Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president with delegation jets of for south sudan juba

Recommended Posts

Weftigii labaad ee Ka Socda Somaliland oo u Kicitimay Koonfurta Suudaan

 

July 8th, 2011 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada oo ay weheliyaan Wasiirrada Beeraha, Macdanta iyo biyaha xildhibaano ka tirsan labada gole ee sharci dejinta iyo shan iyo toban suxufi oo ka kala socday qaybaha warbaahinta ayaa maanta u baqoolay koonfurta Suudan.

 

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Cabdi casiis Maxamed Samaale, oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka Cigaal international Airport ayaa sheegay in weftigani ay qayb ka yihiin weftigii balaadhnaa ee uu horkacayay M/weynaha J.S.L ee lagu martiqaaday xuska iyo debaaldega ku dhawaaqista madaxbanaanida koonfurta wadanka Sudan oo maalinta Bari ah si rasmi ugu Madax banaanaanaya Sudan intiisa kale ,taasoo maalinta bari ah lagu qaban doono caasimada dalka cusub ee Juba.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladu Md.Samaale waxaa uu tilmaamay in socdaalkoodan ay uga faa’iidaysanayaan sidoo madaxda aduunka ka socota ay ugu bandhigi lahaayeen qadiyada aqoonsi raadineed ee Somaliland.

Sidoo kale qaar ka mid ah suxufiyiintii weftigan raacay ayaa balan-qaaday inay xogo badan u gudbin doonaan hogaamiyayaasha adduunka isaga kala imanaya isla markaana ay faahfaahin ka siin doonaan maraaxilkii kala duwanaa ee Somaliland soo martay tan iyo markii ay dib ugula soo noqotay xoriyadii ka luntay 1960kii iyo dariiqii ay ku abuurtay nabadgalyada,dhismaha haykal dawladnimo,horumarka iyo dimuqraadiyada ay hirgalisay,isla markaana ay kala doodi doonaan sababta kaliftay inay dunidu indhaha ka qarsato xuquuqda ay umadani u leeyihiin in la aqoonsado.

Weftigan waxaa ku sii sagootiyay Madaarka Cigaal Airport Gudoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaam Maxamed Cabdilaahi [Cabdilaahi Cirro] weftigan waxaa garoonka ka qaaday diyaarad Khaas ah oo loo soo diray.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa iyaguna shalay u kicitimay koofurta Suudaan halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan dabaal dega wanqalka dalka cusub ee ka dhashay koonfurta Suudaan oo loo damaashaadi doono maalinta bari ee Sabtida

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Xiinow nin dana gaara leh oo deleb ciyaaraaya

Oo dalkii uu lahaa dabin la doonayaa

Maxay dulucda sheekadu u tari waa damiir maqane?

 

Siilaanyo waa kaa durkoo Kiir dul joogsadaye

Damashlaha Jubba-da lagu aadayee dunida loo sheegay

Dabaylaha ka soo baxa bal suga dayrtan dabadeede

 

War nimanyahow gabayada naga daaya .... ha na kashifina'e maxaa yeelay foqor baanu ka nahay afka hooyo'e.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this