiterated Sudan's permanent readiness to stand with Somalia," he added, commending Sudan's supportive stances to Somalia.

The Somali president described the Arab and African stance towards supporting Somalia in the famine as "good but not coordinated," pointing out that he reviewed with President al- Bashir how to coordinate the efforts in this connection, the report said.

 

The Somali president arrived in Khartoum on Monday accompanied by a number of ministers and officials. His visit would last for two days during which he would hold talks on the means of cooperation between the two countries.

Source: Xinhua

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wafdi oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay magaala-madaxda waddanka Burundi ee Bujumbura.

 

Madaxweynuha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa gurigiisa ku qaabilay Madaxweynaha Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed iyo waftigiisa. Kadib markii uu dhamaaday shir ay ka qayb galeen masuuliyiin sar-sare oo ka socda labada wadan ayaa waxaa shir gaar ah yeeshay labada Madaxweyne.

 

Shirkaan ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahayeen horumarkii laga gaaray dhanka amniga siiba magaalaga Muqdisho, abaaraha ba’an ee ka jira dalka, la dagaalanka Al-Shabaab/Al-Qaeda iyo sidii loo xoojin lahaa xirriirka iyo caalaqaadka labada wadan.

 

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomalia Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa waydiistay dhiigiisa Burundi in uu ka taageero dowladiisa sidii ay ugu biiri lahayd East African Community. Madaxweynaha Burundi oo ka jawaabaya codsigaas ayaa balan-qaaday in dowladiisu ay u olo-oleyn doonto Soomaliya.

 

Madxweynaha Burundi ayaa uga mahad-celiyay Madaxweynaha Soomalia horumarkii ay dowladiisu ka gaartay dhanka amniga iyo siyaasada bilihii la soo dhaafay, Si doo kale Maxweynaha Soomaliya ayaa uga mahad-celiyay Madaxweynaha Burundi, xukuumada iyo shacabkiisa sida hagarla’aanta ah oo ay u taageereen wallalahood Soomalia. Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga tacsiyeeyay xukuumada iyo shacabka Burundi askartoodii ku dhimatay ama ku dhaawacantay dagaaladii lagu xoreynayay shacabka Soomaliya.

 

Waftiga Maxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada, Wasiirka Ganacsiga iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

 

DHAMAAD -

 

boqasho-brundi_1.jpg

boqasho-brundi_4.jpg

boqasho-brundi_5.jpg

boqasho-brundi_6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Shariif oo u ambabaxay Turkiga

 

 

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa u ambabaxay dalka Turkiga, halkaas oo maalinta berri ka furmi doona shir looga hadlay abaaraha, kaasoo dhaqaalo loogu uruurinayo Abaaraha iyo macluusha aafeeyay dalka Soomaaliya.

 

Booqashada Madaxweyne Shariif ayaa waxay la xiriirtaa mid horu dhac u sii ah, booqasho heer sare oo la filayo in maalinta khamiista uu ku yimaado Magaalada Muqdisho Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Rajab Tayib Erdogan.

 

Madaxweynaha ayaa diyaarad ka qaaday garoonka wax yar kadib markii uu halkaas ka dhoofay Madaxweynaha Jabuuti oo socdaal aan horay loo sii shaacin ku yimaaday maanta Magaalada Muqdisho.

 

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweyne Shariif ayaa booqasho maalin ku joogi doona dalka Turkiga, isagoo kadibna ku soo laaban doona Magaalada Muqdisho, si maalinta khamiista ee soo socota ugu soo dhoweeyo Ra'iisul Wasaaraha Turkiga.

 

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliye Ra'iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada iyo xubno kale.

