Somalina Posted July 6, 2011 Isniin, July 04, 2011 (HOL) – Dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya waxay sababeen dhibaatooyin kala duwan, dadka indhoolayaasha ah ayay ku dhacday dhibaatadii ugu darnayd iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa sameysmay ururro badan oo indhoolayaal ah, kuwaasoo daryeel badan u fidiyay dadka indhoolayaasha ah. Haddaba dugisga indhoolayaasha iyo kuwa dhegoolayaasha ee AL-BASIIR oo ka tirsan Midowga Indhoolayayaasha Soomaaliyeed ayaa wuxuu jirsaday lix bilood, wuxuuna soo bandhigay waxqabadkiisii mudadii uu jiray. Munaasabad si heer sare ah loosooo agaasimey ayaa lagu qabtey xarunta dugsiga oo ku taal degmada Waberi ee magaalada Muqdisho, waxaana munaasabaddaas ka soo qayb-galay mas'uuliyiin ka socday hayadaha samafalka, maamullada jaamacadaha, kuwa dugsiyada, bulshada rayidka, mas'uuliyiinta degmada Waaberi golaha Qaran ee curyaamiinta Soomaaliyeed, ardayda wax ka barata dugsiga iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horeyn halkaa warbixin kasoo jeediyey maamulaha dugsiga AL-BASIIR Mudane Abiikar Xuseen Bashiir, wuxuuna sheegey in mudadiii uu jiray dusgiga uu qabtay howlo muhiim u ah dadka indha la' iyo kuwa dhegaha la', iusagoo sheegay inuu diwaan-geliyay arday gaareysa 262-ardey oo isugu jira caruur, dad waaweyn iyo dhallinyaro kuwaasoo ka curyaamay aragga iyo maqalka. Abiikar Xuseen wuxuu sheegay in dugsiga ku bilaabeen hal qol maanta uu marayo in loo kireeyo guri fillo ah oo uu sheegey inay gacan ka geysteen ururka SWDC gaar ahaan guddoomiyahood Sahro Maxamed Axmed laa’anteedna aysan suuro-gal u noqoteen hirgelinta dugsiga, sidoo kale wuxuu sheegey in kaalmo aan sidaa u buurneyn ay ka heleen qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in dugiga uu ku tiirsan yahay tashiilaadka ay bulshada ka helaan. "Macallimiinta dugsiga ka shaqeeya si tabaruc ah ayay ku shaqeeyaan, ardayda dugsiga dhigtana waalidiintooda waxba ma haystaan, sidaa daraadeedna ay go'aan ku gaareen inay gacan siiyaan," ayuu yiri maamulka dugsigan Abiikar Xuseen. Sidoo kale, maamuluhu wuxuu ka hadlay dhacdo xanuun badan oo ahayd cunug indho la' oo keligii looga tagay gurig, markaas kaddibna ku calaacalay erayo ay ka mid yihiin: "Aabahey wuu baxay - hooyaday way baxday - wiilashii iyo gabdhihii ila dhashayna waxay aadeen dugsigii - aniga kaligay ayaa kusoo haray gurigii oo kor la iiga xirey haddii aan indho qabi lahaa ma sidaan baa la ii geli lahaa - waa ayaan-daro iyo calool xumo,". Abiikar Xuseen oo arrintan ka hadlya ayaa sheegay in caruurta indhaha la' ay wax baran karaan oo aan loo baahnayn in iyaga keliya guryaha looga tago, isagoo xusay in haddii lagu dadaalo ay ka waxbarasho wanaagsan yihiin kuwa indha leh. "Hay'adaha samofalka iyo dadka Soomaailyeed ee wax haysta gudaha iyo dibadaba waa inay gacan ka geystaan sidii wax loo bari lahaa ama daryeel loogu fidin lahaa dadka ka curyaamay indhaha iyo dhegaha," ayuu yiri Abiikar Xuseen. Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay ulaha dadka Indhaha la’ ay ku socdeen oo loo yaqaan usha-cas, mishiin lagu qoro farta Braille-ka ah ee ay indhoolayaasha wax ku bartaan, waxaana la sheegay in makiinaddan ay aad u yar tahay, balse ay faa'iido badan u leedahay waxbarashada dadka indhaha la', iyadoo maamulku uu sheegay inay jiraan kambuyuutarro ay wax ku bartaan dadkaas indhaha la' ayna u baahnaan lahaayeen inay helaan. Waxaa kaloo xafladda ka hadashay Sahro Axmed Maxamed oo ka socotey hay'adda SWDC iyadoo sheegtay in loo baahan yahay in dadka indhaha la' loo gargaaro maadaama ay yiihiin bulsho aad u dhibaateysan, iyadoo si gaar ah baaq ugu dirtay hay'adaha samofalka iyo ganacsatayada Soomaaliyeed, waxayna ku boorrisay inay caawiyaan ardeyda wax ka dhigata dugsiga AL-BASIIR, sidoo kalena waxaa xafladda ka hadashay Asli Ducaale oo ku hadlaysay magaca bulshada rayidka ah, gaar ahaan hay'adda WEAVE, waxayna ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay u soo jeedisay sidii ay u gargaari lahaayeen dadka indhaha la' maadaama ay yihiin dad aad u liita iyadoo Asli dugsiga guddoonsiisay Kombiyuutar. Mas'uuliyiin ka socday daladda waxbarashada iyo jaamacadaha Muqdisho ayaa ka hadlay iyaguna xafladda waxayna dhammaantood sheegeen inay diyaar u yihiin inay gacan siiyaan ardayda wax-ka-barta dugsiga Al-BASIIR, ayna gacan ka siin doonaan waxbarashada iyo tas-hiilaadka kale ee ay u baahan yihiin. Waxaa kaloo ka hadley mas'uul ku hadlayay magaca degmada Waaberi oo sheegey inay iyaguna diyaar u yihiin inay gacan siiyaan ardeyda wax-ka-barata dugsiga. Intii ay munaasabadu socotay ayaa ardayda wax-ka-barata dugsiga AL-BASIIR waxay halkaa kusoo badhigeen gabyo, heeso iyo suugaan dhamaantyood ka hadlayay faa'iidada waxbarashadu leedahay waxaa la yaab lahayd markii arday ka mid ah ardaydaas uu soo badhigay dhawaaqa ay leeyihiin noocyada kale duwan ee hubka, isagoo adeegsanaya gacmahiisa wuxuuna si gaar ah u soo bandhigay dhawaaqyada qoryaha loo yaqaan: Dhashiikaha, Ak-47, Boobayaasha, Daba-jeexa iyo kuwo kale, taasoo si aad ah uga yaabisay dadkii munaasabadda goobjoogga ka ahaa. Ugu dambeyn, waxaa munaasbadda soo xiray guddoomiyaha Cabdiqaadir Maxamed Calasow oo ah guddoomiyaha midowga Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo isaguna ah indhoole, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay heerarkii uu soo maray dugsiga AL-BASIIR, wuxuuna sheegey in dugsiga uu furan yahay muddo lix bilood ah, ardeyda wax ka baratana ay maanta marayaan heer wanaagsan dhinaca waxbarashada, balse ay u baahan yihiin in gacan la siiyo. "Markaad u tagtid hay'adaha samafalka oo aad u sheegto dhibaatooyinka haysta dadka indhaha la' waxay ku leeyihiin waa fiican tahay in wax loo qabto laakiinse qorshaha nooguma jiraan xilligaan," ayuu yiri C/qaadir Calasow, isagoo sheegay in sidoo kale markii aad u tagto kuwa gargaarka bixiya oo aad cabashaddan oo kale u bandhigto waxay ku leeyihiin waxaan wax ugu tala-galnay dadka barakacayaasha ah, balse dadka indhaha la' waxba uma hayno. Fadlan haddii aad doonaysid inaad caawiso dugsiga Indhoolayaasha iyo dhagoolayaasha AL-BASIIR, la xiriira maamulaha dugsiga ABIKAR HUSSEIN BASHIR, waxaadna kala xiriiri kartaa taleefoonka Lambarkiisu yahay: +2526-1-5512017, ama E-mailka ah: sub.mogadishusomalia@gmail.com, adigoo sidoo kale ugu shubi kara wixii aad ku caawinaysid Account Lambar: Dahabshiil 7578. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites