Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

ssc clan rebel spokesman welcomes president Siilaanyo's peace proposal

Recommended Posts

Afhayeenka SSC Oo Soo Dhaweeyey Gogosha Nabada Madaxwayne Siilaanyo, Kana Hadlay Ujeedada Shir Beelaha Buhoodle Uga Socda Buuhoodle

 

“Beelihii Dhawaan Ku Diriray Kalshaale Waxaan Leeyahay Nabad Qaata, Wax Dhaama Waa La Waayee”C/Risaaq Bakayle

 

Hargeysa, July 6, 2011 (Haatuf) – Afhayeenka kooxda SSC C/risaaq Bakayle Xaaji Faarax ayaa soo dhaweeyey gogoshii nabada ee uu madaxwaynaha Somaliland hore ugu fidiyey shacbiga deegaanada bariga Somaliland.

 

C/risaaq Bakayle waxa uu ka hadlay ujeedadda shir ka furmay magaaladda Buuhoodle, waxaanu tilmaamay in ajandayaasha lagaga hadlayo uu tiir-dhexaad u yahay sidii nabad galyo taam ah looga Islaaxin lahaa deegaanadda Sool iyo Buuhoodle.

 

Afhayeenka kooxda SSC General Bakayle ayaa waxa uu sidoo kale baaq nabadeed u diray beelihii horaantii sanadkan ku diriray Kalshaale, kaas oo sheegay in dagaal iyo colaad aanay cidna dani ugu jirin.

 

Afhayeenka kooxda SSC C/risaaq Bakayle Xaaji Faarax ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay galab wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ugu waramayey, isaga oo sheegay inuu ku sugan yahay Buuhoodle.

 

Ugu horayna isaga oo ka hadlayey ujeedada shirka Buuhoodle, waxa uu yidhi “Ujeedadda shirkan ka socda Buuhoodle waxa lagaga hadlayaa aayaha dadka deegaanka iyo sidii ay nabad galyo ugu wada noolaan lahaayeen. Hawshaas waxa loo qabtay 21 xubnood oo guddi ah, guddidaasina dhamaan waa guddi farsamo, isla markaana waxay soo xulayaan guddi balaadhan oo tiradoodu gaadhayso 99 xubnood, kuwaas oo iskugu jira dhamaan qaybaha bulshadda oo dhan. Ujeedadda aanu ka leenahayna waa in lagaga wada hadlo kala qaybsanaanta dadka deegaanka, marka xaqiiqada laga hadlo-na xaga siyaasada ayaa si wayn ay iskugu khilaafsan yihiin dadka deegaanku. Waxaanu doonaynaa in dadka deegaanku fikirkooda iyo muruqooda-ba ay mideeyaan.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Anigu waxaan ahay afhayeenkii SSC, waxaanan taageersanahay in nabad dhab ahi ka islaaxdo deegaanadda Sool iyo Buuhoodle, laakiin shirkii Widh-widh lagu qabtay oo kale kan aanu hada wad-no wuu ka duwan yahay, kii Widh-Widh waxa uu ahaa mid aanay dadka deegaanku isku raacsanayn, mid loo dhamaana maaha. Waxaan rajaynaa in shirka aanu hada qabanayno in ay ka soo baxaan wax dhamaan dadka deegaanka oo dhan dani ugu jirto.

 

Inkasta oo aanan jeclayn inaan ka hordhaco go’aanka soo bixi doono shirkan shalay bilaabmayo oo laba cisho oo danbe sii socon doona, hadana waxaan aamin-sanahay in dadku yihiin dad wada dhashay oo aan meelna kala tagayn hadii ay hore xurgufi u dhexmartayna in la xaliyo ayaan soo jeedinayaa, Waxaanu ku Qawracanahay dhamaantayo wixii shirkaas ka soo baxa”.

 

C/risaaq Bakayle Mar uu baaq u dirayey beelihii Kalshaale dirirtu ku dhexmartay horaantii sanadkan, waxa uu yidhi “Beelihii dhawaan ku diriray deegaanka Kalshaale waxaan ugu baaqayaa inay nabad galyo qaataan, beelaha walaalahayo waxaan leeyahay nabad wax dhaama la waaye aynu hada ka wada shaqayno sidii deegaanadeenu u noqon lahaayeen kuwo nabad taam ahi ay ka jirto. Nabadgalyo cid-waliba way u baahan tahay dagaalna wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho. Dhawaan waxa uu Madaxwayne Siilaanyo fidiyey gogol nabadeed, waxaanu isku haysanaa waar dhinacee-baynu gogosha nabada u marnaa, waxaananu soo dhawaynaynaa gogoshaa nabada ee uu madaxwaynuhu fidiyey”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

ssc clan rebel spokesman welcomes president Siilaanyo's peace proposal... :D:D:D

 

^ SSC is a clan and what is S/L and its Siiraanyo? Qaran and its president.. You have got jokes Xudhufow..

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

According to this piece that made you feel so excited admits s/l is beel! hadhowna yaan lagaa maqlin qaran fulan baan nahay..

Share this post


Link to post
Share on other sites

ssc clan jabhad supported by the diaspora members of the garaad clan is a clanish clan jabhad who are willing to destabilize the region in their comfortable houses in the west but they are losing support even in the west. Back home the situation is different the garaad clan in the ssc regions are true noble Wadanis and are great countrymen god bless them .

 

Somaliland = a multi tribal society

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;732324 wrote:
According to this piece that made you feel so excited admits s/l is beel! hadhowna yaan lagaa maqlin qaran fulan baan nahay..

Where does it mention beel , adiga u love talking about beel everthing is black and white for you adeer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Been Abuurka Haatuf iyo webabaka somalidiidka.. The above news is fake and fabricated. Here is compelete news and also an audio of Baykale which by the way is not SSC spokesperson.. Succissionists are so desperate walahi.

 

Buhoodle,(lasanod Online)- Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa waxaa dhowaan lagaga dhawaaqi doonaa gudi ka talin doonta..

 

aayaha iyo amaanka gobolka Cayn, iyadoo xulista gudidaana loo xilsaaray gudi ku meel gaadh ah oo tiro ahaan ka kooban 15-xubnood.

Gudigan ayaa waxaa lagu wadaa in ay gaaraan tiro ahaan 99-xubnood oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada reer buuhoodle, iyadoona loo qaybin doona saddex meelood oo midiiba tahay-33-xubnood.

Gudigan ayaa waxay ka shaqayn doonaan guud ahaan ayaaha iyo amaanka gobolka Cayn oo baryahanba xaaladiisu aanay wanaasanayn kadib markii maamulka Somaliland uu dagaal gacan ka hadal iyo kan qaboow ee siyaasadaba u adeegsaday gobolka Cayn.

Cabdirisaaq Bakayle Xaaji Faarax oo kamid ah saraakiisha ciidamada Buuhoodle ayaa warbaahinta Lasanod online uga waramay waraysi aanu la yeelanay oo dhinacyo badan taabanaya. Hoos ka dhegayso C/risaaq Bakayle.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xaaji Xunjuf;732328 wrote:
Where does it mention beel , adiga u love talking about beel everthing is black and white for you adeer.

So are you saying the so called Ciidamada qaran didn't take part the Kalshaale fight?

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Answer the questions about wheather your so called qaran participated Kalshale fight? Also address the fake news you posted about what is going on in Buhodle and if it has anything do with your ilk peace calls. Ooh it's a gogol xaadh now when your lies are busted. Ma xishooto!

Share this post


Link to post
Share on other sites

A khadar ina bakayle meesha wuxu ka saaray ssc iyo clan jabhadki meesha ka jirtay wuxu yidhi anagu gobolka cayn ah baanu midnimo wax ku raadineyna meesha jabhadi hadi laga saaro wa gogol xaadhki shirka nabadeed eeh u ku baaqay madaxweyne siilaanyo, bakayle is smart he wants heshis buuxda oo ay la qaataan dawlada Somaliland. A khadar where is ssc where is xaglatoosiye where is the ssc leadership waxa ka takhulusay cuqaasha reer buhoodle oo nabada jecel iyo hormarka the likes of suldaan sicid iyo Caaqil Maxamuud xaji cumar camay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

I see your lack of consistancy. Take the fake news above back and acknowlege first what is written up there that si from your clan site is made up since you already said it in different way.

 

Also admit that your so called qaran is a beel before aadan isku qaadin diffferent topic.

 

For the record, SSC is the people including the names you mentioned plus the diaspora community also what is happening in Buhodle is the work of diaspora community. Keep dreaming about gogol nabad. It will disapear as the closing boarder cantara baqash did.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lol the news is true bakayle is paving the road for a peace reconciliation conference,, if you are a clan jabhad that does not mean every one is else. No ssc clan jabhad has no support from the local elders of buhoodle the likes of Caaqil Mahamuud xaji cumar camay suldaan sicid and garaad abdilahi garaad soofe. You just don't want to see it Garaad abdilahi garaad soofe along with his caaqil Maxamuud xaji cumar camay had meetings with the clan elders from burco and qurilugud in xadhadhanka in 2010 there was another peace meeting in Meygaagle do you remember. And with garaad abshir in november in 2010 nov in widhwidh, and the last one with the ssc clan jabhad in widhwidh with the khusuusi chairman and other ssc clan jabhad members.

 

War dadki nabadi isla wada qaaday hormarka dalka lo soo jeedsanaya hada.

 

Viva nabada

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^ Naflacaari baad sii noqonaysaa by the hour.. why taking back all he way 2010.

 

All that happened when ssc people with their elders like the garads, suldan and caaqils were begging your militia to give them a peace and leave them alone. Yet your militia was so crazy about closing the border and capturing Buhodle. One of those mad militia is you kept pounding clan hate site news in here about capturing and closing Buhodle boarder.

 

All these were when oday dhaqmeeds from SSC were asking your militia and murders to stop digging grazing lands and offered peace talks both in Xadhadhan and Maygaagle. Yet your murder leader Siiraanyo was planning a strategy to move in closer to Buhodle and ordered his militia to make a base in Kalshaale.

 

All these were when when your clan militia killed innocent traveller in Kalshale to ignite a civil war between the neighbors yet your murder leader was accusing Buhodle community, SSC, terrorists.

 

So what is this peace fantasy now when over the year, your milita refused to give the peace a chance and remain in their places.

 

Kalshale fight changed the whole thing, hunderds died because of your madness project so if peace has any meaning in your heads, keep your craps in your houses, ssc needs nothing but keep your thugs where they belong.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A khadar the garaads and cuqaal were attacked by the ssc clan militia because they wanted to talk to the elders from burco and qurilugud. They attacked Garaad abdilahi garaad soofe because he wanted to talk to the other elders from Qurilugud , Clans fight over Grazing land thats not something special.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khadar why do you not want peace or would you be happy with war since according to you and most SSC supporters, war will help unite your fractured tribe. Meaning the ends will justify the means. Sad really.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this