 

Qaban qaabo xoog leh ayaa ka socota Magaalada Muqdisho oo ku aadan soo dhoweynta Ra'iisul Wasaaraha Turkiga, iyadoo booqashadii maanta uu ku yimid Madaxweynaha Jabuuti ay bilow u noqotay in indhaha Caalamka uu u soo jeesto Soomaaliya, isla markaana Madaxda caalamka ay tusaale u noqoto Booqashada dalka colaadaha la dageen mudada labaatanka sano.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool...Shariif oo diyaarad soo lease-garaystay miyaaba cag dhigaya? lol. Malaha rikoorkii safarka madaxweyneyaasha adduunka ayuuba jebiyey (10 beri wax ka yar buu 5 waddan tegey oo weliba hal mar iskuma wada marine markasta Muqdisho ku soo noqday).

 

Dowladdana hadda lacagtii taageerada caalamka waa laga yareeyey oo baaritaanno ayaa ku socda maadaama laguu eedeeyey in illaa tii A/Yuusuf iyo Geeddi lacag la lunsanayey ee yaa yiraahda ninkaan shidaalka iyo lacagta kugu baxaysa dhaqaalee, haddii kale waxa Xusni Mubaarak haysta waa aragtay oo ku quuso dheh illeen waxba kuma jabna in qaabka wax u socdaan ay Soomaliyana maxkamad yeelato. Waa taas haddaba ciyaalkii bililiqada maxkamad ciidan bakaaraha laga dhexfuray oo ay ku dhici la'yihiin inay bakaaro bililiqaystaan.

 

Horta waxaa ila habboon in kaam kasta oo dadka qaxootigu joogaan iyo dekkaddana maxkamad laga furo oo lagu qaado ciddii raashinka ummadda loogu gargaarayo dhaca.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Turkey's Erdogan urges aid for Somalia, criticises capitalism

 

17 Aug 2011 14:28 | Source: Reuters // Reuters

By Ibon Villelabeitia

 

ISTANBUL, Aug 17 (Reuters) - Turkish Prime Minister Tayyip Erdogan appealed on Wednesday for aid for drought-struck Somalia, criticising millionaires who drive luxury cars and the "Western world's" arrogance for ignoring the plight of the poor.

 

In a speech sprinkled with references to Islamic piety and criticism of Western capitalism, Erdogan told the Organisation of the Islamic Conference (OIC) the famine in Somalia was "a litmus test" not only for Muslims but for the whole of humanity.

 

"If you ride a luxury car you should be generous enough to people who are struggling with hunger," Erdogan told foreign ministers from the 57-nation OIC at an emergency summit in Istanbul to galvanise support for Somalia and drought-struck neighbouring regions.

 

"I hope the efforts (of the OIC) will mobilise the sleeping consciences. We hope the Western world, which likes to boast about its per capita income, shows its support for Somalia."

 

Muslim Turkey, a rapidly growing economy and multi-party democracy that has applied to join the European Union, is widely regarded as a model for growth for countries in the Muslim world and in the developing world.

 

The OIC summit, held during the Muslim fasting month of Ramadan, also offers host Turkey a chance to show its commitment to Africa when other emerging powers are scrambling for trade and investments in the resource-rich continent.

 

Erdogan, a pious Muslim who fasts during Ramadan, used his 30-minute speech to burnish his image as a hero among many Muslims, a status he has gained for his criticism of Israel and calls for Palestinian statehood.

 

"What can we say to people on the other side, making trillions of dollars, capitalising on others? What kind of civilisation is this?" he said, raising his voice at times.

 

"We come from the community of the Prophet, who says you cannot sleep peacefully if your neighbour is hungry. The Somali people are looking at us. Can we turn our gaze away?"

 

Erdogan will travel to Somalia on Thursday with his family. He plans to visit relief camps and will be joined by Foreign Minister Ahmet Davutoglu and his family.

 

Visits by foreign dignitaries are extremely rare in Somalia, which is plagued by war, anarchy and the risk of starvation among some 3.7 million Somalis.

 

Turkey is behind other emerging countries such as China, Brazil and India in the race for new markets in Africa, but under Erdogan's AK Party government, Turkey has boosted trade with the continent and opened several new embassies there.

 

Davutoglu later heads to South Africa and Ethiopia as part of an African tour aimed at raising Turkey's diplomatic presence in the continent and expanding business ties.

