Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Ahmed Siilaanyo meets British Secretary of state for foreign affairs+PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii u Horaysay Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha dibada Ingiriiska

July 8th, 2011

 

Addis ababa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta markii u horaysay kulan kula yeeshay magaalada Addis ababa Wasiirka Arrimaha dibada Dalka Ingiriiska Md. William Jeffer Hagu oo maanta socdaal qaatay muddo shan saacadood ah ku yimid dalka Itoobiya.

5916114839_7157d62825_z.jpg

Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Ingiriisku waxay ka wada hadleen sidii loo sii balaadhin lahaa iskaashiga iyo wax wada-qabsiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya Somaliland iyo Ingiriiska.

 

Waxa kale oo ay iska xog waraysteen xaalada nabadgelyo ee mandaqada Geeska afirka iyo sidii ay Somaliland door muhiim ah uga qaadan lahayd xasilinta gobolka qalalaasuhu hadheeyay.

 

5916114933_dcd0083038_z.jpg

 

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu kale oo uu Wasiirka Arrimaha dibada ee Ingiriiska ka dalbaday in dalkiisu kaalin ka geysto sidii Somaliland oo ah qaran madax banaan oo dimuqraadi ahi aqoonsi buuxa uga heli lahayd caalamka.

 

Wasiirka Arrimaha dibada Britain Md. William Jeffer Hagu, waxa uu sheegay inay ka go’an tahay dalkiisa inuu la shaqeeyo Somaliland isla markaana la sii xoojiyo cilaaqaadka labada wadan. Waxaanu Somaliland ku ammaanay kaalinta wax ku oolka ah ee ay kaga jirto nabadgelyada iyo dimuqraadiyada gobolka.

 

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa kale oo uu maanta dalka Itoobiya u yimid inuu la kulmo Raysal Wasaaraha Itoobiya Malez Zanawi iyo Madaxweynaha Somaliland.

5916673732_7c8cd5654b_z.jpg

Madaxweynaha Somaliland waxa kulankaasi ku wehelinayay Wasiirrada Arrimaha dibada iyo Madaxtooyada, halka Wasiirka Arrimaha dibada ee Ingiriiskana uu wehelinayay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya.

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu khamiistii kulan kula yeeshay saraakiil ka tirsan ciidamada badda ee Ingiriiska markab dagaal oo ku soo xidhay dekada Bebera. ka hor intii aanu weftigii Madaxweynuhu ka dhoofin magaalada xeebta ku taalla ee Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this