Dhuujiye Posted July 2, 2011 Gaalkacyo (RBC Radio):- Waxaa maanta gelinkii dambe Garoonka kubada cagta Gaalkacyo ee Cawaale Stadium ka dhacdey cayaar saaxiibtinimo oo lagu maamuusayay maalinta xoriyada gobolada koonfurta Soomaaliya iyo midowga labada gobol ee waqooyi iyo koonfur Soomaaliya ee 1-da Luulyo. Labada kooxood ee kala ah Comsed iyo Hombaboro oo ka wada tirsan kooxaha heerka koowaad ee gobolka Mudug ayaa cayaar xiisa leh galabta isaga hor yimid, waxaana cayaartaasi oo qiima weyn xambaarsaneyd u soo daawasho tagey boqolaal ruux oo ka mid ah dadweynaha magaalada Gaalkacyo iyo mas’uuliyiin. Cayaarta ayaa labada kooxood waxaa ay qeybtii hore iyo qeybtii dambe noqdeen bareejo ama barbaro, waxaana ay gabagabadii cayaartooda ay ku kala baxeen gool ku laad, waxaana gool ku laadka ay guusha ku raacday kooxda Hombaboro, waxaana la gudoonsiiyay koob qurux badan. Markii ay soo gaba gabowday cayaarta waxaa bilad sharaf la siiyey dhamaan laacibiinta labada kooxood iyo garsoorayaashii kubada daadihinayey, waxaa kale oo kooxda Hombaboro la gudoonsiiyey koobkii ay ku guuleysteen maanta. Dhinaca kale waxaa bilad sharafyo tira badan la siiyay qeybaha muhiimka ah ee bulshada magaalada Gaalkacyo, waxaana biladahaasi si wadajir ah u bixiyey Mas’uuliyiinta Guddiga Amniga iyo Maamulka gobolka Mudug iyo Guddiga Aayakatalinta Gobolka Mudug. Cayaartoyda Comsed Cayaartani ayaa qeyb ka ahayd munaasabadaha farxada leh ee lagu soo dhoweynayey maalinta qiimaha badan ee 1-da Luulyo oo ah maalinta xoriyada Soomaaliya, waxaana maanta munaasabada si weyn looga xusay gobolada dalka Soomaaliya iyadoo qurbajoogta Soomaaliduna ay dhinacooda ka xuseen. Cayaartoyda kooxda Hombaboro Maria Maamulka Dugsiga sare ee Cumar Samatar Rooble Xasan Wakiilka Saxaafada Gobolka Mahad Jamac Xubin Guddiga Farsamada Khadar Dhuubane Taliyaha Dowladda Hoose Gaalkacyo Quote Share this post Link to post Share on other sites