 

Erdogan, who recounted stories of Somali refugees forced to leave behind their dying children on days-long treks to relief camps, said Turkey would open six field hospitals in Somalia and send 20 tonnes of medication and 10 tonnes of food.

 

Somalian President Sheikh Sharif Ahmed, who will accompany Erdogan to Mogadishu, praised Turkey's role.

 

"I would like all the countries in the world to take Turkey as an example," he said.

 

(Writing by Ibon Villelabeitia; editing by Elizabeth Piper)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Turkey on Wednesday hosted an extraordinary session of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) on Somalia, which gave the country a chance to display its unity with the members of the organization and to raise its voice to call on the OIC to transform its desire to help into action to save the famine-stricken country.

The meeting, inaugurated by the Turkish Prime Minister Recep Tayyip Erdoğan, who judged the Somalia drought a test “not only for Somalis but for the conscience of humanity,” was held in İstanbul at the call of Turkey to discuss emergency measures to be taken to save more than 3 million Somalis that are facing the worst drought and famine in the last 60 years.

 

“Those who sleep while their neighbors are hungry do not belong with us,” Erdoğan said, citing one of the founding principles of Islam to mark that “the humanitarian understanding the Muslim states represent” obliges the member states of the OIC to do everything in their power help the Somalis.

 

Harshly criticizing the international community for “turning a deaf ear and a blind eye” to the suffering of millions of Somalis, Erdoğan expressed his wish for the efforts of the Muslim countries to become a wake-up call for the more developed nations of the world, which pride themselves for the welfare in their countries while they ignore the screams of Africa.

 

Erdoğan is scheduled to leave Turkey for Somalia on Thursday night along with some of the members of his Cabinet, including Foreign Minister Ahmet Davutoğlu and a few Justice and Development Party (AK Party) deputies as well as their families. “We hope that our visit will raise the spirits of the Somalis,” Erdoğan said of his upcoming visit to the country, which is deemed quite hostile particularly towards foreigners due to the unrest and clashes between gangs and the Somali state as well as the persistent contagious diseases.

 

Turkey has so far collected a cash donation of TL 200 million for Somalis and delivered 10 tons of medical supplies since the beginning of the Muslim holy month of Ramadan, according to Erdoğan’s statements. The prime minister also acknowledged that a Turkish Airlines (THY) cargo plane left the country on Wednesday with a dispatch of 20 tons of medical supplies, a mobile hospital weighing 10 tons and 20 tons of food aid, along with 21 health personnel to provide health assistance in a mobile hospital. Turkey had previously announced that it was ready to deliver up to six mobile hospitals to the country in places to be designated by the Somali state.

 

On the sidelines, Erdoğan held a separate session for bilateral talks with Somalia’s president, Sheikh Sharif Ahmed, who is expected to accompany Erdoğan on his trip to Mogadishu, the capital of Somalia. Sheikh Sharif was one of the participants of the OIC meeting along with the OIC secretary-general, Ekmeleddin İhsanoğlu; the foreign minister of Jordan, Nasser Judeh; Kazakh foreign minister, also the rotating president of the OIC, Yerzhan Kazykhanov; and ministers from the other prominent countries of the 57-nation organization.

 

In display of solidarity with the Somalian president “Turkey will continue to support the Somali state,” asserted Erdoğan, as he emphasized that a more securely established state in Somalia would increase the aid contribution of the world to the country and ensure a more effective distribution of the collected aid to hunger-stricken Somalis.

 

Turkey, deemed a rising political and economic power by the international media, is behind many other emerging powers of the world with its share in the African market, but during the tenure of the AK Party, the country expanded its commercial ties with the continent, as well as opening news embassies in countries that were never diplomatically reached by Turkey before.

 

It is widely considered as especially dangerous to visit Mogadishu after the military war between fundamentalist gangs and the Somali state ended in favor of the state forces, which increased the chances of suicide terrorist attacks. Although the armed gangs withdrew from the capital, the government admits they still do not have control over the entire city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this