Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Indhacadde iyo Xildhibaan Seeraar oo isku heysta Guri aysan labadu laheynba

Recommended Posts

Is rasaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta Xaafada Taleex ee degmada Hodan ku dhex martay Ciidamo kala taabacsan Jen. Yuusuf Siyaad Indha Cadde iyo Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka.

 

Inta la og yahay hal ruux ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen oo ka mid ahaa Ciidamada labada dhinac kala taabacsan, iyadoo xiisad u dhaxeysa Labada dhinac caawa laga dareemayo degmada Hodan.

 

Warar la helayo ayaa sheegaya in labada dhinac uu ka dhex taagan yahay muran ku aadan guri ku yaal halkaas oo ay kala sheeganayaan lahaanshihiisa, waxaana arrintan ay keentay in si weyn looga dareemo Magaalada.

 

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa la sheegay inay arrintan soo jiitameysay, iyadoo si dhab ah aan loo ogeyn cida milkiyada u leh gurigaas, hase ahaatee ay jirto in Labada dhinacba aanay laheyn gurigaas oo horay looga barakacay.

 

Jen. Indha Cadde iyo Yuusuf Seeraar oo labadaba hal beel ka soo wada jeeda ayaa horay waxay u kala maamuli jireen Gobolada Jubooyinka iyo Shabellaha Hoose, iyadoo Seeraar uu ahaa Kuxigeenkii Isbaheysigii Dooxada Jubba ee ka ariminaya Jubooyinka.

 

Warar caawa na soo gaaraya ayaa sheegaya inay socoto waan waan ay wadaan Odayaasha beesha iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda oo arrinta soo fara geliyay caawa maqribkii, kadib markii xiisada labada dhinac ay gaartay gacan ka hadal.

 

Dadka ku dhaqan xaafada Taleex ayaa wal wal la soo deristay markii ay isku dhaceen shanqarta rasaasta oo muddo aanay dhagahooda ku soo dhicin, tan iyo markii inta badan degmada Hodan laga saaray Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

oba hiloowlow;733122 wrote:
Typical mooryään....

Stop Stereotyping waryaa.. we know who you are referring to when you said Moor;yaan LOL

 

Seriously though.. isn't this in the few kilometers that the tfg controls? Where are the police? And yes I mean our brotherly Ugandan police LOL.

 

And just like your post states these men used to control places like Kismayo and Marka (places even their cattle don't reach) so it is not surprising that they are now fighting in Xamar (a place that doesn't belong to them).

 

Somebody should tell them head that way ---------------------->to Hobyo and Cadaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Zack lool Indhacadde iyo Seeraar maha miyaa typical ********?

 

waxay u kala maamuli jireen
Gobolada Jubooyinka
iyo Shabellaha Hoose,
iyadoo Seeraar uu ahaa Kuxigeenkii Isbaheysigii Dooxada Jubba ee ka ariminaya Jubooyinka.

What where they doing in Jubooyinka and Sh/hoose ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Oba, lool I was talking about the general term Moo'ryaan. Individually, yes they are.

 

What were they doing in Jubba and Shabeelle? They were there illegally and they are in Xamar illegally too LOL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Illegally kulaha loool ,dadkey dhibi jireen biyaha webiga ayuu indhacadde masakiinta ka gadi jiray beerahoodana xoog ay ku heysteen asiga iyo ciidankiis. and seeraar neh dadka jubbooyinka ayuu lacag baad ka qaadi jireen. Hadana Guri islaameed ay isku dilaayan taasaan ka yaabay xaarantu maxey ku jeclaadeen bisinkee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

War indhacadde wuu toobad keenay ninyahow. The dude is now Sheikh Yuusuf. Did you forget that he repented the Maxkamadaha era? Well he did commit some sins here and there after that LOL but the dude isn't the Indhacade of mid 1990's and early 2000's. The Seeraar fella was never popular, he used to work for Abdiqasim and Ina gobaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Oh yeah that too. He has the title General too. I think your uncle Shariifka (since he has no military ranking knowledge) mistakenly gave Sheikh Yusuf this title. Some say he wanted to make Colonel or something :D.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this