Xaaji Xunjuf Posted July 10, 2011 Maxkamada Degmada Hargeysa oo Xukuno kal duwan ku riday Nin Qalin shubato iyo Sixir kaga qaatay Muwaadiniin. Maxkamada Degmada Hargeysa oo Xukuno kal duwan ku riday Nin Qalin shubato iyo Sixir kaga qaatay Muwaadiniin. Hargeysa/ToggaHerer 10 Juy 2011 Maxkamada Degmada Hargeysa Gudoomiyayna Gudoomiyaha Maxkamada Degamda Garyaqaan CabdiRashiid Beergeel ayaa maanta Xukuno kala duwan ku riday Danbiile Abiibakar Axmed Abiibakar Da`diisu Tahay 35 Sano Jir Ina Sahra Xuseen Saddex Sanno oo xadhig ah iyo Saddex Milyan oo shilling Somaliland oo Ganaax ah iyo Musaafuris. Danbiile Abiibakar ayaa lagu helay Danbiyo kala duwan oo ah in uu ku gefay khal khalna geliyey Arrimaha Diinta isaga oo muwaadinad Da`deedu tahay ah 18 Sanno Jir ah u adeegsaday Sixir iyo Qalin shubatanimo isaga oo Sixiray. Danbiile Abiibakar ayaa Maxkamada Horteeda ka qirtay in uu ku kacay falalkaas Sixirka waxaanu sheegay in aanu galin danbiga balse uu isagu sameeyey Waxaanu sheegay in uu Gabadha ku xidhay Falkaa Waxanu sheegay in uu galay Danbiga iyo in uu toobad keenayo . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 10, 2011 Maxkamadda Degmada Hargeysa oo Xukun Adag ku Riday Nin Sixiroole ah July 10th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Maxkamada Degmada Hargeysa ayaa maanta sadex sanadood oo xadhig ah iyo sadex malyan oo ganaax lacageed ah ku xukuntay Abubakar Axmed Abubakar. ka dib markii uu sixiray qaar ka mid ah muwaadiniinta dalka. Maxkamaddu waxay ku heshay ninkan oo u dhashay dalka Soomaaliya inuu sixir kaga qaatay lacag iyo hanti kale dhawr qof oo muwaadiniin ah. Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa C/Rashiid Beer-geel, oo xukunkan ka dib u waramayay waxa kale oo uu sheegay inay ninkan ku xukumeen in dalka laga mastaafuriyo. Guddoomiyaha oo ka hadlayay muwaadinad ninkani sixray wuxuu yidhi“Ninkani waxa uu sixiray gabadh magaceeda la yidhaahdo Amran C/Rashiid Ibraahim oo 18 jir ah waxay kala soo xidhiidhi jirtay Telefoonkeeda gacanta sidaasna waxa uu kaga qaatay lacag dhan 1100 bir. Ka dibna waxa gabadhii loo geeyay Sh. C/Qaadir Xaaji Jaamac, aqoon u leh Sixirka. Waxa dhacday in ninkani laga shiday oo uu ka dhex hadlay gabadhii.” “Ninakani waxa uu ku gefay Qodobka 314 ee xeerka ciqaabta guud oo sheegaya khal khal gelin arrimo diineed isagoo sheeganayay inuu yahay Seekh diineed. Haddaba markii ay maxkamaddu u akhriday eedaysanahaasi xaashida eedaasi si waafaqsan Qodobka 103 waxa uu ku jawaabay eedaysanuhu dambigan maan gelin ee anigaa sameeyay laba qoraal oo sixir ah gabadhana anigaa ku xidhay sixirka oo waxa ii keentay gabadha islaan Asli la yidhaahdo waxaanu sheegay inuu sameeyay wax aanay diintu ogolayn oo uu toobad keenayo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamada degmada Hargeysa. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ninkani uu u adeegsaday gabadhan qardhaaso sixir ah hase yeeshee uu markii dambe sixirkii ka furay Sh. C/Qaadir Xaaji Jaamac. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay maxkamaddu xukunka mastaafurinta ninkan u cuskatay Qodobka 181 ee xeerka ciqaabta guud oo sheegaya in dadka aan u dhalan Somaliland ee fasahaadka wada laga mastaafuriyo.Waxa kale oo ay maxkamadu u cuskatay in aayada 33-aad ee Suuratul maa’ida. Maxkamaddu waxay Ciidamada Booliska iyo laamaha socdaalka amreen in sawiradiisa la dhigo madaarada iyo xuduudaha dalka. Quote Share this post Link to post Share on other sites