Sign in to follow this  
Saalax

Lacago Been abuur ah oo lagu arkay magaalada Gaalkacyo(Dhageyso*)

Recommended Posts

Saalax   

Maamulaha Laanta Bankiga Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in lacago been abuur oo Sh.So. ah inay soo gashay suuqyada magaalada Gaalkayo,taasi oo uu sheegay inay qayb ka mid ah ay ku arkeen magaalada Gaalkacyo.

 

Cabdilaahi Cali Bare oo ah maamulaha laanta magaalada Gaalkacyo ee Bankiga Puntland oo la hadlayay Horseed Media ayaa sheegay in lacagahan lagu arkayay maalmihii ugu dambeeyay magaalada Gaalkacyo waxaana uu sheegay inaysan garanayn lacagahan halkii ay ka yimaadeen markii hore.

Dhageyso wareysiga

 

Waxaa uu sheegay maamulka Bankiga Gaalkacyo in lacagahan been abuurka ah inay wataan astaamo oo uu sheegay inay ka mid tahay mid aan tayo lahayn islamarkaana ay wadato calaamado gaar ah oo uu sheegay in loo isticmaalay samaynteeda tiimbaraha xafiisyada islamarkaana ay ku qoranyihiin xarafka D iyo lamabaro uu sheegay inaysan la mid ahayn lambarada lacagaha shilin Soomaaliga ee sida caadiga loo isticmaalo.

Gudoomiyaha oo Horseed Media ay wadiisay tirada lacagta been abuurta oo ay hayaan masuuliyiinta Bankiga Gaalkacyo ayaa waxaa uu kusoo koobay inay hayaan lacagahan dadka ku shaqada,waxaana uu intaasi raaciyay inay socdaan baaritaano kusaabsan lacagaha meelihii ay ka yimaadeen iyo qaabkii ay kusoo gashay magaalada Gaalkacyo.

 

Maamulaha bankiga Puntland laantiisa magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inuu usoo jeedinayo ganacsatada iyo dadwaynaha inay ka feejignaadaan isticmaalka lacagahan isagoona sheegay in dhibaatooyin xoogan ay ka dhalan karto isticmaalka lacagaha been abuurka.

 

Si kastaba sanadkii 24-kii June ee sanadkii 2010-kii ayay ahayd markii lacago cusub oo Sh.so. ah oo ganacsato magaalada Gaalkacyo ku sugan ay deen ahaan uga soo qaateen dowladda KMGS lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo,taasi oo markii dambe lagala baxay garoonka Gaalkacyo oo ay ku xanibnayd.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this