Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: state Minister of foreign affairs meets british diplomats in the UK+PICS

Recommended Posts

Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Kula Kulmay London Diblomaasiyiin iyo Masuuliyiin Sare

 

Sun 03rd Jul,2011

London (Jam)- Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo muddoonkii u dambeeyey booqasho ku joogay waddanka Ingiriiska, ayaa dhawaan kulamo gooni-gooni ah la yeeshay diblomaasiyiin iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda Britain iyo dalal kale.

 

Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu ugu kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta Safaaradda Koonfur Afrika ee Ingiriiska masuuliyiin sare ee safaaraddaas, kuwaasoo ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaanna waxa uu uga warramay doorkii reer Somaliland ka qaateen halgankii shacabka reer Koonfur Afrika kula jireen nidaamkii midab-takoorka ahaa.

 

 

Sidoo kale waxa uu Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan warbixin kooban ka siiyayay siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland, isagoo ku dheeraaday arrimaha nabadgalyada iyo la dagaalkan budhcad-badeedka. Waxa uu intaa ku daray hawlaha uu qabto xafiiska Somaliland ee Koonfur Afrika iyo doorka jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaas, isagoo faahfaahinna uga bixiyey xidhiidhka Somaliland iyo ka dhexeeya dalalka kalee Afrika.

 

 

Masuuliyiinta sare ee ka socday dalka Koonfur Afrika, ayaa iyaguna dhankooda su’aalo ku saabsan horumarka Somaliland ka samaysay dhinaca la-dagaalka budhcad-badeedda iyo la dagaalanka argagixisada weydiiyey Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan.

 

 

Wasiiru-dawluhu waxa kaloo kulamo la yeeshay masuuliyiinta sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska, oo ay ka mid yihiin kuwa qaabilsan arrimaha Somaliland, waxaanay dhinacyadu ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan ka dhexeeya iyo kor-u-qaadidda kaalmada dawladda Ingiriisku siiyo Somaliland, iyagoo wax ka weydiiyay geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland iyo rrimaha firashada ururrada siyaasadda.

 

 

Isla maalintii Khamiistii ee la dhaafay waxa uu Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan kulan gaara la yeeshay odyaga ruug-caddaaga sida aadka ah ugu ololeeya qaddiyadda Somaliland xildhibaan Lord Eric Avebury, isla markaana ka tirsan aqalka odayaasha Ingiriiska, kaasi oo ay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa ee dardar loo galin lahaa saaxiibbadda Somaliland ee Baarlamaanka Britain, waxaannu wasiiirku u soo jeediyayay inay ka taageeraan sidii Somaliland uga mid noqon lahayd ururka Barwaaqa-sooranka ee Common Wealth.

 

 

Dr. Maxamed-rashiid waxa kulankaas ku weheliyay qaar ka mid ah masuuliyiinta ururrada ictiraaf-raadinta Somaliland ee UK, kuwaasoo dhankooda iyaguna uga xog-warramay doorka qurba-joogga reer Somaliland kaga jiraan horumarka dalkooda iyo siday uga mid noqon lahaayeen beesha caalamka.

 

 

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland oo beryahaba booqasho ku joogay waddanka Britain, waxa kulamo la yeeshay masuuliyiinta jaaliyadda Somaliland ku dhaqan dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska, isagoo Faransiiskana kula kulmay masuuliyiin sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas. Waxa kaloo uu kulamo gooni-gooni ah magaalada London kula yeeshay saaxiibbadda Somaliland ee UK.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this