Somalina Posted July 6, 2011 Shirkadaha isgaarsiinta, iyo marti sharaf kale ayeey Jaamacadu markii ugu horeysay ku soo bandhigtay ardey muddo labo sanno ah soo waday barashada maadada maamulka iyo dhaqaallaha. Ardeyda oo tiradoodu dhameyd ilaa 15 Ardey ayuu maamulka Jaamacadu sheegay in ay soo xireen muddo labo sano ah wajigii koowaad ee barashada kuliyada Dhaqaalah iyo Maamulka, waxaana intii ay munaasabadu sotay hadallo kala duwna ka soo jeediyay Ardeyda iyo waliba maamulka Jaamacada. Mas’uul ka tirsan Jaamacada oo lagu magacaabo Max’ed Muuse oo hadal u jeediyay ka soo qeyb-galayaasha ayaa ayaa ku amaanay Ardeyda Jaamacada dhabar adeyga ay muujiyeen mudadii ay soo wadeen waxbarashada maadaama ayuu yiri ay jireen daruufo kala duwan oo soo maray Jaamacada haba ugu sii darnaadeen dagaalladii is daba jooga ahaa ee ka dhacay magaalada. ‘’Jaamacadu waxaa ay soo martay daruufo kala duwan oo runtii loo samray, ardeyda waxaa ay muujiyeen dhabar adeyg iyo waliba dulqaad, halkan ayaeeyna dulqaadkooda ku soo gaareen ayuu yiri,’’ Max’ed Muusee Max’ed oo ah ku-xigeenka maamulka Jaamacada. Sidoo kale waxaa uu sheegay maamulka Jaamacada in Ardeyda wax ka barata Jaamacada ay ku jiraan qaar aah wax lacag ah laga qaadin maadaama ay sheegtaan daruufo kala duwan, islamarkaana u baahan in ay wax bartaan, waxaana uu ka codsaday ganacsatada magaalada in ay gacan ka geystaan sidii horay loogu sii wadi lahaa Jaamacada. Dadkii ka oo qeyb-galay munaasabada ayaa waxaa siweyn u soo jiitay Daarsad ay soo bandhigeen Ardeyda Jaamacada gaar ahaan 15 –ka Ardey ee baratay maadada Dhaqaalaha iyo Maamulka, kuwaasoo ay siweyn uga faa’ideysteen ka qeyb-galayaashii munaasabada. Jaamacada Beledweyn University ayaa ka mid ah Jaamacado dhowr ah oo ka furan magaalada, waxaana muuqata in hadda Ardeyda ka soo qalab jabisa dugsiyada sare ee magalada ka maarmeen in ay jaamacada u raadsadaan goballo kale. Xafiiska Wararka Moqokori.net Muqdisho, Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites