Sign in to follow this  
Saalax

Cadowgayagu Waa Qurbo-joogta, Cadowga Labaadna Waa Qofka Aan Nolosha Kuu Ogalayn, Waxaanan Aamin-sa

Recommended Posts

Saalax   

"Cadowgayagu Waa Qurbo-joogta, Cadowga Labaadna Waa Qofka Aan Nolosha Kuu Ogalayn, Waxaanan Aamin-sanahay in Haweenaydaas....." Fu´aad Aadan Cadde

 

(Hadhwanaagnews) Saturday, July 02, 2011

Hargaysa (HWN):-Guddoomiyihii Ururka Haweenka qaranka Somaliland ee gobolka Sool, Nadiifo Maxamed Col-u-joog, oo habeen hore magaalada Laascaanood ay Dabley hubaysani dhaawac halis ah ugu geysteen ayaa la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hargaysa, ayaa maanta mar labaad loo qaaday magaalada Addis ababa si halkaas loogu soo daaweeyo.

 

La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha gobollada bariga Somaliland Fu´aad Aadan Cadde

Hargaysa (HWN):-Guddoomiyihii Ururka Haweenka qaranka Somaliland ee gobolka Sool, Nadiifo Maxamed Col-u-joog, oo habeen hore magaalada Laascaanood ay Dabley hubaysani dhaawac halis ah ugu geysteen ayaa la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hargaysa, ayaa maanta mar labaad loo qaaday magaalada Addis ababa si halkaas loogu soo daaweeyo.

 

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay maanta Isku-daygaas la doonayey in lagu dilo, Nadiifo Mahamed Col-U joog, oo horayna loogu dilay isla magaalada laascaanood ninkeedii oo ahaa taliyihii ciidamada sirdoonka somaliland ee gobolka sool.

 

La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha gobollada bariga, Fu´aad Aadan cadde, ayaa ka tafaasiil ka bixiyey qaabkii uu Dilkaasi u dhacay, waxaanu weerarka Gabadhaas ku micneeyey in lagu aamusiinaayey, kadib baadhitaan badan oo ay ku samaysay cidii Ninkii dishay, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa

 

"Nadiifo iyadoo hor fadhida Gurigeeda ayaa Dabley hubaysani ay soo daba istaageen, dabadeedna Qadaadka ay Xabad kaga dhufteen, tii labaad markay soo eegtay ayey Wajiga kaga dhufteen markaa Dhaawac halis ah ayaa soo gaadhay, markaa dawladda somaliland ayaa gurbad balaadhan ka gashay arrintaas oo Guddidii Laascaanood, Wasiirka Duulista iyo Hawada iyo Badhasaabka ayaa dhammaan hawshaa waa loo kacay oo waxa la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hargaysa, haddana waxa loo balamay in loo qaado magaalada Addis ababa oo waxa loo soo dirayaa Diyaar khaasa." ayuu yidhi La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha gobollada bariga Somaliland Fu´aad Aadan Cade.

 

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi "Nadiifo marka u horeysa waxa ahayd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Now ee Gobolka Sool, waana Qof nabada u olaleysa oo Somaliland u olalaysa wax weyn ayey ka tahay dhismaha Somaliland, waxaanad ogayd inay Jaraa´idka dalka oo dhan ku qortay Qurbo-joogta *********** rasaasta iyo qoriga ay noo soo dirayaan ha noogu badalaan Buug iyo Qalin, markaa waxay ahayd Shaqsiyad wanaaga jecel." Ayuu yidhi Fu´aad Aadan Cade

 

"Gabadhaasi waxay ahayd gabadh karti badan horena waxa magaalada Laascaanood loogu Dilay Ninkeedii oo ahaa Taliyaha Ciidanka Sirdoonka ee gobolka Sool, markaa baadi-doon badan ayey ku jirtay si ay u hesho cidii Ninkeedii Dishay, markaa waxan aaminsanahay in arrinkaas la aamusiinaayey si aan waxba loo ogaan. Cadowgu waa qofka aan Nolosha kuu ogalayn weeye, waxaanan aaminsanahay in cadowgayagu yahay Qurbo-joogta oo kuwaasoo ka kacaay iyo wax Dila na yidhaahda, cadowga labaad waxa weeye Ninka Madax-dhaqmeedka sheegta ee aan dadkii la joogin haddana marka walba ku taliya Balaayo iyo Dagaal, waxa ka saddexaad ah Ninka dadka dilaya."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fuad said what i've been saying for years the people of sool and buhoodle are true Somalilanders but the diaspora are the one who are filled with cuqdad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa wax laga xumaado arinkaas , lakin maanan fahmin ujeedada loo dilayo . laascaanood ma waxaa ka jira burcad hubeysan aaway ciidankii wadanka , tan kale maamada waa qof jaga sara heysee aaway ciidankii ilaalin lahaa , somaliland dadyowga oo kale waa iney amnigooda sugtaa .

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xaaji Xunjuf;731918 wrote:
Fuad said what i've been saying for years the people of sool and buhoodle are true Somalilanders but the diaspora are the one who are filled with cuqdad.

Ma maqashay odhaahda "Tuugu tabtuu maruu tilmaamaa?".. Mase maqashay "Meesha bugtiyo fartaa is og"..

 

If I were successionist, I would never used the term "CUQDAD" in any case since your whole project is just based on that, A mere Cuqdad..

 

Gabadha dhaawaca alle ha u fududeeyo.. Cidii ka danbaysayna cid kale maaha ee waa malayshiyada gacanta ku haysa magaalada oo maalin walba shacabka LA badhna bara kiciyey badhana tacadiyada ku haysa..

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Nabad_dadaye;732002 wrote:
waa wax laga xumaado arinkaas , lakin maanan fahmin ujeedada loo dilayo . laascaanood ma waxaa ka jira burcad hubeysan aaway ciidankii wadanka , tan kale maamada waa qof jaga sara heysee aaway ciidankii ilaalin lahaa , somaliland dadyowga oo kale waa iney amnigooda sugtaa .

Good questions and the answer is daily killings, arrests and abuses arebehinded by the suuliland militia..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this