Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ugandan president reshuffles his military officers in Somalia Mogadisho.

Recommended Posts

Madaxweynaha Uganda oo ka warbixiyay isbadal uu ku sameeyay ciidamadiisa ku sugan dalka Soomaaliya

 

Khamiis, June 30, 2011 (HOL) – Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo la hadlayay warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay in isbadal lagu sameeyay saraakiisha ciidamada dalkiisa kaga sugan Soomaaliya.

 

Isku-shaandheyntan oo dhacday maanta, ayuu Museveni ku sheegay inay tahay mid ay ku xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan Xarrakatul Shabaab. Wuxuuna sheegay in saddex sarkaal oo ka mid ah AMISOM ay hoggaamin doonaan guutada koowaad ee ciidamadooda ku sugan Muqdisho.

 

Sarkaakiishaas ayaa waxay kala yihiin: afhayeenka AMISOM Maj. Paddy Ankunda, Chris Ogumiraki iyo Joab Ndahura, iyadoo la sheegay in Ankunda uu sidoo kale ka shaqeyn doono isgaarsiinta iyo xiriirka dadweynaha ee AMISOM.

 

Ciidamada Midowga Afrika oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi oo tiradoodu ay tahay 9,000 oo askari ayaa waxay howshoodu tahay inay ilaaliyaan madaxda iyo hay'adaha DKMG ah, ayna gacan ka geystaan sidii ammaanka Muqdisho loo sugi lahaa.

 

Isbedelkan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyaha Uganda uu horay u sheegay inuu xoojinayo ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya, si ay ugu guuleystaan iyaga iyo kuwa howlgalka ku wehliya ee Burundi in la sugo ammaanka Muqdisho iyo dalka oo dhan.

 

Dalka Uganda ayaa waxaa kaga dhintay Muqdisho ciidamo badan tan iyo markii ay bilaabeen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana haatan ka jooga Muqdisho 5,000 askari, kuwaasoo ku sugan goobaha muhimka ah ee ay DKMG ah gacanta ku hayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

I heard this a week ago and beleive me he might not have said it in public because one can imagine how that will look on his forces, but I was told that there is some sort of corruption committed by some of the officers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this