Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

TFG prime minister Abdiweli calls for peace between the brotherly clans in the central regions

Recommended Posts

Ra’isal wasaaraha dowladda KMGS oo codsaday in la joojiyo colaada koonfurta Mudug

 

Ra’isal wasaaraha dowladda KMGS Prof.Cabdiwali Maxamed Cali ayaa baaq kasoo saaray colaada ka taagan deegaanka Dhagatuur ee gobolka Mudug kaasi oo u dhaxeysa laba beelood oo kasoo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’isal wasaaraha ayaa lagu sheegay inay dowladda KMGS ay ka xuntahay colaada ka taagan deegaankaasi islamarkaana ay ku baaqayso in loo joojiyo dagaalka si dagdag ah.

 

Ra’isal wasaaraha ayaa dhinaca kale tacsi u diray eheladii iyo dadkii ku geeriyooday dagaaladii dhowaan ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

 

Warsaxaafadeedka kusaabsanaa joojinta colaada ee kasoo baxay xafiiska ra’isal wasaaraha ayaa u qornaa

 

War saxaafadeed

 

Baaq Nabadeed

Muqdisho July 5, 2011——-Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya

waxay baaq nabadeed u diraysaa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya

Gobolada Mudug iyo Galgaduud kuwaasoo dhaliyay dhimasho aad u badan

iyo dhaawac.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah Mudane Dr. C/weli

Maxamed Cali ayaa sheegay in uu aad uga xunayahay colaadaha soo

noqnoqoday ee ka taagan gobolada Mudug iyo Galgaduud. Horumarka

Goboladaasi waxay ku xiran yihiin xoojinta nabada. Dadka deegaankuna

waa dad walaalo ah ehelna ah, wiilkii ku dhintaana waa kugu dhimay oo

kaadhimay.

 

“Ugu horeyn waxaan tacsi u dirayaa dhamaan ehelada dadkii ku

geeriyooday dagaalkaasi, waxaana marka labaad leeyahay dagaalka ha lajoojiyo maadaama uusan labada dhinacba wax faa’iido ah u laheyn” ayuu yiri

 

R.wasaaraha oo ka hadlayay dagaalka, wuxuuna dhinaca kale wax laga

xumaado ku tilmaamay in xilligan oo ay jiraan abaaro dad iyo duunyaba

aafeeyey ay dagaalamaan Soomaalida dhexdeeda.

“Waxaan la hadlay madaxda maamulada goboladaasi, xildhibaanada ka soojeeda gobolada iyo dhamaan qeybaha bulshada, waxayna naga balan qaadeen in ay dhexda u xiran doonaan sida loo joojin lahaa dhiigaasi daadanaya, waxaana rajeyneynaa inay mas’uuliyadaasi ka soo baxaan” ayuu

yiri Dr. C/weli Maxamed Cali.

 

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay inay dhowaan gaari

doonaan goobaha lagu dagaalamay guddi Nabad raadis ah oo ay Xukuumadu u xil saartay daminta colaadaasi oo ka kooban Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad iyo odayaal dhaqameed

 

Xafiiska ra’isal wasaaraha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

This is good but the sad thing is that it took him more than 5 days to speak about this unless I missed it?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this