Sign in to follow this  
Dhuujiye

Cayaar Kubada Cagta Oo Lagu Maamuusayo 1-da Luulyo Oo Gaalkacyo Lagu Qabtey (Sawiro

Recommended Posts

Dhuujiye   

Gaalkacyo (RBC Radio):- Waxaa maanta gelinkii dambe Garoonka kubada cagta Gaalkacyo ee Cawaale Stadium ka dhacdey cayaar saaxiibtinimo oo lagu maamuusayay maalinta xoriyada gobolada koonfurta Soomaaliya iyo midowga labada gobol ee waqooyi iyo koonfur Soomaaliya ee 1-da Luulyo.

 

Labada kooxood ee kala ah Comsed iyo Hombaboro oo ka wada tirsan kooxaha heerka koowaad ee gobolka Mudug ayaa cayaar xiisa leh galabta isaga hor yimid, waxaana cayaartaasi oo qiima weyn xambaarsaneyd u soo daawasho tagey boqolaal ruux oo ka mid ah dadweynaha magaalada Gaalkacyo iyo mas’uuliyiin.

 

Cayaarta ayaa labada kooxood waxaa ay qeybtii hore iyo qeybtii dambe noqdeen bareejo ama barbaro, waxaana ay gabagabadii cayaartooda ay ku kala baxeen gool ku laad, waxaana gool ku laadka ay guusha ku raacday kooxda Hombaboro, waxaana la gudoonsiiyay koob qurux badan.

 

Markii ay soo gaba gabowday cayaarta waxaa bilad sharaf la siiyey dhamaan laacibiinta labada kooxood iyo garsoorayaashii kubada daadihinayey, waxaa kale oo kooxda Hombaboro la gudoonsiiyey koobkii ay ku guuleysteen maanta.

 

Dhinaca kale waxaa bilad sharafyo tira badan la siiyay qeybaha muhiimka ah ee bulshada magaalada Gaalkacyo, waxaana biladahaasi si wadajir ah u bixiyey Mas’uuliyiinta Guddiga Amniga iyo Maamulka gobolka Mudug iyo Guddiga Aayakatalinta Gobolka Mudug.

 

Cayaartoyda Comsed

Cayaartani ayaa qeyb ka ahayd munaasabadaha farxada leh ee lagu soo dhoweynayey maalinta qiimaha badan ee 1-da Luulyo oo ah maalinta xoriyada Soomaaliya, waxaana maanta munaasabada si weyn looga xusay gobolada dalka Soomaaliya iyadoo qurbajoogta Soomaaliduna ay dhinacooda ka xuseen.

 

Cayaartoyda kooxda Hombaboro

 

Maria Maamulka Dugsiga sare ee Cumar Samatar

 

Rooble Xasan Wakiilka Saxaafada Gobolka

 

Mahad Jamac Xubin Guddiga Farsamada

 

Khadar Dhuubane Taliyaha Dowladda Hoose Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this