Xaaji Xunjuf Posted July 9, 2011 Dawlada Kenya Oo Taageertay Maamul Goboleed Cusub Oo Laga Dhisay Gobolada Xuduuda La Leh Dalkeeda Ee Soomaaliya. Nairobi(Ramaas) July. 9, 2011-Dawladda Kenya ayaa martigelisay kulan lagu dhameystirayo maamul goboleedka Azaaniya, kaasoo shalay si rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana kulankaas ka qaybgalay waxgarad, culummo iyo siyaasiyiin ka socda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. Maamulkan waxa dhistay beelaha haybta la wadaaga beesha deegaanka Gaaris waxaana furitaankii shirkaas ka hadlay wasiirka horumarinta gobolada Waqooyi Bari ee dalka Kenya Maxamed Faay oo xusay isagoo ku hadlaya afka dowladda Kenya in sababta ay u maalgeliyeen kulankan ay tahay si ay nabad uga dhalato gobolada Soomaaliya ee ku yaala xuduudda ay Kenya la wadaagto Soomaailya. "Haddii aan nahay madaxda dowladda Kenya ee asalkoodu Soomaalida yahay, waxaan rumeysannahay in danta dowladeennu ay muqadas tahay, sidoo kalena ay gobollada dariskeenna ah nabad noqdaan, sababta aan shirkan u marti-gelinnayna waa in nabad laga dhigo gobollada Koonfureed ee Soomaaliya," ayuu yiri Maxamed Faay. Sidoo kale, kulanka waxaa ka hadlay madaxweynaha maamul Azaaniya Maxamed Cabdi Xaaji Gaandi ayaa sheegay in hadafkoodu uu yahay in ay marka hore saddexda gobol ee uu ka kooban yahay maamulkaan laga saaro Al-shabaab, markaas kaddibna la sameeyo maamul loo dhan yahay oo aan ku dhisnayn qabiil. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay filim ka hadlaya qaabka loo dhisayo maamul goboleedka Azaaniya taasoo uu sharxayay Mr. Gaandi, waxaana ka mid ahaa qodobbada filimka looga hadlay sida lagu soo xulnayo xildhibaannada, degmooyinka ay ka imaanayaa iyo dhameystirka xubnaha maamulka. Ugu dambeyn, Prof. Gaandi waxa uu sheegay in diyaar u yahay wixii talo iyo tusaale ah ee ku saabsan qaab dhismeedka maamulka Azaaniya oo u dhageysanayo fikir kasta oo ka yimaada shacabka ku nool gobolada uu maamulkan matalayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 9, 2011 ^^ lool wabaan gaajooday Quote Share this post Link to post Share on other sites
Al-Miskiin Posted July 9, 2011 Kenyan government supports the new Azania state What a shock Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faafan Posted July 9, 2011 Kenya adviser to Azania Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted July 9, 2011 Slowly to the right direction. The locals are determined! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted July 9, 2011 Jacaylbaro;732853 wrote: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faafan Posted July 9, 2011 Dhagayso warbixin ku saabsan shirka Azania ee Nairobi ka socda BBC Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted July 9, 2011 Faafan;732886 wrote: ^ GALTI That I am. LOL.. You are just not aware that my nick name is Wiil Waamo AKA Wiil Waamo LOL. Quote Share this post Link to post Share on other sites